Casharka 29aad
Casharka 29aad
๐๐๐ฑ๐๐ ๐ฌ๐๐๐๐๐ ๐๐ก๐ข๐ฆ๐๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐ ๐๐ก, ๐ฆ๐๐ฌ๐ ๐ฅ๐๐ ๐ ๐ก๐จ๐ซ๐ญ๐๐ ๐ข ๐ค๐๐ซ๐๐?
-----------------------------------------
๐๐ฉ๐ช๐ฎ๐ข๐ด๐ฉ๐ข๐ฅ๐ข ๐ฅ๐ฆ๐จ๐ฅ๐ฆ๐จ๐ข ๐ข๐ฉ๐ช ๐ข๐ข๐ฅ ๐ข๐บ๐ข๐บ ๐ถ ๐น๐ข๐ฏ๐ถ๐ถ๐ฏ ๐ฃ๐ข๐ฅ๐ข๐ฏ ๐ต๐ข๐ฉ๐ข๐บ, ๐ฌ๐ข๐ด๐ฐ๐ฐ ๐ฌ๐ข๐ฃ๐ข๐ด๐ฉ๐ข๐ฅ๐ฆ๐ฆ๐ฅ๐ถ๐ฏ๐ข ๐ฆ๐ฉ๐ฆ๐ญ๐ฌ๐ข ๐ฎ๐ข๐ณ๐น๐ถ๐ถ๐ฎ๐ฌ๐ข ๐ธ๐ข๐บ ๐ฌ๐ถ ๐ข๐ฅ๐ข๐จ๐ต๐ข๐ฉ๐ข๐บ.
Dhimashada degdega ah (๐ฌ๐ฎ๐๐๐๐ง ๐๐๐ซ๐๐ข๐๐ ๐๐๐๐ญ๐ก) ma aha wax naadir ah. Sannadkasta maraykan oo keli ah ku dhawaad 325,00 oo qof oo da'doodu u dhaxayso 30 iyo 45 ayaa u dhinta wadnaha oo istaagay. Ragga ayay laba jeer kaga badan tahay dumarka, siiba kuwa ciyaara ciyaaraha kala duwan ama jidhka dhisa; carruurta da'doodu ka yartay 15 jirna aad ayay ugu yartahay.
Sababta wadnuhu isu taagaa waa laba midkood uun: in uu xidhmo xididadda waawayn ee wadnaha dhiigga siiya midkood, kaddibna qaybtii wadnaha ee xididkaasi dhiigga siinayay ay dhimato taasina waxay keentaa in wadnuhu shaqadiisii gudan kari waayo oo istaago. Xaaladan waxa la yidhaahdaa ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐ (๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐). Badanaa waxay ku dhacdaa dadka da'doodu ka wayn tahay 55 jir isla markaana leh mushkilado caafimaad oo kale, sida dhiig kar, macaan, dhiig yaraan, iyo liis aad u dheer oo mushkilado ah.
Sababta labaad waa in khalkhal ku dhaco habsami u socodka korontada wadnaha (๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐) taasi oo keenta in wadnaha garaaciisu kordho (>300bpm) heer uu gaadho xad aanu sifiican dhiigga ugu diri karin qaybaha kale ee jidhka. Ilbidhiqsiyada ugu horeeya halista ugu wayn waxay saamaysaa maskaxda oo dhiigga iyo oksajiintuba ka yaraato. Taas ayaa keenta in markiiba qofku miyir doorsoomo oo dhulka ku dhaco. Dhimasho degdeg ah ayaa ku xigta haddii aan badbaadin degdeg ah la samayn. Mushkiladani waa ta inta badan da'da dhexe u dhimato. Inta badan khalkhalkaas garaaca wadnaha ku dhacay lama sii saadaalin karo; waxa uu ku iman karaa qof wadno xanuun hore u lahaa iyo mid caafimaad qabayba. Majiraan astaamo muuqda oo lagu sii garan karo qofka degdeg ugu dhiman kara wadnaha dartiis. Waxaase jira arrimo kordhin kara fursada ah in qofku degdeg wadana ugu dhinto kuwaas oo ay ka mid yihiin iin wadnaha ku taal oo qofku ku dhashay, wadno xanuun uu hore u qabay, qof lagu ogyahay in uu leeyahay khalkhalka garaaca wadnaha, qofka uu waynaaday xajmiga wadnihiisu iyo xaalado badan oo ayaan halkan kusoo wada koobi karin.
๐บ๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐ ๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐๐ ๐ ๐๐๐๐? Dhimashada degdega ah, gaar ahaan da'yarta, waxa la isku dayaa in la yareeyo, laga hortago, haddii qofka xaaladan oo kale ku timaadana la badbaadiyo. Ugu horeyn waa in ay jirto ku baraarug sanaani oo haddii qof da'yar ahi goob ciyaareed ku dhaco aanuu salbabaq iyo buuq meesha hadhayn ee uu helo cid fahansan mushkiladu waxa ay noqon karto, isla markaana dejiya xaalada. Marka xigta waa in la faafiyo, dadka ugu badana lagu tababaro waxa loo yaqaan ๐ช๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ (๐ช๐น๐ท) oo ah hab wadnaha shaqadiisa dib loogu bilaabi karo isla markaana dhiigga lagu sii gaadhsiin karo xubnaha hal bowlaha ah ee jidhka inta uu ka soo gaadhayo gurmadka degdega ahi.
Sidoo kale waxa waajib ah in dhammaan goobaha dadku isugu yimaado, gaar ahaan garoomada ciyaaraha, dugsiyada, masaajidada, Jaamacaddaha, iyo goobaha la mid ah, laga helo mishiinka caadiga kusoo celiya garaaca wadnuhu marka uu khalkhalo ee ๐จ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ฌ๐๐๐๐๐๐๐ ๐ซ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ (๐จ๐ฌ๐ซ); bulshada lagu wacyi geliyo faa'iidadiisa, dadka goobahaas ka shaqeeyana lagu tababaro. CPR sifiican loo fuliyo iyo AED wakhti fiican lala soo gaadho way badbaadin karaan nolosha qofka.
๐ด๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐? ururka ๐๐ฎ๐ฆ๐ณ๐ช๐ค๐ข๐ฏ ๐๐ฆ๐ข๐ณ๐ต ๐๐ด๐ด๐ฐ๐ค๐ช๐ข๐ต๐ช๐ฐ๐ฏ waxa uu ku talinayaa in baadhitaan wadnaha ah loo sameeyo dhammaan ciyaar yahannada da'doodu u dhaxayso 20 iyo 40. Labadii sannaba mar waa in la sameeyo baadhitaankaa mudada uu qofkaasi ciyaartoyga yahay. Sidoo kale qofka raba in uu bilaabo jimicsiyada jidhka lagu dhiso ayaa isna ay waajib tahay in uu baadhitaan guud oo wadnuhuna qayb ka yahay sameeyo. Qofka laga helo cillad abuurka wadnahiisa ah ama xanuun waa in uu intaa kaddib sijoogto ah ula xidhiidho dhakhtar aqoon uleh.
Qofka baadhitaanka lagu ogaado in garaaca wadnihiisa khalkhal kujiro waxa lagu rakibaa mishiin yar oo u nidaamiya garaaca wadnaha (๐ฐ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐-๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐) oo ka kortaga dhimasho degdeg ah. ICD waxa uu si joogto ah ula socdaa garaaca wadnaha qofka, isagoo haddii hakad galo, ama garaacu isku dhexdaato, ama xawaarihiisu aad u kordho, waxay muruqa wadnaha ku dhufataa danab xoog badan laakiin kooban oo caadigii kusoo celiya. ICD waxa kale oo uu kaydiyaa xogta ku saabsan sida wadnaha qofku u shaqaynayo taasi oo fududaysa in dhakhtarka wadnuhu eego xogtaa duuban, gorfeeyo kadibna go'aan ka gaadho in qofku u baahan yahay dawooyin dheeraad ah ama qaliin iyo in kale.
Qofka xididdada wadnaha qaar xidhan yihiin isaga waxa loo samayn karaa qaliin lagu furayo xiddidka ama lagu beddelaayo gabigiisaba si loo wanaajiyo socodka dhiigga loona yareeyo wadna istaaga( heart attack) ku dhaca. Waxa intaas dheer, dadka qaba xanuunnada wadnaha, kuwa qof caafimaad qabay ku dhaca iyo kuwa lagu dhashaba, waxa la gudboon in ay xaaladooda fahmaan, qoyskoodu fahmo, isla markaana ay qaadaan talaabooyinkan oo ay ku wanaajinayaan hab-nololeedkooda.
1. Joogi dhammaan balwadaha sida sigaarka, qaadka, iyo wixii
kaleba.
2. Hadii miisaankaagu ka badan yahay inta dhererkaagu qaadi
karo, dhin miisaanka.
3. Bilow Jimicsi fudud oo la socon kara xaaladaada caafimaad la
socon kara.
4. Bilow cunto ay ku yartahay dufanka culus kuna badan tahay
saliidaha dhirta ee dabiiciga ah.
5. Sifiican u xakamee xanuunnada ay ka mid yihiin dhiig karta iyo
macaanku.
6. Haddii lagu qoray dawooyin lagu nidaaminayo xaalada
wadnahaaga, sifiican u qaado, qiimayn wakhti le ahna samee.
Waxa xaqiiqo ah in ajasheennu qorantahay oo qofna saacadiisa dhaafayn, hasayeeshee waxa la inna faray taxadar iyo in aynnu sababaha badbaadada qaadanno. Arrimaha aynnu kasoo sheekaynay waxay isugu jiraan qaar u baahan siyaasad guud oo caafimaad iyo kuwo qofku kelidii fulin karo. Waxaynu rejaynaynaa in qofka iyo qarankuba waajibkooda gartaan oo kaalintooda buuxiyaan si aynu nafo badan oo qaali ah u badbaadino.
Allah mahad oo dhan leh.
Dheegasho:Dr Abdikariim D Hassan.
Indha_caad
Comments
Post a Comment