Pulmonary valve stenosis.
Casharka 31aas
Pulmonary valve stenosis.
Xirranka haniya sambabeedka waa ciirirsan ku yimaada inta u dhexeysa caloolyarta qeybta midig ee wadnaha iyo halbowlayaraasha sambabada. Haddii uu haniyaha xirmo, caleen yaraha haniya waxa uu noqonaaa mid adag(leaflets). Waxa yaraanaya qulqulka dhiigga haniyaha dhex mari lahaa. Waxa wajiib ah in dhiigga la buufiyo si markaasi loo gaarsiiyo sambabada. Waxa siyaadaya cadaadiska, haddii uu siyaado waxa uu keenayaa in ay adkaato caloolyarta qeybta midig ee wadnaha. Badanaa xaaladani waxa ay dhacdaa inta aanu ilmaha dhallan oo waa xanuunnada wadnaha lagu dhasho ayuu ka mid ah. Dadka waa wayn xaaladan ee ku dhacda waxa u keenna xanuunno kale ee ku dhaca.
Sida uu dhiigga u gudbiyo( pulmonary).
Wareeg sambabeedka (Pulmonary circulation)-ka:waa habdhis quseeya dhiig wareegga,
kala qaadka iyo kala qeybinta u dhaxeeya wadnaha iyo sambabada, dhiig aan hawo lahayn ayaa ka soo qulqula halbowlaha midig ee wadnaha,
waxayna si toos ah u tagaan sambabada inta ay u sii socdaan ayey gaas kala qaadasho ka dhex dhacdaa isla markaasna waxaa kasii baxa neefta wasaqeysan ayadoo dhexmareysa sambabada kadib ku noqota halbowlaha bidix ee wadanaha si ay dhiiggii ogsijiinta lagu soo daray u gayso wadnaha si loogu qeybiyo unugyada jirka.Hab wareegga dhiigga ee sambabada wuxuu ka dhacaa inta u dhaxeeysa
Caalool yarta hoose ee midig iyo calool yarta sare ee bidix ee wadnaha sababtoo ah calool yarta hoose ee midig wuxuu dhiigga ugu imaadaa wadnaha,
wadnaha wuxuu u sii gudbinaa sambabada, sambabada ayaa dib ugu soo celiya qeybta calool yarta sare ee bidix ee wadnaha.
Sambabada waxay iska soo saaraan wasaqda ka dhalata jirka waxayna qaataan ogsijiin ama hawo.Halbowle sambabeedka wuxuu sidaa dhiig ay ogsijiinta ku yar tahay wuxuuna kasoo qaadaa qeybaha sare ee calool yarta midig ee wadnaha (right ventricle), marka uu soo qaado dhiigga ay ogsijiinta ku yar tahay
halbowlaha wuxuu u qeybsamaa labo dhinnac oo kala ah dhanka midig iyo dhanka bixid ee sambabada.
Halbowlaha sida dhiigga ay ogsijiinta ku yar tahay marka uu soo gaaro sambabka wuxuu noqdaa mid aad u yar yaraada (arterioles) kaasoo dhiigga u sii gudbinaya xididada tiftaafyada, xiddidada tiftaafyada dhiigga iyo xuubabka yar yar ee uu leeyahay sambabka ayaa masuul ka
ah in ay ballaartaan si loogu soo daro ogsijiin dhiiggii laga soo qaaday wadnaha.Marka ay sambabka ku soo daraan dhiigga ogsijiin cusub waxaa kasoo
qaadaya halbowle arooreedka sambabka (pulmonary vein) kadib wuxuu dhiigga kusoo shubayaa dhagyarta sare ee bidix (left atrium) ee wadnaha.Caalool yarta sare ee wadnaha wuxuu dhiigga u sii gudbinayaa caalool yartahoose ee bidix, moqorka hoose ee bidix asigane wuxuu dhiigga u sii
gudbinaa halbowlaha ugu weyn jirka (aorta) kaasoo dhiigga u qeybiya dhammaan jirka oo dhan.
Caadi ahaan xirranka haniya sambabeedka(pulmonary valve stenosis) waxa siyaadaya cadaadiska taasina waa xirranka haniya sambabeedka. Gudaha haniya sambabeedka, caloolyarta qeybta midig ee wadnaha waxay noqoneysaa mid weynaata. Baaxadda cadaadiska caloolyarta bidix ee wadnaha iyo cadaadiska haniya sambabeedka ayaa u dhigma heerka xirranka haniya sambabeedka. Xaalada caadiga weynanka caloolyarta midig ee saamiga ayaa ilaalinaya socodka dhiigga samababada sida caadiga ah.Haddii wax-soo-saarka caadiga ah aan la ilaalin, wadne-fashilanka dhinaca midig ayaa imanaya. Tani waxay ku dhacdaa dhallaanka qaba xirranka haniyaha (stenosis) sambabeedka oo daran iyo bukaannada qaba xannibaad daran oo ku dhaca carruurnimada ama qaangaarka.
Haddii uu siyaado weynanka caloolyarta midig, waxa yaraanaya shaqada calool yarta taaso ka dhallaneysa inuu yaraado dhammaadka hakadwadneedka cadaadiskiisa( end-diastolic pressure), iyo hirar codeedka dhegyarta midig. Haddii uu siyaado cadaadiska midig ayaa dhacaya in dhiigga isku noqodka midig iyo bidix uu sameeyo.
Qaabka ugu fudud loo fahmi karo sida uu ku imaadi xirranka haniya sambabeedka.
Marka uu xirmo haniya sambabeedka, calool yarta midig waxa xirmaya socodka dhiigga, waxa siyaadaya cadaadiska fuulaya, kaddib waxa dhacaya in ay weynaato calool yarta midig(rightventricularhypertrophy).
Maxaa keenna.
Xirranka haniya sambabeedka badanaa waa natiijo ka dhallata xanuunnada wadnaha lagu dhasho. Waxa saxda ee keenna lama yaqaanno. Si sax umma sameysamayo haniya sambabeedka inta uu ilmaha ku jiro uurka hooyada. Sida caadiga haniya sambabeedka waxa uu leeyahay seddex caleen yar markaasi xirmaya marna furmaya marka uu wadnaha garaacmo. Kuwaasoo hubbinaya in dhiiggu aaday jihadii saxda ahayd.
Marka la joogo xirranka waxa adkaanaya mid qur ama ka badan caleenyaraha. Mararka qaar waa kuwa sameynaya inay isku biiraan. Taasoo ah in ay isku dhagaan. Sidaas daraadeeda haniyaha ma awooddayo inuu furmo. Waa ay adkaaneysaa in dhiigga uu ka gudbo meel yar taasina waxay siyaadineysaa shaqada calool yarta midig qeybteeda hoose. Waxa siyaada cadaadiska guddaha calool yarta. Ugu dambeyn waxa ay noqoneysaa mid adag.
Waxyaabaha nugleyn kara in ay xaaladani dhacdo( Risk factors).
1:German measles, (rubella). jadeecada Jarmalka haddii ay qabto hooyada uurka leh waxay siyaadineysaa qatarta xirranka haniya sambabeedka ee ilmaha( u gudbin karto).
2:Noonan syndrome. waa xaalad isbeddel ku imanaya DNA-da. Waxay keeneysaa dhibaatooyin badan, sida in isbeddel ku yimaado qaabdhiska wadnaha iyo shaqadiisa.
3:Rheumatic fever. waa dhibaato ka dhallata bakteeriyo (strep throat) taasoo si joogta u dhaawaceyso wadnaha iyo haniyayaashiisa. Waxay siyaadineysaa qatarka in uu xirmo haniya sambabeedka.
Dhibaatada ka dhalanka xanuunkani( complications)
1:Ololka ku dhaca muruqa guddawadneedk( endocarditis). Dadka leh dhibaatada haniya sida xirranka haniya sambabeedka, waxay qatar ugu jiraan caabuqa bakteriyada taasoo saameyneysa qeybta hoose wadnaha.
2:Qallafsanka korontada wadnaha(arrhythmias). Dadka qaba xirranka haniya sambabeedka badanaa waxay yeeshaan qallafsanaanta garaaca wadnaha. Ilaa aanu ahayn mid daran xirranka, qallafsanaanta garaaca wadnaha waxa ugu wacan xirranka haniya sambabeedka.
3:Adkaansha muruqa wadnaha. Haddii uu yahay mid daran xirranka haniya sambabeedka calool yarta qeybta midig ee wadnaha waxa waajib in ay buufiso dhiigga si adag si dhiigga ay u gaarsiiso halbowle sambabeedka. Adkaanshaha muruqa waxa uu keenayaa in ay darbiyada calool yarta ay adkaadaan.
4:Fashilka wadnaha(heart failure).
Haddii calool yarta midig ay si qumman dhiigga u buufin weydo, waxa ku imanaya in wadnaha talax gabo. Waxa uu yeelanayaa caalamadaha wadna fashillanka sida daal, neefta oo yaraata, lugaha oo barara.
Calaamadaha.
Xirranka haniya sambabeedka calaamadihiisa waxay ku xirran tahay heerka uu xidhan yahay qulqulka dhiigga. Dadka uu xidhan yahay in yar haniyaha ma soo muujiyaan wax calaamad ah. Kuwa uu sida sidaran u xirran yahay, xirrankooda waxa lagu arkayaa calaamado. Waxa ka mid ah.
1: Waxa la maqlayaa marka la dhageysanayo codadka wadnaha kuwa qallafsan(heart murmur).
2:Daal.
3:Neefsashada oo adkaata gaar ahaan qofka wax qabto.
4:Laab xanuun
Ilmaha qaba xaaladani waxa lagu arkayaa in maqaarka lagu arko inuu buluug noqdo, taasina ay ugu wacan tahay ogsijiin oo yaraatay.
Baadhitaan.
1:Electrocardiogram. waxa lagu cabbirayaa danab koronteeda wadnaha siday shaqadiisu tahay. Waxa uu inna tunisayaa haddii ay jirto dagdag garaaca wadnaha ama ay jirto mid tartiib ah.
2:Echocardiogram. waa hubbinta ugu muhiimsan loo istcimaalo sida wadnaha y garaacmayo iyo dhiiggana u buufinayo. Waxa inna tusayaa qaabka ama muuqaalka haniya samababeedka. Waxa kalo uu innoo sheegayaa heerka ay xidhan tahay haniyaha.
3:Cardiac catheterization. Waa qalab la galinayo xidididka dhiigga ilaa wadnaha. Waxa lagu cabirayaa cadaadiska wadnaha iyo haniyaha.Inta lagu gudda jiro hubbintani, cadaadiska ka jira gudaha wadnaha ayaa lagu cabirayaa si loo arko awoodda dhiigga lagu buufinayo. Waxay innoo go'aamineysaa darnaasha uu xirran yahay haniya sambabeedka.
4:Other imaging tests. waxa jira hubbinno kale oo la isticmaalo si loogu xaqiijiyo inuu jiro xirranka haniya sambabeedka(MRI IYO CT).
Daaweynta
Daaweynta waxay noqoneysaa qaliin, labo qaliin ayaa la isticmaalayaa mid haniya lagu balaarinayo, kaaso la galinayo balaadhiye( Balloon valvuloplasty). Qaliin loo istcimaalayo in lagu beddelo haniya qudhiisa(pulmonary valve replacement).
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment