Casharka 28aad

 Casharka 28aad


Dib u noqodka dhiigga hani labo-faraalaha (Mitral valve regurgitation)


Waxa ay saameysaa haniyaha wadnaha,  waa marka caleenyaraha hani labo-faraalaha  uu xidhmi waayo sidii qummaneyd ee loogu tala galay, taasina waxay keeneysaa in dhiigga uu ku soo laabto wadnaha.Caleen yaraha(leaflets)hani labo-faraalaha  waxa uu xakameeyaa qulqulka dhiigga  ka imanaya dhegyarta bidix( left atrium)  aadaya dhegyarta bidix ( left ventricle). Haddii uu xidhmi waayo uu adkaado  dhiigga waxa ku soo noqonayaa jiha qaldan.   Taasina waxa la yiraahdaa  soo noqoshada dhiigga hani labo-faraalaha ( mitral valve regurgitation).Dib u noqodka dhiigga  ee dhegyarta bidix waxay keeneysaa in  dhegyarta bidix balaarato, uuna siyaado inyar cadaadiska dhegyarta bidix haddii uu jiro dib u noqodka dhiigga waqti badan. Haddii dhiigga halkaas ku soo ururo waxay keeneyaaa in dhegyarta bidix ay weynaato, uu la socdo dib u noqodka dhiigga dag daga hani labo-faraalaha, caadi ahaan dhegyarta bidix ma ogolaato in ay ballaarato,   iyo in uu kaco cadaadiska,  taasina waxay keeneysaa in talax gabto dhegyarta bidix shaqadeeda.


Dib u noqodka dhiigga hani labo-faraalaha  waxa loo qeybiyaa lama jaad.


1:Primary mitral regurgitation. Xaaladani waxay dhibaatada ka jirtaa haniyaha qudhiisa( valve)   qaabdhiska ayaa dhaawacmaya  kaddib waxa uu awooddi weynayaa inuu isku xidho sidii caadiga ahayd. Tusaale ahaan caleen yaraha  waxaa uu noqonayaa mid aad u kala jiidma si u noqdo mid adag uu xidhmo waayo.


2:Secondary mitral regurgitation. Xaaladdani  waa dhibaato saameysa wadnaha qololkiisa gaar ahaan dhegyarta bidix. Tusaale ahaan  cardiomyopathy  waxa uu keenayaa in wadnaha  uu weynaado iyo inuu daciifo. Taasina waxay diideysaa in caleenyaraha uu xidhmi waayo.


 

Maxaa keenna


Waa marka hani labo-faraalaha uu ku fashilmo inuu is xidho. Si aynnu u wadda fahanno aynnu isla eegno qaabdhiska haniyaha. Hani labo-faraalaha waxa uu leeyahay labo caleen yare kaasoo furma marna xirma,  dhiigga waxa laga soo dirayaa qeybta sare dhegyarta bidix, waxa uu imanayaa qeybta hoose ee dhegyarta bidix. Dhaawaca soo gaadha caleen yaraha ama qeybaha kale ee haniyaha  waxay ka hortagayaan in uu xirmo hani labo-faraalaha.  Taas waxay ka dhallaneysaa in dhiigga  uu dib ugu soo noqdo ama jiho qaldan uu aado.


Waxa jiro waxyaabo kale gaar oo keenna


1:  dhacsanaanta Hani labo-faraalaha ( Mitral valve prolapse ) ayaa ugu badan waxa keenna.


2:  Rheumatic heart disease waa bakteeriyo dhaawac gaarsiineysa haniyaha wadnaha uu leeyahay(group A streptococcal (GAS) infections). Waxay ka mid tahay waxyaabaha ugu caansan keenna.


 3: Waxa kalo keena ololka ku dhaca gudawadneedka( endocarditis).


4: Waxa kaloo keeni kara jug qofka ku dhacday.


5: Waxa kaloo keenna kara:Hypertrophic cardiomyopathy (HCM): Waa xanuun saameya  muruqyada wadnaha, waa xaalad ay ku bada yihiin da'aada yaryar kaasoo ku keeneysa dhimasho dagdag ah,waxa adkaanaya muruqyada wadnaha  gaar ahaan  dhegyarayaasha(ventricles)  ama qololka hoose ee wadnaha.


6: Wax kaloo keeni kara :Dilated cardiomyopathy :Waxa uu dhacaa marka wadnaha qeybta wayn dhiigga buufisadhegyraha biddix(left ventricle) uu noqdo mid weynaada.  Waa xaalad daran.  Waxa uu saameyaa meelo badan oo wadnaha kamid ah. Waa xanuunnada saameeya murqaha wadnaha.


7: In carqalad ku timmaado  korontada wadnaha ee wareegga iyana waa ay keeni kartaa( atrial fibrillation),  waxay keeneysa in dhiigga  socodkiisa noqdo mid  liita( dhegyaraha).


8:In wadnaha uu ogsijiin ku fillan heli waayo.


Calaamadaha MR.


Calaamadaha xanuunkan markiiba masoo baxaan oo muddo ayuu qofku bilaa calaamado aan la tabin yeelan karaa calaamadihiisa marka danbe soo baxana waxa ka mid ah :


1:Naqaskoo qofka ku adkaada,gaar ahana marka qofku hawl qabanayo ama seexdo.


2:Codadka wadnaha oo qalafsanaada(isbeddela).


3: wadnaha oo aad u garaacma.

4: Daal iyo Caga barar.


Baaritaan.


1:Echocardiogram.  waxa lagu xaqiijinayaa haddii uu jiro ciriirsan hani labo faraalaha . Waa hir codeed abuuraya humaag.  Waxa lagu caddeynayaa haddii uu jiro daciifsanaan qulqulka dhiigga iyo dhibaato haniyaha wadnaha( heart valve). Sidoo kale waxa lagu go'aaminayaa darnaanshaha dhiig noqodka hani labo-faraalaha. 


2:Electrocardiogram.  waxa lagu cabbirayaa danab koronteeda wadnaha siday shaqadiisu tahay. Waxa uu inna tunisayaa haddii ay jirto dagdag garaaca wadnaha ama ay jirto mid tartiib ah.


3:Chest X-ray. Waxay inna tusineysaa xaalada wadnaha iyo sambabada  waxay innoo sheegeysaa haddii wadnaha uu weynaaday.


4:Cardiac catheterization.  Waa qalab la galinayo xidididka dhiigga ilaa wadnaha. Waxa lagu cabirayaa cadaadiska wadnaha iyo hani labo-faraalah


Daaweynta.


1:Diuretics,kuwaas oo loo adeegsado inay dareeraha sambabada iyo jidhka intiisa kalaba uu ka batay intii caadiga ahayd in lagu yareeyo.


 2:Anticoagulants: Waxa loo isticmaala in dhiigga laga ilaaliyo inuu xinjiroowo. Digitalis si ay u xakameeyaa carqalada ku timaada  korontada wadnaha  uu keenno dib u noqodka dhiigga( Atrial fibrillation).


4:ACE inhibitors iyo dawooyinka loogu beddelo haddii uu qofka yeesho qufac badan uu dawadani kala kulmo oo iyadana la yiraahdo ARBs oo labada qeyboodba ay ka siman yihiin kala bixitaanka xiddidada si ay hoos ugu dhigaan dhiigga kacsan,  kuwaasoo siinaya kansho  uu amin ku gaadho dhiigga unugyada.


5:Haddii dawooyinkaasi ka caawin waayaan inay calaamadaha uu bukaanku ka cabanayo hoos u dhigaan waxa lagu taliyaan qaliin lagu beddelo ( Hani labo-faraalaha).


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad