Casharka 10aad
HABDHISKA DHEEFSHIIDKA (Digestive System).
Casharka 10aad
Laab-jeex{ Gastroesophageal reflux diseas}.
GERD(Gastroesophageal reflux disease) ama laab dilaacu waa xanuun ku dhaca hunguriga oo ay sabab u tahay aysiidha caloosha oo dib ugu soo noqota hunguriga kaddib marka uu debco muruqa u dhexeeya hunguriga iyo calooshu ee loo yaqaan muruqa hoosee hunguriga (lower esophegeal sphincter).
Hunguriga waa tubbo dheer oo ka soo bilaabata afka kuna eg caloosha waxay ka sameeysan tahay murqo jilicsan waa tubbo marin u ah wax walba oo gala afka ha noqdaan dareere ama adke sida cunto iyo biyo waxayna si toos u tagaan caloosha. Caadiyan muruqa hoose ee hunguriga waxa uu sameeyaa isku urur, iyo kala bax marka qofka wax liqayo. Qofka qaba xanuunka laabjeexa xilliga nasiinnada qofka muruqa waa uu dabacsan yahay waxa uu ku fashilmayaa inuu ururo taasina waxay siyaadineysaa heerka aysiidhu ay dib ugu soo laaban lahayd hunguriga.
Maxaa keenna.
Waxa keenna aashitada oo soo noqnoqota. Marka aad wax liqdo waxa dabcaya muruqyada ku meegaaran huguri-mareenka, taasoo u oggolaaneyso in ay maraan cunnada iyo dareeraha, si ay u gaadho caloosha. Kaddib waxa is xidha albaabka{ sphincter} . Haddii albaabka uu u kala baxo sixad ka bax ama uu daciifo aysiidka ku jira ayaa dib ugu soo noqon kara hurguriga. Aashitada waxay xoqi doontaa hunguri-mareenka waxa ay keeneysaa in ay bararto.
1:Uurka: waa waxa ugu caansan keenna ee si ku meel gaadhka ah aysiidha dib u soo laabata. Cadaadiska iyo mugga caloosha waxay riixayaan, kala jiidayaan oo daciifinayaan muruqyada laabta{ diaphragm} waxa daciifaya muruqa hunguriga.Hormoonnada xilliga uurka la soo daayo waxay boorinayaan muruqa qeybta hoose ee hunguriga inay dabcaan{ estrogen and progesterone}.
2:Cayilka: cayilka waxa uu siyaadiyaa cadaadiska iyo mugga ee caloosha, waxa uu saameyn ku yeelanayaa muruqa hoose ee hunguriga.
3:Sigaarka: tubaakada waxay dabcineysaa muruqa hunguriga, sigaarka waxa uu keenayaa qufac, waxa furmaya muruqa hunguriga.Sigaarka iyo qufaca dabada dheerada{chronic} waxay daciifiyaan muruqyada laabta ayagoo ka qeyb qaadanaya inay sameysanto eerno{hiatal hernia}. Sigaarka si tartiib ah ayuu ku sababayaa in ay aysiidha soo saarno caloosha wax badan.
4: Waxa kaloo keena dawooyinka hoos u dhigga shaqada maskaxda{benzodiazepins}.
5:Waxaa kaloo keenna lagu daweeyo dhiigkarka{ calcium channel blockers}.
6:Waxa kaloo keenna dawooyinka la isku yiraahdo nonsteroidal inflammatory drug{ asprin, ibuprofen}.
7:Waxaa kaloo keenna dawooyinka keena muruq dabciska (Anticholinergics).
8:Waxaa kaloo keenna cabitaanka,shaaha iyo bunka oo ay sababto walaxda ku jirta ee la yidhaah Caffeine,Jokolaatada.
9:Waxaa kaloo keeni:Cunista habbeenkii waqti danbe uu cunno qofka casho ahaan.
10:Arinta kale ee lala xariiriyo waa eernada (Hernia) waxa loo yaqaanno oo ah marka caloosha qeeb ka mid ah ay booskeeda kaso baxdo misana soo dhax gasho qeebta hoose ee tubada dheer taas oo keeni karta in albaabka uu furmo kaddibna Aashitadii caloosha ku jirtay ay kor soo aado ugu dambeentiina ay keento xanuunkaan Gastroesophageal reflux disease ama Laabjeex
Calaamadaha
1.Laab xanuun
2.Xabeeb,balqan iyo sanboor soo noqnoqonaya.
3.Xiiq, qufac iyo saxasho badan xilliyada habbeenka
4.Urta nakhaska oo is beddesha.
5:liqida oo adkaata.
6: Cunnada oo dib u soo laabata.
7:-Korka ama jirka oo aad kuleel ka dareento.
8:Cagaha oo aad kuleel ka dareento mararka qaar.
9:Daaco ama daacsi badan oo aad dareento mararka qaar.
10:Wanda garaac in aad dareento mararka qaar.
11:Oodin inuu qofka dareemo.
12:In aad cuntada ku xanuunsato marka aad cunto misana aad dareento isku dhex yaac iyo in aadan garaneen waxa kuhaayo, meesha lagaa haayo, iyo waxa kaa qaldan intaba.
Dhibaatooyinka ka dhallan kara.
Inuu ciriiri noqdo qaab-dhismeedka hunguri-mareenka waxay dhaawac gaarsiineysaa hunguri-mareenka hoose, kaasoo ka imanaya aashitada caloosha ay sababi karto boog ama nabar. Boogtaasi waxay carqalad ku noqoneysaa marrinka cuntada ay marto taasoo keeneysa in ay adkaato liqitaanka cuntada.
Inuu hunguriga yeesho nabar furan.
Aysiidhka caloosha waxa ay dhaawac gaarsiineysaa nudaha hunguri-mareenka kaasoo sababaya dhiig bax iyo xanuun, wax laqida oo adkaata. Aysiidhka waxa uu keeni karaa kansarka ku dhaca hunguriga { esophageal cancer}.
Baadhitaan.
1:Buukaanka in loo sameeyo endoscopy. Waa tubo dhuubban oo la galinayo dhuunta taasoo ah mid dabacsan, waxay leedahay iftiin iyo kaamirad, waxa hoos loo galinayaa hunguri-mareenka ilaa caloosha, endoscpy waxa kaloo loo isticmaali karaa in lagu ogaado inuu jiro wax caabuq ah, sidoo kale waxa lagu soo qaadaa cad {biopsy} si loo baaro.
2:X-ray in laga saaro qaybta sarre habdhiska dheefshiidka.
3:Esophageal manometry. waxa lagu cabiraa ururka muruqa hunguriga marka wax la liqayo. Waxaa kaloo lagu cabiraa awoodda muruqa hunguriga.
4:Ambulatory acid (pH) probe test. Hubbin la dhigayo hunguriga si loo cadeeyo goorta iyo inta ay qaadaneyso caloosha aysiidha dib u soo noqonayo.
Daweynta.
Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.
Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato, ka fogow cuntada suugada badan leh, waxyaabaha saliidda leh, canjeerada iyo wixii khamiir leh, dhandhanaanka, basbaaska, digirta iyo wixii qasacadaysan sida kalluunka daasaha ama guud ahaan cuntooyinka suugada badan leh iyo wixii la shiilay oo idil sida saanbuusaha.
Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. Cun xaddiyo yar markiiba.(gaajada iyo dharaga labadaba way kuu daran tahay, cunto yar cun oo marar badan, saddaxda waqti ee cuntada la cuno kuma anfacayso haddii aad xanuunkan qabto).
Xilliga aad jiifsanayso habeenkii ama duhurkii 3 illaa 4 saac ka hor cunto cun, iska ilaali in aad ku seexato calooshaada oo buuxda, taasi waa helis, haddii aad xanuunkan qabto, gaajada in aad ku seexato xitaa waad heli, haddii aad gaajo dareento marka aad jiifsanayso, waxaad cabtaa caano aan dhanaan ahayn oo qabow, caanuhu waxay yareeyaan aysiidha caloosha waa daawo fiican.
Caano oo aad cabtaa waxay ku keennayaan calooshaada oo heerka aysiidhu si debeeci ah u sarayso inay in mudo ah hoos u dhigto, muda yar se kabacdi waxay unugyada soo saarra aysiidha ee calooshu(Pariteal cells) ka war helayaan inay heerkii aysiidhu hoos u dhacday waxaanay soo saarayaan aysiidh badan sidaa daraadeed caanuhu maaha xal waara se muddo yar ayaad ku raysan kartaa walaw laga daba imanayo oo laga yaabo inuu laab dilaacu kugusii bato .
Gaasku markuu qofka helis ku noqdo oo nabarro u yeelo, qofka wuxuu matagi karaa dhiig ama uu dhigi karaa saxaro dhiig ah, tani waa helis, inkastoo dadka qaar Soomaalida ahi ay aaminsan yihiin markuu dhiig matago inuu caafimaadayo, tani ma aha mid sax ah, waxaa dhici kara in qofka dhiig bax u dhinto hadduu xidid caloosha ahi ku furto oo nabarka qodo.
1:Waxa la siinayaa lidka aysiidha.
Sida gaviscon. Isku darka magnesium trislicate iyo aluminium hydroxide sida mucaine.
2: Proton pump inhibitor. Waxay hoos u dhigayaan aydhiisa la soo deynayo, waxa loo isticmaalaa xaaladaha dhex dhexaadka iyo darnaanshaha. Waxa uu qaadanayaa 30 daqiiqo ka hor cuntada. Waxa ka mid ah :lansoprazole (Prevacid), omeprazole (Prilosec), pantoprazole (Protonix), rabeprazole (AcipHex), and esomeprazole (Nexium).
3: H-2 receptor blockers.
FOMATADINE(NOCID).
Fadlan cisbitaal si degdeg ah u tag, haddii aad isku aragto dhiig saxarada la socda,waxaadna ku ogaan kartaa saxaradaada oo madow noqota, dhiig casaan ah ma arki doontid.
Tixraaca:mayo clinic. DRmawliid ku-dar.
Imaamu danish book.https://my.clevelandclinic.org/health/diseases/17019-acid-reflux-gerd caafimaad bile.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment