Casharka 3aad

 HABDHISKA DHEEFSHIIDKA(Digestive System).


Casharka 3aad


FIITAMIINADA


Fiitamiinadu waa waxyaalo lagama maarmaan u ah faya- qabka jirka, inkasta oo aanay waxtar u lahayn xagga dhiska iyo koridda jirka. Nuduhu la'aantood qummaati uma shaqee- yaan waxay keentaa xanuuno loo yaqaanno cudurrada fiita- miin yarida.


Cuntada aan cunno ayaa in aad u yaryari ku jiraan, qof- kuna maalintii wuxu u baahan yahay xaddi aad u yar. Fiitamiinada aadka loogu baahan yahay waxa ka mid ah Fiitamiin A. Waxa laga helaa baruurta oo ay ku milanto, khudra- da cagaaran, dabacasaha iyo miraha hurdiga ah oo ay ku jirto wax sida kaloorofiisha ka samaysanta ifka cadeeeda iyo wax-yaalo kale oo la yiraahdo kaarootiin xoolaha qaarkoodna sida dadka ayay u beddeli karaan Firtamiin A.


La'aanteedu waxay keentaa koridda jirka oo xumaada' qofka oo u nuglaada ama u jilicsanaada xanuunnadda kale oo bukooda xuubabka jirka, daliilna u noqda jeermisyada soo weerara Ginjaktiifada isha ayaa bukoota waxaana ka luma ifgudbinta astaanta u ah, taas oo keenta xuub jilicsan oo dusha ka fuula Ratiinada isha ayaa iyana waxyeelo soo gaadha, wuxuuna gofku yeeshaa habeenno.


Fiitamiin B Kakan: waxay ka kooban tahay waxyaalo ba- dan, yaalaana lagu khaldamo, waayo waxa laga helaa cunto is ku mid ah oo ay ka mid yihiin qooshka, khudrada, caanaha, ukunta iyo hilibka. Daqiiqda cad (burka) iyo bariiska qolofta lahayni toona ma laha fiitamiintaa.

Fiitamiin B. Waxay hormaysaa nafaqada unugyada dareen- wadka, la'aanteeduna waxay keentaa cudur loo yaqaan beri-be- ri. Qofka cudurkaasi ku dhaco waxa halcada dareen wadayaasha, muruqyada mindhicirkuna way shaqo yareeyaan;


Taas oo keenta caloosha oo fariisata qofkuna uu ka caw- do cuntada oo aanu niyad u hayn iyo cagaha oo halcada. Fiitamiin B. Waxa looga baahan yahay koridda jirka waxana laga helaa hilibka iyo caanaha. Waxa dila ifka badan sidaa darteed haddii aan caano dhigtid meel cadceed ah in badan way ka luntaa. La'aanteedu waxay keentaa afka iyo carab- ka oo halcada, iyo maqaarka iyo araga isha oo waxyeelo gaarto.Waxay qayb weyn ka qaadataa samaynta ko-insaymyada ku- waas oo lagama maarmaan u ah falgalada insaymyada.


Fiitamiin B. Waxa laga helaa nudaha dhirta iyo xoolaha, laaca iyo isbeddel ku dhaca caloosha iyo maskaxda.Waxay waxtar u leedahay deefsashada amiino asiidhka iyo dufankaba.Fiitamiin B; Waxa ay wax ka tartaa dhiig yarida waxayna kaalmaysaa samaynta unugyada cascas ee dhiigga ee ka dha- sha dhuuxa cas.


Fiitamiin C. Waxay ku milantaa biyaha, waxana laga helaa miraha cusub gaar ahaan kuwa dhanaan sida liinta, canabka, maandhariinida liin dhanaanta iyo khudrada cagaa- ran siiba saladhka iyo kaabeejka, waxa aan laga helin cuntada ay ka mid tahay hilibka, kalluunka, baruurta iyo saliidda iyo caanaha la karsho, waayo waxa dila kulka. La'aanteedu wa- xay keentaa cudur loo yaqaan iskeerfi cudurkaas wuxu kee- naa nabarada oo aan hore u bogsan, iyo kabilaariyada oo qar- qarxa dabadeedna dhiigga haba. Dahaarka kalagowsyada ayaa dhiigga haba dabadeedna waxa barara kalagowsyada. Cirid- ka ayaa dildillaaca dhiigguna ka yimaadaa cudurkaasi wuxu badanaaba ku dhaca carruurta la siiyo caanaha karkarsan iyo dadka waaweyn ee cuntadooda miruhu ku yar yihiin.


Fiitamiin D:- Waxay ku milantaa dufanka waxana laga helaa dufanka xoolaha (kuwa aan qoraxda laga qarin) iyo sa- liidda beerka kalluunka marka ifka qorraxdu ku dhacdo. La'- aanteedu waxay keentaa cudur loo yaqaanno rikitis. Cudur- kaas oo ku dhaca carruurta wuxu waxyeelaa lafowga carjowda taas oo keenta lafaha oo qaloocsama iyo lafaha saablayda iyo ▷miskaha oo qaab xumaada.


Fiitamiin E: Waxa laga helaa saliidda khudrada iyo waxa ay waxtartaa taranka, waxana ay keentaa dhalmo caadi ah haddii la siiyo dumarka dhiciya haseyeeshee aan dhicintaasi xanuun dartii ku iman sida xabadda la'aanteedu waxay keen- taa ma dhalaysnimo.


Fiitamiin K: Waxay ku milantaa dufanka waxana laga he. laa dhirta inta cagaaran. Waxay taageertaa samaynta boroo- trombinka oo keenta xinjirowga dhiigga.

Fiitamiinnada ka sokow waxa kale oo jirku u baahan yahay selyulows oo ah qaybta cuntada ee shiidmikariwayda oo ka kooban liifka khudrada iyo miraha, buunshaha digirta iwm. Selyulowsku wuxu ka ilaaliyaa caloosha in ay fariisato.


Adigoo mahadsan la wadaag (share) asxaabtaada si ay uga faa'idaystaan.


W/D:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad