Casharka 35aad
Casharka 35aad
Fashilanka calool yarta bidix(Left-sided heart failure).
Waxa ay dhacdaa marka wadnaha uu awooddi waayo inuu buufiyo dhiigga. Waxay keeneysaa in xubnaha kale heli waayaan ogsijiin fiican.
Calool yarta bidix. Waxa siyaadaya mugga ama cadaadiska, dhiigga waxuu dib ugu noqonayaa sambabada-- waxa siyaadaya cadaadis tiiftaafya sambabeedka(Pulmonary capillary pressure) waxa dhacaya in sambabada ay bararaan deedna qofka neefta ku cuslaato, iyo waxa kordhaya cadaadiska halbowle sambabeedka.
Calool yarta midig:waxa siyaadaya cadaadiska halbowle sambabeedka--- waxa yaraanaya calool yarta midig cadadka dhiigga ay tuureyso, waxa dhacaya in hab-xiddideedka in ay ciriirsaman, qofka waxa uu yeelanayaa in lugaha bararaan, caloosha bararto, beerka uu weynaado.
Waxa loo kala qeybshaa labo qeybood.
1:Fashilanka tuujin wadneedka(Systolic heart failure): buufinta calool yarta dhiigga waxa ku imanaya daciifnimo si markaasi dhiigga jirka ay u gaarsiiso. Waxa kaloo loo yaqaan in muruqa wadnaha uu sameyn waayo kogitaan ama gabnawga tuujin wadneedka(heart failure with reduced ejection fraction).
2:Fashilanka hakad wadneedka(Diastolic heart failure): calool yarta bidix waxay noqoneysaa mid adag aan kala bixin. Waxa adkaaneysa in dhiig soo galo(heart failure with preserved ejection fraction).
Maxaa keenna.
1:Coronary artery disease. Xirranka ama xanuunka ku dhaca xiddidka wadnaha quudsha waa midka ugu caansan keenna fashilanka calool yarta bidix. Dhex roorka xiddidka waxa ku ururaya dufan waxa uu noqonayaa mid ciriirsama xiddidka. Waxa yaraanaya socodka dhiigga, taasina waxay keeneysaa wadna qabad. Iyo cadaadiska dhiigga oo kaca.
Wadna qabadka waxa uu ku dhacayaa si dagdag ah marka uu si dhammeystiran u xirmo xiddidka quudsha wadnaha. Dhaawaca soo gaadhaya muruqa wadnaha waxa uu ka imanayaa wadna qabadka, macnaha wadnaha sidii wanaagsaneyd dhiigga uma tuurayo.
2:Hypertension:waxa uu keenayaa dhiigkarka in wadnaha si xawli ah u shaqeeyo, si jirka dhiigga uu u gaarsiiyo, waqti badan kaddib waxay ku keeneysaa in wadnaha muruqiisa uu adkaado ama uu dafiico taasi ay sababto in dhiigga aanu wadnaha u tuurin sidii la rabay.
3:Heart valve disease. Haniyayaasha wadnaha waxay ilaaliyaan socodka dhiigga iyagoo ku ilaalinaya jihada saxda. Haddii haniyaha sidii la rabbay aanu u shaqeynin, wadnaha waxa waajib ah in uu u shaqeeyo si xooggan. Waqti kaddib wadnaha waxa ku imanaya inuu daciifo. Ugu dambeyn waxay keeneysaa in wadnaha fashilmo.
4:Diabetes. haddii uu qofka macaan leeyahay( uu siyaaday) waxa uu qatar galinayaa in dhiigkarta siyaado iyo inuu xirmo xiddidka quudinaya wadnaha.
5:Sleep apnea. waa in qofka uu awooddi waayo inuu si qumman u neefsado inta lagu gudda jiro hurdada waxa ka dhalaneysa in ogsijiinta dhiigga ay hoos u dhacdo, waxa siyaadaya qatarka qallafsanaanta garaaca wadnaha. Taasina waa dhibaato keeni karta in wadnaah uu daciifo.
6:Obesity. Dadka cayillan waxay qatar ugu jiraan inuu haleelo wadna fashilan.
7:Viral infections. Caabuqa fayrusyada waxay keeni karaan inuu dhaawacmo muruqa wadnaha
8:Qallafsanaanta korontada wadnaha(Irregular heart rhythms).qallafsanaanta korantada wadnaha waxay keeneysa garaaca wadnaha inuu dagdago, taasina waxay keeneysaa in wadnaha shaqasiisa ay korodho ugu dambeyna fashilanka calool yarta ay keento.
9:Waxyaabaha kale ee kiini kara waxa ka mid ah da'da oo korodha( duqowda).
10:Waxa kaloo u nugul dadka caba sigaarka.
Calaamadaha.
1:Qufac joogta ah.
2:Neefta oo adkaata, xilliga socodka.
3:Miisaanka oo kordha.
4:Barar xagalaha iyo ubucda, lugaha.
5: Daal.
6: Isku dhex yaac.
Baadhitaan.
1:BNP (biomarker) blood test : Waa hubbin lagu hubbinayo hoormoon laga soo daayo muruqa calool yarta kaasoo isla beddela cadaadiska wadnaha.
2:Metabolic panel:Waxa l hubinayaa shaqada kelyaha, iyo beerka, curaarta(electrolytes sodium iyo potassium).
3:Electrocardiogram (EKG): Waa duube(recod) lagu eegayo korontada wadnaha.
4:Echocardiogram (ECHO):Waxa lagu eegayaa dhaqdhaqaaqa wadnaha iyo socodka dhiigga.
5:Coronary angiography: waa baaritaan xiddidada wadnaha.
6:Cardiac MRI waxay caddeyn buuxdo innaga siinayaam wadnaha iyo shaqadiisa iyo qaabkiisa.
Daaweynta.
1:Angiotensin-converting enzyme (ACE).
Dawooyinka waxay kala bixiyaan xiddidada dhiigga si ay hoos ugu dhigaan cadaadiska dhiigga. Waxay hagaajiyaan isku socodka dhiigga oo aynna yareeyaan cadaadiska wadnaha.
Tusaalooyinka waxaa ka mid ah enalapril (Vasotec, Epaned), lisinopril (Zestril, Qbrelis) iyo captopril.
2:Angiotensin II receptor blockers (ARBs).
Dawooyinka waxay leeyihiin faa'iido badan oo lamid ah kuwa aynnu kor ku soo xusnay ACE.Waxaa ka mid ah losartan (Cozaar), valsartan (Diovan) iyo candesartan (Atacand).
3:Beta-blockers. Daawooyinkani waxay yareeyaan garaaca wadnaha waxayna hoos u dhigaan cadaadiska dhiigga. Waxay yareeyaan calaamadaha wadne-fashilanka waxayna caawiyaan wadnuhu inuu si fiican u shaqeeyo. Tusaale waxaa ka mid ah carvedilol (Coreg), metoprolol (Lopressor, Toprol-XL, Kapspargo Sprinkle) iyo bisoprolol
4:Diuretics. Badanaa waxaa loo yaqaan daadi badiyaasha, daawooyinkani waxay ka dhigayaan qofka inuu si joogto ah u kaadsho. Waxay ka hortageysaa dareeraha jirka ku ururaya. Tusaale waxa ka mid ah, sida furosemide (Lasix, Furoscix), waxay sidoo kale hoos u dhigtaa dareeraha ku jira sambabada,
Waxa fududaanayo in qofka neefsado.
5:Digoxin (Lanoxin). dawadan, oo sidoo kale loo yaqaan digitalis, waxay ka caawineysaa qofka in wadnaha dhiigga sifiican u tuujiyo. Waxay hoos u dhigeysaa garaaca wadnaha. Digoxin waxay hoos u dhigeysaa calaamadaha wadna-fashilanka dadka qaba.
Xalka ugu dambeeya waa qaaliin.
Cardiac resynchronization therapy (CRT):
Waa qalab loo isticmaalo in wadnaha lagu cariyo si dhiigga u buufiyo
Left ventricular assist device (LVAD): waa qalab innaga caawinayo in lagu buufiyo wareegga dhiigga.
Ugu dambeyn in wadnaha la beddelo ayaa loo baahanayaa( heart transplantion).
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment