Casharka 33aad
Casharka 33aad
Pulmonic valve regurgitation
Waa marka aanu si qumman ama sidii la rabbay aanu xirmin haniya sambabeedka. Taasoo keeneysa in dhiigga jiha qaldan uu aado. Marka uu dilaaca uu yar yahay badanaa malaha wax dhibbaato, si kastaba marka uu sameeyo dhiig noqodka haniya samababeedka uu yahay mid dhex-dhexaad ama mid daran waxa uu dhaawac gaarsiinayaa caalool yarta midig ee wadnaha(right ventricle) taasoo keeneysa in ay talax gabto calool yarta midig(right-side heart failure).Wadnaha waxa uu leeyahay afar qol iyo afar haniye kaasoo maamulaya qulqulka dhiigga. Haniya sambabeedka waa midka labaad haniya kaaso dhiigga mara.
Waxa ballaaranaya giraanta haniya sambabeedka, isbeddel ku dhaca haniya samababeedka ama in qofka ku dhasho aanu lahayn haniya sambabeedka. Taasi waxay horseedeysaa mugga calool yarta midig inuu siyaado, taasi waxay keeneysaa inay weynaato calool yarta( ventricle), waxay abuureysaa inay shaqo gabto calool yarta. Marka uu dhiig noqodka dhaco, waxay sababeysaa calool yarta midig dhiigga in ay si adag u buufiso, taasoo isku dayeysa inay saxdo qallafsanaanta jirta, waxay adeegsaneysaa awood labo jibaaran si dhiigga loo tuuro. Waqti badan kaddib waxa dhaawacmaya calool yarta midig, sidii ay u kala baxeysa oo xadkii loogu talagay ay dhaafeyso.
Maxaa keenna.
Waxa keenna waxyaalo badan sida.
1:Rheumatic heart disease. Cabuuq bakteeriyo aan la daweyn waxay keeneysaa( rheumatic fever)taasoo dhaawaceysa wadnaha haniyayaashiisa, waxay caan ku tahay wadamada soo koraya.
2:Pulmonary hypertension. Inuu siyaado cadaadiska xiddidada sambabada. Siyaaditaanka cadaadiskaas waxa uu fidinayaa xiddidada halka ay ka imanayeen. Kaddib kala bax ayuu sameynayaa halbowlaha iyo haniya waxa uu sababayaa inuu haniya dilaaco.
3:Genetic disorders. Dhiig noqodka haniya samababeedka waxa keena xaalad hidda dhaxaleed lagu dhasho(Marfan’s syndrome).
4:Carcinoid tumors. Waa mid aa shaacsaneyn kaankaradan, waa mid si tartiib ah u koreysa, iyadoo ka imaneysa meel kamid ah dheefshiidka. Waxay keeneysaa in nuddaha dhintay inuu ku ururo guddaha wadnaha, taasina waxay carqaladeynsaa socodka dhiigga.
5:Endocarditis. Waa olol ku dhaca guddaha dahaarka wadnaha. Taasoo keeneysa caabuq.
6:Injury. Waa xaalad aad u yar, waxa dhaawac soo gaadhayaa laabta sidaas ayuu ku dhaawacmayaa haniya sambabeedka.
7:Congenital problems. Waa xaalado xanuun lagu dhasho. Tusaale ahaan tertology of Fallot( waa in dhiigga socodkiisa xummaado, taasoo keeneysa in ogsijiinta yaraato, ilmaha jirkiisa lagu arko buluug).
8:Medical procedures: waxa keeni kara qaliin ama daaweyn loo sameeyay xanuunnada lagu dhasho wadnaha waxay horseed u noqon karaan dhiig noqodka mudda kaddib ama sannado kaddib.
9:Idiopathic. U jeedada: waxa saxda ee sababa lama yaqaanno.
Calaamadaha.
Dhiig noqodka haniya sambabeedka calaamadihiisa waxay ku xirran tahay heerka uu yahay. Kuwa uu daran yahay waxay soo muujiyaan calaamad, calaamadaha. Waxa ka mid ah.
1: Neefta oo yaraata.
2: Daal.
3: Wareer.
4: Garaaca wadnaha oo bata.
5:Ubucda oo barta iyo lugaha.
6: Laab xanuun.
Baadhitaan.
1:Electrocardiogram. waxa lagu cabbirayaa danab koronteeda wadnaha siday shaqadiisu tahay. Waxa uu inna tunisayaa haddii ay jirto dagdag garaaca wadnaha ama ay jirto mid tartiib ah.
2:Echocardiogram. waa hubbinta ugu muhiimsan loo istcimaalo sida wadnaha y garaacmayo iyo dhiiggana u buufinayo. Waxa inna tusayaa qaabka ama muuqaalka haniya samababeedka. Waxa kalo uu innoo sheegayaa heerka uu yahay dhiig noqodka haniyaha( pulmonary valve regurgitation).
3:Cardiac catheterization. Waa qalab la galinayo xidididka dhiigga ilaa wadnaha. Waxa lagu cabirayaa cadaadiska wadnaha iyo haniyaha.Inta lagu gudda jiro hubbintani, cadaadiska ka jira gudaha wadnaha ayaa lagu cabirayaa si loo arko awoodda dhiigga lagu buufinayo. Waxay innoo go'aamineysaa darnaasha uu yahay haniya sambabeedka.
4:Other imaging tests. waxa jira hubbinno kale oo la isticmaalo si loogu xaqiijiyo inuu jiro dhiig noqodka haniya sambabeedka(MRI IYO CT).
5:In la eego qaar ka mid ah calaamadaha dhiig noqodka haniya sambabeedka sida bararka lugaha oo la arki karo. In la fiiriyo xiddid sureedka( jugular vein) haddii cadaadiskiisa sareeyo.
5:In la dhageysto codadka wadnaha haddi uu jiro darnaashaha heerka dhiig noqodka haniya sambabeedka taasoo keeneysa qallafsanaanta codadka wadnaha(heart murmurs).
Daaweynta
1:Daaweynta waxay noqoneysaa in la daweeya waxbaaha kale ee keenay.
2:Waxa la siinayaa digoxine.
3:Qaliin loo istcimaalayo in lagu beddelo haniya qudhiisa(pulmonary valve replacement).
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment