Casharka 27aad

 Casharka 27aad


Raacsanka hani labo-faraalaha (mitral valve prolapse).


Waa marka  hani labo-faraalaha  uu soo raaraaxsamo  dhegyarta bidix, inta lagu gudda jiro tuujinta.

Soo raacsanka  waa sida  baalshuutka,  wadnaha qeybta bidix ee sarre waxa uu sameynayaa  isku urursan.Hani labo-faraalaha waxa uu kala saaraa  dhegyaraha bidix( left atrium and ventricles)  qeybta bidix ee wadnaha.  Raacsanka hani labo-faraalaha caleen yaraha haniyaha bidix waa sida  baalshuudka  marka uu wadnaha ku jiro  isku urursanka.   Mararka qaar  dhacsanka hani labo-faraalaha  waxa uu keenayaa  in dhiigga  darka kale  ku soo laabto( atrium) ka imanaya dhegyarta bidix( ventricles).Hani labo-faraalaha waa sida albaabka isku xira  labada dhagyar ee bidix( left atrium and ventricles)  labadan qol ee wadnaha waxay masuul ka yihin  soo ururinta dhiig uu ka buuxo ogsijiin ka imanaya  sambabada kaddib loo  buufiyo  jirka intiisa kale.


Hani labo-faraalaha waxa uu leeyahya nude caleen yaro.  Caleen yaraha  waa mid furma ama xirma garaac walba ee wadnaha,  si markaasi u nidaamsho  qulqulka dhiigga.Caleen yaraha waxa ku dhagan  giraan adag,  nudaha miiqsan( fibrous tissue)-ka waxa la yiraahdaa  fargal. Giraanta wareegsan waxay siisaa hani labo-faraalaha qaab. Caleen yaraha sidoo kale waa uu taageeraa( chordae tendineae).  Waa mid adag miiqsankan xarkaha.Raacsanka hani labo-faraalaha  waa jaad 

myxomatous valve disease.  Macnaha  nudaha caleenyaraha hani labo-faraalaha  iyo  taharta adag(chordae) oo noqda kuwa aa caadi ahayn kala baxooda. Tani waxay keeneysaa  in  haniya  soo raaracsamo. Dhegyrtana  ma awooddayo inuu kogo( contraction).


Maxaa keenna


Badanaa waxa lagu arkaa  ragga iyo dumarka yaryar marka loo eego duqowda. Badanaa waxa keenna lama yaqaanno, laakiin waxa loo aaneeyaa  dhowr xanuun Marfan’s syndrome:  Waa xaalad  hidda dhaxaleed kuwaasoo isbbeddelaya  borotiinnada  ka qeyb qaadanaya  saxnaanta  caafimaadka  cadka isku xiraha( connective tissue).


Thyrotoxicosis:  waa kororka xaddi ka badan hormoonka jirka intii loogu tala galay.


Ischemic heart disease: in aanu wadnaha helin dhiig ku filan iyo ogsijiin. 

Waxa kaloo keeni kara  qoqobka lagu dhasho ee wadnaha ( atrial septal defect).


Myotonic dystrophy waa xaalad hidda dhaxaleed taasoo keeneysa in muruqyada daciifaan ama la waayaba.


 

Von Willebrand disease: waa xanuunnada ku dhaca dhiigga kaasoo dhiigga aanu  u xinjirooweyn si qumman.


Ebstein anomaly waa xaalad dhif ah in la arko waana lagu dhashaa( waa xanuunnada wadnaha.Waxa ee lagu dhasho). Xaaladin   haniyaha kala qeybinaya qeybta kore iyo hoose ee midigta wadnaha ayaan sidii la rabbay u sameysmin(  tricuspid valve).


Calaamadaha 


 1:Laab xanuun. 

 2:Wareer. 

 3:Daal

 4:Garaaca wadnaha oo dagdaga.

 5:Madax xanuun.

 6:Neefta oo adkaata.

 7:Cagaha oo barara iyo lugaha. 

 8Qofka oo noqda bilaa baraad.


Baaritaan.


1:Echocardiogram.  waxa lagu xaqiijinayaa haddii uu jiro ciriirsan hani labo faraalaha . Waa hir codeed abuuraya humaag.  Waxa lagu caddeynayaa haddii uu jiro daciifsanaan qulqulka dhiigga iyo dhibaato haniyaha wadnaha( heart valve). Sidoo kale waxa lagu go'aaminayaa darnaanshaha ciriisanka hani labo-faraalaha. 


2:Electrocardiogram.  waxa lagu cabbirayaa danab koronteeda wadnaha siday shaqadiisu tahay. Waxa uu inna tunisayaa haddii ay jirto dagdag garaaca wadnaha ama ay jirto mid tartiib ah.


3:Chest X-ray. Waxay inna tusineysaa xaalada wadnaha iyo sambabada  waxay innoo sheegeysaa haddii wadnaha uu weynaaday.


4:Cardiac catheterization.  Waa qalab la galinayo xidididka dhiigga ilaa wadnaha. Waxa lagu cabirayaa cadaadiska wadnaha iyo hani labo-faraalah


 

Daaweynta.


1:Diuretics:waxay ay yareynayaan hoorka(dareeraha) ku ururay sambabada  ama meelaha kale jirka.


2:Blood thinners. Waxay ka hortagayaa sameysanka xinjirowga, hani labo-faraalaha oo ku sababa korontada wadnaha aan nidaamsaneyn( atrial fibrillation).


3:Beta blockers, calcium channel blockers: Waxay yareynayaan garaaca wadnaha.Wadnaha shaqadiisa si ay hoos ugu dhigaan wakhtina u siiyaan si uu buuxsamo markalena u tuuro dhiigga.


4:Heart rhythm drugs (antiarrhythmics). dawadani waxa loo isticmaalayaa si loo xakameeyo qalafsanaanta korontada wadnaha (irregular heart rhythms).


4:Sidoo kale waxa lagu daweeyaa qaliino lagu saxayo hani labo-faraalaha, waxaana lagu taliyaa marka dawooyinku waxba u tari waayaan bukaanka qaliinadaas oo lagu hagaajinayo albabkaas soo raacsamay (mitral valveprolapse) in loo sameeyo beddel( mitral valve replacement).


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad