Casharka 30aad
Casharka 30aad
Aortic stenosis.
Aortic stenosis waa xirran uu xirmo garka haniyaha( aortic valve).Marka uu noqdo garka wadnah mid ciriirsan, waxa dhacaya iska caabin tuujinta dhiigga( systolic resistance) iyo inuu siyaado cadaadiska tuujinta dhiigga ee u dhexeeya dhegyarta bidix ee hoose wadnaha iyo garka wadnaha. Xirranka socodka dhiigga waxa uu siyadinayaa tuujin dhegyrta bidix ee hoose( left ventricular systolic pressure). Caadi ahaan si uu isu saxo dhegyarta bidix darbiyadiisa waxa ku imanaya qalqal, haddii dhegyarta bidix darbigiisa adkaado, wax isbeddelaya shaqada iyo qaabdhiska dhegyarta darbiyada waxay noqonayaa kuwa adag( concentric hypertrophy). Heerkan qolalka dhegyarta bidix ma awooddayaaan innay kala baxaan, dhegyarta shaqadeeda hoos u dhac ayaa soo gaadhaya, hakad wadneeda waa uu yaraanaya( diastolic). Shaqa gabka tuujis wadneedka waxa uu dhacaa marka ay carqaladeysanto in kala bixi weydo dhegyarta bidix( left ventricular relaxation), waxa ka dhallaneyso inuu siyaado cadadka caadiska dhiigga ka tuurayo inta lagu gudda jiro gogitaanka( urursanka) dhegyarta bidix. Haddii uu aad u daran yahay xirranka garka wadnaha dhammaadka tuujis wadneedka ka hor inta aanu xidhmin hani labo-faraalaha. Haddaba waxa uu qofka muujinayaa garaaca wadnaha aad u dagdaga xirranka garka wadnaha awgiisa, taasin waxay keeneysaa in wadnaha talax gabo taasoo ugu wacan yahay inuu xejin waayo cadadka dhiigga uu wadnaha buufinayo. Haddii uu siyaado cufka dhegyarta bidix waxa siyaadaya cadaadiska tuujin wadneedka(systolic).
Qaabka uu ku imanayo.
Waxa xirmaya furranka barta garka haniyaha inta lagu gudda jiro tuujin wadneedka(systolic), waxa xirmaya socodka dhiigga ka imanayay dhegyarta bidix, waxa siyaadaya dhegyarta bidix cadaadiskeeda, dhegyarta bidix waxay noqoneysa mid ballaadhata, taasina waxay keeneysaa inuu siyaado baahida loo qabo ogsijiinta.Waxa xumaanaya dhegyara bidix dhiigga soo gali lahaa inta lagu jiro hakad wadneedka, waxay keeneysaa in qeybta bidix ee wadnaha inuu fashilmo.
Waxa hoos u dhacaya socodka dhiigga (keydka) xiddidka quudsha wadnaha. Cadadka dhiigga baxayaa waa uu yaraanayaa, wadnaha waxa uu isku dayayaa inuu isi saxo. Ugu dambeyn dhegyarta bidix waxa yaraanaya cadadka dhiigga ay tuureyso iyo sidoo kale waxay sababeysaa in dhiigga ku soo noqdo xiddida sambabeedka iyo tiiftaafayada,waxa siyaadaya cadadka cadaadiska wadnaha u baahan yahay si uu dhiigga u tuuro inta lagu gudda jiro gogitaanka dhegyarta ( ventricular contraction).
Maxaa keenna
Si aan u fahanno ciriirsanka garka haniyaha(aortic valve stenosis),sababta keentay aynnu isla fahanno shaqada uu qabto haniya. Taasi waxay innaga caawineysaa wadnaha iyo haniyaha sida ay u shaqeeyaan.
Haniya walba waxa uu leeyahay caleen yare, kaasoo xirma ama furma garaac kasta wadnaha uu sameeyo. Mararka qaar, haniyaha ma furnayo mana xirmayo sidii looga baahnaa. Haddii aanu u furmin ama uu xirmin waxa yaraanaya socodka dhiigga ama waxa imaneysa xirran.
Haniyaha waxa uu u dhexeeyaa qeybta hoose ee wadnaha bidix( left ventricle), garka ma noqonayo mid si dhammeystiran u furma. Dhiigga uu wadnaha soo buufiyo kama gudbayo garka wadnaha. Goorta garka haniyaha uu furmo waxa uu noqdaa mid ciriirsan, wadnaha waxa waajib in aad u shaqeeyo si dhiigga u buufiyo si markaasi dhiigga loo gaarsiiyo jirka oodhan. Shaqada laba jibaarka wadnaha waxay keeneysaa in dhegyarta bidix adkaato iyo in ay weynaato. Taasina waxay keeneysaa in muruqa wadnaha uu daciifo, waxay horseed u noqoneysaa talax gabka wadnaha(heart failure).
Waxyaabaha ee kale keenaya
1:Congenital heart defect. Carruurta qaar ayaa ku dhasha garka haniya xirran. Sida caadiga waxa uu leeyay garka wadnah labo(bicuspid aortic valve), waxa uu yeelanayaa seddex( tricuspid aortic valve) waa xaalad dhif ah in la arko. Ilaa afar ayuu yeelan karaa. Qofka leh xanuunnada wadnaha lagu dhasho, waxa u baahanayaa hubbin joogta ah. Haddii haniya uu noqdo mid ciriirsan waxa u baahnaan doonaa in la dayac tiro ama la beddelo.
2:Calcium buildup on the valve (aortic valve calcification). Kaalsiyamta waa macdanta laga helo guddaha dhiigga dhexdiisa. Kaalsiyamta waxay ku soo urureysaa garka haniyaha. Urursanka kaalsiyamta waxay la xidhiidhaa da'da qofka weyn(70) sanno. Carruurta ku dhallata xanuunnada wadnaha kaalsiyamta waxay ku urureysaa haniyaha waxay keeneysaa inuu adkaado.
3:Rheumatic fever. Waa dhibaato ka dhallata bakteeriyo aan la daweyn(strep throat) waxa ay soo raaceysaa qulqulka dhiigga, waxay ku urureysaa haniya(valve) taasoo dhaawaceysa haniyaha wadnaha. Waxay ku sababeysaa nuddaha nabar(scar) kaasoo ku sameysmaya garka haniyaha. Nabarkaasi waxa uu ciriirinayaa garka haniya.
Calaamadaha.
1: Daal gaar ahaan qofka marka uu shaqo qabto. Waxa uu daalayaa marka u hollado hawl-maalmeedkiisa.
2: Garaaca wadnaha oo siyaada.
3: Bararar: Waxa bararaya cagaha, xaglaha, iyo lugaha.
4:Lab xanuun, qofka waxa uu dareemayaa in laabta culaab ka saaran tahay, kaasoo ku baahaya qoorta, daanka, gacanta, ubucda.
5:Neefta oo adkaata.
6: Wareer.
Baaritaan.
1:Echocardiogram. waxa lagu xaqiijinayaa haddii uu jiro ciriirsan garka haniya . Waa hir codeed abuuraya humaag. Waxa lagu caddeynayaa haddii uu jiro daciifsanaan qulqulka dhiigga iyo dhibaato haniyaha wadnaha( heart valve). Sidoo kale waxa lagu go'aaminayaa darnaanshaha dhiig socodka.
2:Electrocardiogram. waxa lagu cabbirayaa danab koronteeda wadnaha siday shaqadiisu tahay. Waxa uu inna tunisayaa haddii ay jirto dagdag garaaca wadnaha ama ay jirto mid tartiib ah.
3:Chest X-ray. Waxay inna tusineysaa xaalada wadnaha iyo sambabada waxay innoo sheegeysaa haddii wadnaha uu weynaaday.
4:Cardiac catheterization. Waa qalab la galinayo xidididka dhiigga ilaa wadnaha. Waxa lagu cabirayaa cadaadiska wadnaha iyo garka haniyaha.
Daaweynta.
Daaweynta kaliya xalka lagu gaari karaa waa in la beddelo haniya(aortic valve replacement).
Waxa kaloo loo sameynayaa in dhex dhig la dhigo si loo balaarsho garka haniyaha ( bolloon).
Si loo yareeyo caalamadaha loo yareeyo, bukaanka waxa la siinayaa dawooyin hoos u dhiga calaamadaha.
1:Diuretics,kuwaas oo loo adeegsado inay dareeraha sambabada iyo jidhka intiisa kalaba uu ka batay intii caadiga ahayd in lagu yareeyo.
2:ACE inhibitors iyo dawooyinka loogu beddelo haddii uu qofka yeesho qufac badan uu dawadani kala kulmo oo iyadana la yiraahdo ARBs oo labada qeyboodba ay ka siman yihiin kala bixitaanka xiddidada si ay hoos ugu dhigaan dhiigga kacsan, kuwaasoo siinaya kansho uu amin ku gaadho dhiigga unugyada.
3:Beta blockers, calcium channel blockers: Waxay yareynayaan garaaca wadnaha.Wadnaha shaqadiisa si ay hoos ugu dhigaan wakhtina u siiyaan si uu buuxsamo markalena u tuuro dhiigga.
W/Q: Indha_caad
Comments
Post a Comment