Casharka 2aad
HABDHISKA DHEEFSHIIDKA(Digestive System).
Casharka 2aad
DUFAN
Sida kaarboohaydiraytyada oo kale,, waxay ka koobanyi- hiin haydrojiin iyo ogsijiin, haseyeeshee saamiga ay ogsijiintu dufanka ugu jirto ka yar ka ay ugu jirto kaarboohaydraytyada. Dufanku waa shiidmaha ugu wanaagsan ee jirka. Waxa 2.5 gram oo kaarboohaydirayt ahi bixiyaan 4 kiilookalari.Jirku si dhibyar uma shiidikaro umana nuugikaro dufan- ka islamarkaas dufanku kuma gubankaro nudaha haddii aa- nay wehelin sonkor. Sonkortu haddii ay ku filan tahay oo ay gubato, waxa soo baxa CO, iyo H₂O, Haddiise sonkortu aanay ku filayn, dufanku ma wada gubato,waxana samaysma asiidh ama jirar asitown oo ku hara nudaha oo keena daalka muruqyada.
Asiidhkaasi haddii ay ku badato nudaha waxay dhintaa alkalaynimada dhiigga. Xaaladdaasi oo marmar keenta dhima- sho waxa loo yaqaanaa asidhowsis, waxa badanaaba cudurkaasi ku dhaca dadka qaba kaadimacaanta oo aan jirkoodu gubikarin sonkorta, iyo dadka macluusha oo sonkorta ka marato jır- ka dabadeedna dufanka loo isticmaalo shiidme. Baruurta jirku waxay badanaa ku kaydsantaa agagaarka kelyaha iyo beerka waxayna ka samaysantaa kaarboohaydraytka dheeraadka.
Waxyaalaha dufanka laga helo waxa ka mid ah:
B. Xoolaha.
1. Hilibka baruurta ah iyo saliidda kalluunka.
2. Burcadka.
T. Dhirta
1. Sisinta
2. Gabaldayaha
3. Lows iwm.
Dufanku waa iskudhis ah gilisaarin iyo asiidh dufaneed; dufan waliba waxa uu leeyahay asiidh dufaneed gaar ah.
Dufanka xooluhu ka waxtar badan ka geedaha waayo, waxa ku jira Fiitamiinnada A iyo D oo ku milma dufanka. Taa- si waxay dhabtahay haddii xooluhu ay qorax helaan.
BIYO
Biyuhu ma aha orgaanik. Wax tamar ahna jirku kama helo, haseyeeshee waxa ku xiran nolosha. Biyuhu waxay ka kooban yihiin laba atom oo haydarojiin iyo mid ogsijiin ah.Jirkeenna 60%-70% ayaa ah; dhiiggana 90%- 92%. Caanaha waxa ku jira 87%, hilibkana hal saddexaad ayaa biyo ah. Halkaasi waxaynu ka garan karnaa in biyuhu wixii nool ay qayb weyn ka yihiin, noloshana ay lagama maarmaan u yihiin.Biyuhu waxtar badan ayay u leeyihiin jirka. Waxay la- gama maarmaan u yihiin milida cuntada iyo qashinka dhiigga raaca, si cuntaduna u gasho dhiigga, qashinkuna u soo raaco dhiigga si loo qashin saaro. Waxa kale oo ay milaan dhididka iyo kaadida. Siyaabaha biyuhu ay lagama maarmaan u yihiin waxa ka mid ah baahida loogu qabo in ay ka qayb galaan dhiska nudaha jirka, dhecaannada iyo insaamyada shiida cuntada, iyo qashin saarka, xubnaha jirka korkooda si aanay isu xoqin iyo qaboojinta jirka oo uu keeney uumibaxa dhididku.
CUSBOOYINKA MACDANTA AH
Cusbadu waxay ka dhalataa falgal ka dhex dhaca asiidh iyo bays sida milixda caadiga ah oo ka dhalata falgalka asiidh.. haydrookoloraydh ah iyo soodiyam
Cusbooyinka kala ah kalooraydhyada, kaarboonaytyada iyo fostaytyada ee soodiyamka, bootaasiyamka iyo kaalsiyamka ayaa lagama maarmaan u ah jirka. Cusbooyinkaasi waxa loo- ga baahan yahay dhiska jirka iyo firtircoonaanta hawsha nu- daha. Waxay keenaan gudbiye-milayaal qaadikara una kala gudbinkara saldanabyo dheecaannada jirka dhexdooda.Soodiyamtu waxay ku jirtaa nudaha jirka oo dhan iyada oo la socota kolooradh, fosfayt ama kaarboonayt. Kaarboo- nyadu waxay keenaan falgalka alkaliinka ah ee dhiigga iyaga oo fasaqa asiidh kaarbooneedka ka dhalata gubashada shiid- mayaasha. Fostaytyadu waxay qaadaan asiidhyada ka dhasha burburinta borotiinnada waxayna geeyaan kelyaha si jirka loo ga qashinsaaro. Waxa kale oo ay caawiyaan dhiska ilkaha iyo lafaha. Fosfaytyada iyo bootaasiyamka waxa laga helaa cun- tada xoolaha. Botaasiyamku wuxu ku jiraa nudaha jirka oo dhan, waxana uu lagama naarmaan u yahay qummaati u sha- qaynta balaasamada iyo guntanka ama xinjirowga dhiigga. Waxa laga helaa caanaha, faarka, ukunta iyo khudrada cagaaran. - fosfaytyadu waxay kale oo ay ku jiraan ATP-da, DNAda iyo RNAda.
Bootaasiyamka waxa loogu baahan yahay koridda jirka. Maagnisiyamka hawsha dareen wadayaasha iyo muruqyada.
Birta:
Birta waxa ka samaysma himoogloobinta unugyada cascas dhiigga waxana laga helaa: hilibka, khudrada ca- gaaran siiba kaabajka iyo ukunta.
Ayoodhiin: Waxa ka samaysma dheecaanka qanjidhka ma- rinka la ee tayroodh. Waxa laga helaa khudrada cagaaran, biyaha iyo cuntada badda sida kalluunka.
Adigoo mahadsan la wadaag (share) asxaabtaada si ay uga faa'idaystaan.
W/D:Indha_caad
Comments
Post a Comment