Casharka 34aad

 Casharka 34aad


Fashilanka  calool yarta midig(Right-sided heart failure).


 Waa jaad ka mid ah fashilkanka wadnaha. Waxan yaraanaya awoodda ay ku buufineyso calool yarta midig dhiigga.  Taasoo ah wadnaha in aanu buufin karin dhiig sidii la rabbay. Dhiigga waxay ku noqonayaan xiddidada. Waxa isbeddelaya shaqada iyo qaabdhiska wareeg dhiigga calool yarta,  waxay keeneysaa in  wareeg sambabeedka( Pulmonary circulation) ama inuu siyaado cadaadiska xiddidka.Waxa siyaadaya calool yarta midig cadaadiska cadadka dhiigga la tuurayo(afterload),  waxa siyaada halbowle sambabeedka cadaadiskiisa.


Waxa siyaadaya calool yarta midig mugga uu dhiig helayo wadnaha(preload), taasoo keeneysa in  calool yarta midig muggeeda uu siyaado.

Waxa yaraanaya urursanka haddii uu yaraado waxa shaqo gabaya tuujinta calool yarta, waxa hoos u dhacaya calool yarta bidix cadadka dhiigga ay tuureyso. 

 


Wadnaha wuxuu leeyahay afar qol oo ka qeyb qaata habsami u socodka wareegga dhiigga, afarta qol uu wadnuhu leeyahay waxaa loo qeybiyaa labo dhinnac oo kala ah labo ku taala dhanka midig iyo labo ku taaala dhanka bidix.

Labada qol ee ku yaala dhanka midig ee wadnaha waxaa loo yaqaana dhegyar midig iyo calool yarta mid (right atrium and right ventricle) sidoo kale labada qol ee ku yaala dhanka bidix waxaa loo yaqaanaa dhegyara bidix iyo calool yar bidix (left atrium and left ventricle). Dhiigga ay ku yartahay ogsijiinta wuxuu kusoo noqdaa wadnaha kaddib marka uu ku soo wareeggo qeybaha kala duwan ee jirka,wadnuhu wuxuu dhiigga ay ogsijiinta ku yar tahay wadnaha wuxuu kasoo galaa dhanka midig ee wadnaha kaasoo loo yaqaano dhegyarta midig (right atrium), wuxuuna u 

sii gudbiyaa dhanka moqorka midig kasoo ka hooseeya dhegyarta midig(right atrium) waxaana loo yaqaano calool yarta midig (right ventricle).Marka uu soo gaaro dhiigga ay ku yar tahay ogsijiinta moqorka loo yaqaanno calool yarta midig(right ventricle) wuxuu sii gudbinaa dhanka sambabada si loogu soo daro ogsijiin cusub, sambabada marka ay ku soo daraan ogsijiin cusub dhiigga waxay u sii gudbinayaan dhegyarta yarta  bidix ee 

wadnaha,dhegyarta bidix (left atrium)-ka wuxuu dhiigga u sii gudbinayaa calool yarta bidix(left ventricle), marka uu soo gaaro dhiigga calool yarta bidix ee wadnaha,waxaa ka sii qaadi 

doonna xiddidka weyn ee loo yaqaano garka wadnaha(Aorta) kaasoo dhiigga u qeybin doonna dhammaan qeybaha jirka si ay jirka u siiyaan cunto iyo ogsijiin 

/hawo.


Maxaa keenna.


1:Coronary artery disease. Waa midka ugu caansan keenna fashilanka wadnaha. Qofka marka uu qabo xanuunka ku dhaca halbowlaha quudsha wadnaha,  waxa xireysa  walax taasoo keeneysa in xiddidka xirmo.  Waxay sababeysaa in dhiiggu yaraado ama ququlka dhiigga uu hoos u dhaco.


 2:High blood pressure. Cadaadiska dhiigga oo sare ah waxa uu keenayaa in wadnaha si saa'id ah u shaqeeyo.  Waqti badan kaddib muruqa wadnaha waa mid daciifa oo adkaada, taasina waxa keenay shaqada saa'idka ah.


 3:Damaged heart valves. Haniyaha waxa uu ilaalshaa qulqulka dhiigga jihadiisa saxda. Waxa dhaawici kara  caabuq ama  xanuunnada lagu dhasho ee wadnaha. Tusaale wadnaha haddii u shaqeeyo si xooggan ugu dambeyn waxa uu keenayaa inuu daciifo.


4:Arrhythmia. Waa qallafsanaanta korantada wadnaha. Waxay noqoneysaa mid dag dag ah ama mid gaabineysa. Waxay keeneysaa in garaaca wadnaha uu siyaadsho dhiigga markaasi tuurayo aanu ku filnaan.


5:Lung disease. Dadka qaba xanuunnada sambabeedka waqti dheer waxay ku keeneyaaa fashilanka calool yarta midig ama in ay weynaato.


 Calaamadaha

1: Neefsashada oo adkaata.

2: Xiddid sureedka inuu weynaado( neck vein).

3: Laab xanuun.

4: Garaaca wadnaha oo bata.

5: Miisaanka oo kordha.

6: Haraga oo qabooba iyo dhidid.

7: Addimaha oo barara.

8: Caloosha oo bararta(ascites).

9:Dhabar xanuun.

10: Cunista raashinka oo xumaata.

11: Lallabo.

12:Beerka oo weynaada iyo beer yarada.


Baadhitaan.


1:Qalabka korontada wadnaha ee loo yaqaano "ECG"

2:Qalabka kumbuyuutarka wadnaha ee loo yaqaano "ECHO"

3: Raajada waa lagu ogaan karaa inuu wadnaha bararan yahay iyo in sambabada biyo ku jiraan.

4: Hubinta dhiigga, gaar ahaan in la cabiro heerka hoormoonka dhiigga( natriuretic peptide )

5: Waxaa kaloo loo baahanaya in ka saaro MRI, CT SCAN.


Daaweynta.


angiotensin-converting enzyme (ACE).


Dawooyinka waxay  kala bixiyaan xiddidada  dhiigga  si ay hoos ugu dhigaan cadaadiska dhiigga. Waxay hagaajiyaan isku socodka dhiigga oo aynna yareeyaan cadaadiska wadnaha.

 Tusaalooyinka waxaa ka mid ah enalapril (Vasotec, Epaned), lisinopril (Zestril, Qbrelis) iyo captopril.


Angiotensin II receptor blockers (ARBs). 


Dawooyinka waxay leeyihiin faa'iido badan oo lamid ah kuwa aynnu kor ku soo xusnay ACE.Waxaa ka mid ah losartan (Cozaar), valsartan (Diovan) iyo candesartan (Atacand).


beta-blockers. Daawooyinkani waxay yareeyaan garaaca wadnaha waxayna hoos u dhigaan cadaadiska dhiigga. Waxay yareeyaan calaamadaha wadne-fashilanka waxayna caawiyaan wadnuhu inuu si fiican u shaqeeyo.  Tusaale waxaa ka mid ah carvedilol (Coreg), metoprolol (Lopressor, Toprol-XL, Kapspargo Sprinkle) iyo bisoprolol


Diuretics. Badanaa waxaa loo yaqaan daadi badiyaasha, daawooyinkani waxay ka dhigayaan qofka inuu  si joogto ah u kaadsho.  Waxay ka hortageysaa dareeraha jirka ku ururaya. Tusaale waxa ka mid ah, sida furosemide (Lasix, Furoscix), waxay sidoo kale hoos u dhigtaa dareeraha ku jira sambabada,

Waxa fududaanayo in qofka neefsado.


 Digoxin (Lanoxin). dawadan, oo sidoo kale loo yaqaan digitalis,  waxay ka caawineysaa qofka  in wadnaha dhiigga sifiican  u tuujiyo. Waxay hoos u dhigeysaa garaaca wadnaha. Digoxin  waxay hoos u dhigeysaa calaamadaha wadna-fashilanka dadka qaba.  


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad