Bacterial vaginosis.
Bacterial vaginosis.
Waa caabuqa ugu caansan ee saameeya saxaha,waxa uu ku badan yahay da'aada 15 ilaa 44 sanno jira, sida caadiga ah saxaha dumarka waxa ku nool bacteeriya, haddii ay sameyso koritaan xad dhaaf ah waxay keeneysaa qalqal ku yimaada bacteeriyada taasina ay keeneyso caabuq. Waxa qatar ugu jiraan inay siyaado marka uu qofka la yeesho qof kale cusub galmo, iyagoo aan isticmaalin ma gudbe( condom).
Sida saxda ah lama yaqaanno waxa keenna, waxa jira dhowr nuuc oo bacteeriya oo laga helo saxaha gudihiisa, sida caadiga ahna halkaas ku nool. Caabuqa saxaha waxa ka imaan karaa xad-dhaafka koritaanka cudur sidayaasha sida: Gardnerella spp., Prevotella spp., Mobilincus spp., Megaspahera spp., Sneathea spp.
Gaar ahaan, bacteeriyada caabuqa saxaha keenta waxay dhacdaa marka bacteeriyada qatarka( anaerobes) ah ay sameyso koritaan dagdag ah marka loo eego bacteeriyada wanaagsan(lactobacilli). Koritaanka xad-dhaafa ee mid ka mid ah bacteriyada waxay keeni kartaa carqalad.
Cilmi baarayaasha waxay sheegeen waxkasta oo beddeli kara sida caadiga ah saxaha( natural chemistry) waxay saameynayaan bacteeriyada ku jirta saxaha.
Caabuqa saxaha( bacterial vaginosis ) kuma gudubto qof ilaa qof kale, laakiin galmada qofka qaba lala sameeyo waxa uu qatar ugu jiraa inuu qaado qofkaasi.
Iyada ma ahan mid ku gudubta galmada, laakiin xidhiidh ayay la leedahay galmada. Cilmibaadhisyada waxay sheegayaan galmada in ay wax ka beddesho deegaanka ay bacteeriyada ku nooshahay( saxaha), taas ayay yiraahdaan waxay keeneysa ama sameysa koritaan xad dhaaf ah.
Calaamadaha.
80% haweenka qaba xaaladan ma yeeshaan wax caalamad ah, mararka qaarna waa ay yeeshaan.
1:Qoyaan cad, ama cagaaran oo ka yimaada saxaha.
2:Ur sida kalluunka u soo ura gaar ahaan xilliga galmada( vaginal discharge).
3:Cun cun hareeraha xubinta taranka.
4: Gubasho xilliga kaadida.
5: Ubuc xanuun.
6:Heerka PH-ka oo aad u kaca.
Yaa qatar ugu jira.
1: Hooyada uurka leh.
2: Dadka cunna qalijiyayaasha.
3: Haweenka la yeesha dhowr qof kala duwan galmo.
4: Isticmaalid la'aanta ma gudbiye.
5: Dawooyinka hoorka looga hortago(intrauterine device).
6: Sigaarka.
Baadhitaan.
In wareysi lala yeesho bukaanka.
Baaritaan in looga sameeyo miskaha iyadoo la raacayo habraac( criteria ansel).
1: Qoyaan cadaan ah isku mid ah. Qoyaanka saxaha badanaa waa mid cagaaran, cadaan ah, jilicsan, ku dhagdhaga darbiyada saxaha.
2: In la cabiro aysiidha heerkeeda ee qoyaanka saxaha( pH test) ka badan 4.5.
3:Cadadka qoyaanka: waxa ku lug yeelanaya qoyaanka saxaha, iyadoo lagu arkayo(clue cells) marka lagu fiirsho weyneeyaha.
4: Hubbin adag( whiff test) waxay inna siineysaa karka qoyaanka saxaha sida inuu yahay urka kalluunka.
Daaweynta.
Daawooyinka ugu fiican ee loo qaato caabuqa saxaha.
1:Metronidazole gel
2:Tinidazole.
3:Clindamycin
4:Clindamycin gel.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment