Casharka 11aad

 HABDHISKA DHEEFSHIIDKA (Digestive System).


Casharka 11aad


Achalasia


Waa xaalad dhif iyo naadir ah in la arko. Waa adkaansho ku timaada liqitaanka cuntada iyo dareeraha tubbada isku xidha afka ilaa caloosha( hungurig). Xaaladan waxay dhacdaa marka dareensidaha hunguriga(recurrent laryngeal nerve  branch of the vagus nerve (CN X) uu dhaawac soo gaadho. Natiijada ka dhallaneysa hunguriga waxa ay noqoneysaa inuu baralaays noqdo, taasoo uu awooddi waayo hunguriga in ay cunnada gudubto, si ay u gaadho caloosha. Muruqa hunguriga ma ahan mid si hagaagsan u shaqeynaya. Waxa fashilmaya muruqa hoose ee hunguriga, sababta ugu wayn na waa in dareensidaha darbiyadiisa guddaha hunguriga ah  uu dhib soo gaadho. Inkastoo aan la ogeyn cudur dhalliyaha saxda ah waxa ka qeyb qaadan kara cadaadiska qeybta hoose ee hunguriga iyo kala bixitaanka waxa nidaamiya( tusaale acetylcholine) iyo joojinta( nitric oxide, vasoactive intestinal peptide) dhambaal gudbiya(neurotransmitters). Dadka xaaladan qaba waxa ka maqan(nonadrenergic, noncholinergi), waxay xanibaan unugyada( ganglion-ka cell). Waxa isku dheellitir xumo ku imaaneysa kicinta iyo xanibaada(excitatory and inhibitory).


 

Maxaa keenna


1:Lama yaqaanno waxa keenna.  Laakiin cilmi baarayaasha waxay sheegaan dhowr aragtiyood oo la xidhiidha burburka ku imanaya dareensidaha quudsha muruqa hunguriga. Unugyada dareensidaha waxay awooddaan hunguriga in ay u riixaan cuntada dhanka caloosha. 


2:Cilmi baarista qaar waxay sheegaan in xidhiidh ka dhexeeyo caabuqa fayruska( viral infection) dadka qaba xaaladan waxay muujinayaan in ay horray u qabeen caabuq, sida simple herpes virus, human papillomavirus, measles iyo kuwa kale.

Sidoo kale waxa keeni kara xaaladan is weerarka uu difaaca is weeraro jirka qudhiisa. Cilmi baadhayaasha waxay arkeen kacsanaanta habdhiska difaaca jirka calamadihiisa, kuwaas oo kicinaya unugyada dareensidaha muruqa hunguriga. 

Muruqaas loo yaqaan  hunguriga(lower esophegeal sphincter) waxa uu furmaa marka ay cuntadu dhaafayso waana uu xidhmaa markay dhaafto, si aanay aysiidha calooshu dib ugu soo noqon hunguriga, marka uu xanuunkani ku dhaco waxa uu lumiyaa kala bixii uu samaynayay markay cuntadu marayso, waxaana uu waayayaa dareemasidayaashii ku keenayay inuu kala baxo .


3:Chagas disease(protozoa Trypanosoma cruzi) waa cabuuq  keenna in ay burburaan unugyada dareensidaha( autonomic ganglia)  waxa ka dhalaneysa adkaanshaha liqitaanka( achalasia).


Calaamaddaha xanuunkani maxay yihiin ?


Calaamaddaha waxa ka mid ah liqitaanka oo qofka ku adkaada (Dysphagia) cuntada iyo biyahaba waxaana mararka qaar dhacda inuu qofku soo celiyo wixii uu cunay wax ka mid ah saacaddo ka bacdi(Regurgitation), laabta oo xanuunta iyo miisaanka qofka uu hoos u dhaca. Laab xanuun, marka uu xanuunka si daran u hayo qofka, marka uu hurdada ka soo kaco. Laab olol.  Qufac gaar ahaan habbeenkii. Haddii qofka xanuunka waqti dheer uu hayo aanu dawo helin waxay ku keentaa daal, nafaqo daro, miisaanka oo hoos u dhaca. Haddii ay qaar ka mid ah cunnada gasho hawamareenka waxay keeneysaa qufac, sixasho, waxay horseed u noqoneysaa in ay keento ololka(inflammation) , oof-wareen(pneumonia) taasoo keeneysa qatar wayn.


Sidee loo baadhaa? 


1:Esophageal manometry.  waa hubbin loo isticmaalayo isku ururka muruqa hunguriga goorta liqitaanka. Waxa la eegayaa heerka uu kala baxayo ama isku soo ururayo marka qofka wax cunnayo ama sida wanaagsan ee uu u shaqeynayo. Hubbinta waxay innoo go'aamineysaa heerka ay la eg tahay xirrankan.


2:Qalabyada lagu baadho waxa ka mid ah tuunbada kaamirada wadata ee la yidhaahdo "Endoscopy" sidoo kale X-ray.


Sidee loo daweeyaa ?


1:Dawayntu waxay u qaybsantaa qaliin iyo dawo loo qoro qofka, dawaynta lagu bilaabo ee ugu fiicanni waa in loo sameeyo bukaanka waxa afka qalaad lagu yidhaahdo(Pneumatc dilation) oo ah tuumbo la galiyo hunguriga hadhawna hawo la galiyo, si ay u kala bixiso muruq hoosaadka hunguriga ee ay ku adagtahay inuu kala baxo oo 80-85 % waxtar leh.


2:Medication. Waxa la siinayaa muruq kala baxsha sida nitroglycerin (Nitrostat) ama nifedipine (Procardia), ka hor cuntada. 


3: Waa in qaliin loo sameeyo, sidoo kale waxa lagu mudaa (batulinum toxin) muruqaas si ay u kala bixiso qofka aan qabin (Pneumatic dilation) amaba aanay wax u tarin amaba kuwa aan lagula talin inay qaliin galaan.


4:Myotomy  waa qaliin la jarayo miiqyada muruqa ee hunguriga qeybtiisa hoose, hannaanka waxa lagu qabtaa( laparoscope).


Tixraaca. 


https://www.hopkinsmedicine.org/health/conditions-and-diseases/achalasia#:~:text=Achalasia%20is%20a%20rare%20swallowing,food%20down%20toward%20the%20stomach.

https://reference.medscape.com/article/169974-overviewhttps://www.mayoclinic.org/diseases-conditions/achalasia/diagnosis-treatment/drc-20352851https://


www.msdmanuals.com/home/digestive-disorders/esophageal-and-swallowing-disorders/achalasia.

DRmawliid  ku-dar 


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad