Casharka 1aad
Casharka 1aad
HABDHISKA DHEEFSHIIDKA(Digestive System).
Dheefta aan cunaa waxtar uma laha, jirka ilaa ay sii marto hab lagu shiido oo Molikuyuulada waaweyn ee cuntadu ka dhisantahay la jejebiyo lagana dhigoto kuwa yar-yar, oo fudud. Taasi waxay suurta gelisaa in molikuyuulada yaryari, ay ka gudbi karaan gidaarrada mindhicirka yar, halkaas oo wixii nafaqa u leh jirku ay dhiigga kaga darsamaan. Cun- tadaasi dhiigga ku darsantay wuxu jirku ugu adeegsadaa seddex siyaalood:-
1. Koritaanka nudaha jirka.
2 Tamar jirku ku dhaqdhaqaaqo
3. Kabniinka nudaha burbura iyo socodsiinta hawsha xub- naha jirka
Haddaba si uu jirku u nafaqaysto cuntada, hawlaha aan kor ku soo sheegnay si ay u suurta galaan, waa in habdhiska dheefshiidku yeesho waxyaalaha soo socda :-
1:Waa inay jiraan waxyaalo lagu shiido cuntada
2. Waa inaan isbeddelka Kiimikada ee cuntada dhacaya aanu u keenin jirka wax dhibaato ah.
3 Waa inay jirtaa si loo tebiyo cuntada marka hababka kala geddisan ay dhammaadaan.
4. Waa in uu leeyahay qanjidho ay ka soo dhiiqaan dhecaanno iyo insaaymo lagu shiido cuntada.
5.Waa in uu jiro hab jirku cuntada wixii tayo u leh uu ku soo nuugi karo
6. Wixii qashin ah ee ka dhasha gubidda cuntada iyo cuntada wixii jirku shiidi kari waayo waa in hab loo qashin saaro uu jiraa.
Qeexid
Cunto waa wixii la cuni karo oo tayo u leh jirka. Waxaa- na loo qaybiyaa lix qaybood oo aan jirku midkoodna ka maar- mi karin, inkasta oo xaddigga uu uga baahan yahay qaarkood uu aad u yaryahay. Waxay kala yihiin :-
1. Kaarboohaydaraytyo.
2. Borotiinno.
3. Dufan.
4. Biyo.
5. Cusbooyin macdaneed
6. Fiitamiinno.
BOROTIINNADA
Borotiinnadu waa kuwa ugu kakan cuntada marka laga eego xagga dhismaha kiimikada ah, intooda badani waxay ka koobanyihiin Kaarboon, haydroojiin, ogsijiin iyo naytroojin, waxana ku jira oo kale salfar iyo fosfaras, waxayna ku dhisan- yihlin cutubyo tiro badan oo la yiraahdo amiino aasiidhyo.Borotiinnadu waxay lagama maarmaan u yihiin dhiska bo- rotobalaasamka iyo kabidda nudaha jirka ee burbura. Wa- xase jira qaar aan labada hawlood ee aynnu soo sheegnay midna ka qayb qaadan, waxase ku dhaca isbeddel kiimika ah oo ka dhaca beerka. Waxay u kala jabaan laba qaybood: mid wada- ta kaarboon iyo midda kale oo wadata naytroojiin. Qaybta kaarboonka wadata waxa loo diraa nudaha jirka iyada oo guluukows ah, qaybta kalese waxa ka dhisma yuuriya oo qashin kaadida raaca ah. Soocitaanka naytroojiinta ayaa loo ya- qaana ammoniya reebis.Borotiinnada waxa laga helaa maatarka naflayda oo dhan Waxase aadamigu u sahlan una qiima jaban tan xoolaha laga helo.Waxa ka mid ah waxyaalaha laga helo: Hilibka jiirka ah ukunta (xabka cad), caanaha faarka caanaha, digirta, khida (galay) iyo sareenka.
KAARBOOHAYDIRAYTYADA
Waxa ka mid ah sonkorta iyo staarjka waxayna ka dhi- sanyihiin kaarboon, haydorojiin iyo ogsijiin. Saamiga ay haydarojiintu iyo ogsijiintu ugu jiraan had iyo jeer waa 1, 2, (Qayb heydrojiin ah iyo laba qaybood oo ogsıjiin ah).
Kaarbohaydaraytyada waxay ka mid yıhiin shidmayaasha jirka. Waxa ugu wacan iyaga oo dhakhso u guban kara, si fududna jirka u gelikara, iyada oo aan tamar badani ku lumin. Marka ay gubtaan waxay u kala baxaan kaarboon laba oksay- dhle iyo biyo. CHO÷60___60+6HO+Tamar
Istaarjku wuxu ka duwanyahay sonkorta isaga oo aan ku milmin biyaha, waxana laga heláa:
1. Sareenka, bariiska iwm.
2. Baradhada
3. Digirta iwm.
Sonkorta waxaa laga helaa :
1. Sonkor khaanta.
2. Sonkorta iyo miraha macaan oo uu ka mid yahay canabku.
Sonkorta waxa loo kala qaybiyaa saddex:
1. Hal sakraydhlay
2. Laba sakraydhlay.
3. Sakraydhbadanlay.
Halsakraydhlaydu waxay ka koobanyihiin molikuyuul heg- sows ah oo keli ah (CHO).Qaybtani way sahlantahay tamarta ku jirtana si fudud ayaa looga helikaraa, waayo isbeddel kiimika ah ee ku dhaca ayaa yar, ama waxba kuma dhacaan. Kooxdaasi waxa ka mid ah: gulukows, furugtows iyo gaalaktows.
Laba sakraydhlaydu waxay ka koobantahay laba moliku- yuul oo hegsows ah. Marka falgal biyood uu ku dhaco, waxay u kala jabtaa laba sonkorood oo fudfudud. Waxa ka mid ah sukrows iyo maltows.
Saddex sakraydhlaydu way ka kakanyihiin sonkoraha ka- le, waxaana ka mid ah istaarjka. Dhiska sonkortu wuxu beddelmaa, istaarj waayo kuma milanto biyaha, waxa weeye N (CHO), N waxay u taagan tahay hadba tirada istaarjka.
Tixraacyada marka aynnu dhammeyno ayaan dib ka raacin doonnaa.
La soco..
Adigoo mahadsan la wadaag (share) asxaabtaada si ay uga faa'idaystaan.
W/D:Indha_caad
Comments
Post a Comment