Casharka 40aad

 Casharka 40aad


Tetralogy of Fallot


Waa xaalad dhif ah in la arko. Macnaha waxa weyaan waa xanuunnada lagu dhasho ee wadnaha saameeya ayuu ka mid yahay. Ilmaha waa ay ku dhashaan xaaladan. Xaaladani waxay saamey  Ku yeelaneysaa wadnaha qaabdhiskiisa.  Waxay sababeysaa inuu isbeddelo qulqulka dhiigga isagoo maraya wadnaha ilaa jirka. Ilmaha xaaladan qaba jirkiisa waxa uu noqonayaa buluug ama midabka maqaarka oo cagaarta, taasoo ugu wacan ogsijiin yari Ku timaada  jirka. Waxa hoos u dhaceysa awoodda ay jirka ku gaari lahayd ogsijiin ku filan. Ilmahani waxa uu yeelanayaa affar xaalad aan caadi ahayn.

Heerka xirranka haniya sambabeedka ( pulmonary valve stenosis) waxa uu go'aaminayaa isku noqodka dhiigga calool yarta midig iyo caloolyarta bidix. Weyninka qeybta calool yarta midig  waa midda labaad xirranka dhegyarta midig.

Isku noqodka dhiigga qeybta calool yarta midig iyo caloolyarta bidix, waxay ku xidhan tahay cabirka ( ventricular septal defect) iyo iska caabinta xiddidka( blood pressure).

 


1: kala soco darbiga calool yarta midig iyo bidix. Waana xanuunnada ugu caansan lagu dhasho( congenital heart defects). Waxa uu ku dhacaa  darbiga kala saara wadnaha  qeybta calool yarayaasha ( ventricles).   ( ventricular septal defect)  kaasoo diidaya dhiigga aan ogsijiinta lahayd inuu ku darsamo dhiigga ogsijiinta leh.


2: Haniya sambabeedka ( pulmonary valve) iyo halbowle sambabeedka ma ahan mid sidii la rabbay u ballaaranaya, waxay noqonayaan kuwa ciriirsan, sidaas daraadeeda sambabada ma helayaan dhiig ku filan garaac kasta uu wadnaha sameayo.


3:Isbeddelka ku yimaada halbowlaha wayn.  Halbowlaha ugu wayn jirka waxa lagu magacaabaa garka wadnaha. Waxa uu ku dhagan yahay calool yarta bidix qeybta hoose. Tetralogy of Fallot,  waxa uu ku yalaa boos aan ahayn kiisa(wrong place). Waxa uu u wareeganayaa qeybta midig. Waxa isbeddel ku imanaya qulqulka dhiigga.


4:  Darbiga muruqa ku hareereysan calool yarta midig waxa uu noqonayaa mid adag( ventricular hypertrophy) maxaa yeelay waxa u shaqeynayaa si adag.


Maxaa keenna?


Waxa keenna lama yaqaanno sida saxda.

Waxa jira waxyaabo macquul ah ee keenna.


Mararka qaar  waxa keenna isbeddel ku yimaada hiddaha ilmaha,isbeddelka waa dhif inuu ka yimaado dhanka waalidka. Haddii waalidka uu qabo xanuunnada wadnaha ama dhibaayooyin wadnah waxa suuragal ah in u gudbo ilmaha. Hooyada inay qabto fayruska rubella,  am macaanka, qamriga ay cabto,cunno xummo, da'da hooyada oo gaadha 40 sanno ka badan, halka hooyada uurka leh ay qatar ugu jirto ilmaheeda xanuunnada wadnaha lagu dhasho.


Calaamadaha. 


1: Maqaarka buluug noqda. 

2: Neefta oo adkaata.

3:Daal

4: Wareer.

5: Ogaalka oo taga.

6: Gariir.

7:Qallafsanaanta codka wadnaha( murmurs).

8: Cunista oo xumaata.

9: laab xanuun.


Baadhitaan. 


Waxa muhim in la ogaado dhalmada ka hor inta aanu ilmaha dhallan iyadoo la isticmaalayo humaag muujiye( ultrasound), si loo arko qaabdhiska wadnaha iyo shaqadiisa. Isbuuca 18 ilaa 22 xilliga uurka dhaqtarka waxa  uu isticmaalayaa Echocardiogram. 


1:In la cabbiro heerka ogsijiinta qofka(pulse oximetry test).


2:Echocardiogram.  hubbintan waxa loo istcimaalaa, in lagu arko wadnaha iyo haniyihiisa, sida ugu wanaagsan wadnaha u shaqeynayo.


3:Electrocardiogram.  Waa danab koronteed lagu ogaanayo garaaca wadnaha, waxa uu innaga caawinayaa qallafsanaanta korontada wadnaha. Isbeddelka korontada waxa ugu wacan wayninka wadnaha. 


4:Chest X-ray. Waxa aynnu ku arkeynaa muuqaalka wadnaha iyo sambabada.    tetralogy of Fallot waxa lagu arkayaa calaamada wadnaha( on an X-ray is a boot-shaped heart).  Waxa loola jeedaa in ay waynaato qeybta midig ee hoose wadnaha. 


5:Cardiac catheterization.  waa hubbin  tubbo dhuubban(catheter), oo la galsho xiddidada dhiigga sida gacmaha,  hagitaan loo marayo xiddidada wadnaha.


Daaweyn.


Qaliin ku meel gaar ah(Temporary surgery, also called temporary repair) si loo nidaamsho qulqulka dhiigga ee sambabada. Ilaa laga gaarayo qaliin furitaan ah. Dhaqtarka qaliinka isagoo dhigaya tubbo, xiddidada waa wayn ka imanaya garka wadnaha,  halbowle sambabeedka. Qaliin furiin ah, iyadoo si dhammeystiran loogu sameynayo dayactirka wadnaha(Open-heart surgery, called complete repair).


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad