Casharka 39aad
Casharka 39aad
Atrial septal defect (ASD)
Waxa uu ka mid yahay xanuunnada lagu dhasho ee wadnaha. Waxa uu u dhexeeyaa qeybta sarey qolalka wadnaha. Waxa uu dhacaa marka uu ku yimaado fashilka xidhiidhka u dhexeeya calool yarta qeyba midig iyo qeybta bidix ee wadnaha. Qoqobka(septum)labadaasi u dhexeeya ayaan sidii loo baahnaa u sameysmin. Caadiyan, dhiig ogsijiinta nadiif ah sida ayaa waxa uu ka imanayaa dhegyarta sare ee bidix, waxa uu soo aadayaa calool yarta bidix, kaddib waxa uu gaadhayaa jirka intiisa kale. Atrial septal defect waxa uu sababayaa qeyb dhiigga ka mid ah waxay ka imaneysaa dhegyarta bidix iyadoo aadeyso jiha qaldan( dhegyarta midig). Dhegyarta bidix waxa ku jira dhiig aan ogsijiin lahayn waxa uu u baahan yahay in sambabada soo nadiifiyo. Dhegyarta midig waxa buux dhaafinayo dhiig, kaasoo aadaya sambabada. Waxa badanaya cadaadiska halbowle yarayaasha sambabada.Waxa ka dhallaneysa in ay weynaato wadnaha qeybta midig, taasina waxay keeneysaa in wadnaha inuu shaqo gabo.
Waxa loo qeybiyaan afar qeybood.
1:Secundum. waa midka ugu caansan(80%). Waxa ku dhacaa darbiga dhexe ee u dhexeeya qeybta sare qolalka wadnaha( atrial septum).
2:Primum ASDs waa qeybta hoose qoqobka( atrial septum). Ilmaha leh xaaladani waxay yeelan karaa xanuunno kale ee lagu dhasho wadnaha.
3:Sinus venosus ASDs waxa uu sameynayaa qeybta sare ama qeybta hoose ee dambe qoqobka ( atrial septum). Tani waxay la xidhiidhaa dhibaato soo gaadha xiddidka qeybta midig ee sambabada ama xiddidada waa wayn ee wadnaha( superior or inferior vena cava). Waxa isbeddelaya qaabka wadnaha.
4:Unroofed coronary sinus: Waa mid dhif ah noocan in la arko( 1%). Waxa ku lugleeyahay luminta ama dhammeystiran la'aan ku timaada darbiga koox xiddiid uu leeyahay iyo dhegyarta bidix.
Maxaa keena
Ma cadda waxa keenna. Xanuunkan waxa uu saameeyaa qaab-dhiska wadnaha, waxa uu ku dhacaa ilmaha inta uu uurka ku jira. Waxyaabah keeni kara waxa ka mid ah, isbeddelka ku yimaada hiddaha(NKZ2.5/CSX AND TBX5 GENES). Dawooyinka qaar dhaqtar qorin. Sigaarka, qamriga.
Si aynnu fahanno waxa keenay( atrial septal defect), waxa innaga caawinaya sida wadnaha u shaqeeyo.
Wadnaha waxa uu ka sameysan afar qol. Labo qol sare loo yaqaan dhegyar, iyo labo hoose calool yar.Qeybta midig ee wadnaha dhiigga waxa uu soo gaarsiiyaa sambabada. Sambabada, waxay dhiigga ka dhigaa mid nadiif, kaddib wadnaha ayaa lagu soo celinayaa qeybta bidix. Qeybta bidix ee wadnaha dhiigga waxa uu soo buufinayaa jirka intiisa kale. Sidaas ayuu dhiigga jirka ku gaarayaa.
A large atrial septal defect waxa dhiig xadkiisa dhaafsiisan imanaya samababada taasoo keeneysaa qeybta midig ee wadnaha in ay aad u shaqeyso. Haddii aan la daweyn ugu dambeyn waxay keeni doontaa qeybta midig in ay weynaato deedna ay daciifto. Cadaadiska xiddidada samababada ee dhiigga waxay noqonayaan kuwa siyaada taasoo keeneysa kacsanka dhiigga samababada (pulmonary hypertension).
Calaamadaha.
Calaamadaha inta ilamaha inta uu yar yahay laguma arko marka uu weyninka bilaabayo ama koritaaka ayay soo muuqdaan.
1: Neefsashada oo yaraata.
2: Daal, gaar ahaan qofka marka uu dhaqdhaaq sameeyo.
3: Cagaha oo barara.
4:Garaaca wadnaha qallafsanaada( arrhythmias).
5:Garaaca wadnaha oo siyaada.
6: Ilamaha oo koritaanka ka daaha.
7: Caabuqa sambabada oo ku soo noqnoqda carruurta.
8: Maqaarka oo buluug noqda( cynosis).
Baadhitaan.
1:ECG: waxa uu inna tusinayaa shaqada korontada wadnaha( arrhythmia).
2:Chest X-ray: Waxa lagu ogaanaya haddii dhegyarta midig iyo calool yarta midig ( right atrium and ventricles) ay weynaadeen, sidoo kale saameynta ku timid isbeddelka xiddidada samababada waa aynnu ku arkeynaa.
3:Transthoracic Echocardiography: waxa uu inna tusinayaa isku noqodka dhiigga qeybta bidix iyo midig ee wadnaha haddii uu jiro( shunting).
4:Intra cardiac Echocardiography (ICE): Waa kamarad yar inna tusineysa cabirka iyo muuqaalka( atrial septal defect) jihada dhiigga u qulqulayo ama u gudbayo.
Echocardiogram. Waa baadhitaanka ugu wayn loo isticmaalayo xaaladani si go'aan looga gaadho. Waxa uu inna tusinayaa muuqaalka wadnaha iyo qolalkiisa, haniyaashiisa. Sidoo kale waxa aynnu ku arki karnaa qummanaanta dhiigga iyo haddii aanu wanaagsan dhiigga qulqulaya.
Daaweynta
Dawooyinka loo qorayo waxa ka mid ah si calaamadaha loo yareeyo.
1:Kuwa garaaca wadnaha hoos u dhiga(beta-blockers)
2:Dhiigga qafiifiy ama lidka xinjidha( anticoagulant)
3: Kuwa hoorka yareeya( diuretics), waxay hoos u dhigayaan dheecankaa ku urura jirka iyo sambabada.
Nooca iyo waqtiga la daweynayo waxay ku xidhan tahay qoddobo dhowr ah.
1:heerka uu gaarsiisan yahay.
2:Saameynta uu wadnaha ku yeeshay
3: xaalado kale sida kacsanka xiddidada sambabada (pulmonary hypertension) ,xanuunaaa ku dhaca haniyaha (valve).
Daaweynta waxa loo istcimaalayaa dayactir aan qaliin ahayn( percutaneous ( non surgical) kaasoo lagu soo xidhayo qoqobka dhegyarta ( atrial septum).
In bukaanka loo sameeyo qaliin furan( open surgery) sidaas lagu dayactiro xaaladan.
Comments
Post a Comment