Casharka 41aad
Casharka 41aad
Pulmonary hypertension
Waa kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka( pulmonary hypertension). Xididada waxay qaadaan dhiig ogsijiinta aan lahayn iyagoo ka keenaya wadnaha una sii gudbinaya sambabada si ogsijiinta nadiif ah loogu soo daro. Kacsanaanta dhiigga halbowle samababeedka waxa keenni kara waxyaabo kala duwan, waana dhibaato ka dhallatay xanuunnada wadnaha ama sambabada ku dhacay, iyo waxyaabo kale lala xidhiidhsho deegaanka sare u qaadi kara khatarka kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka. Kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka waa mid qatar ah, maxaa yeelay waxa carqalad ku imaneysaa socodka dhiigga ee wadnaha ka imanayay kuna socday sambabada. Sarre u kaca dhiigga halbowle sambabeedka waxa uu keenayaa in xiddidka ciriri noqdo. Natiijada ka dhallaneysa waxay tahay in wadnaha si xooggan u shaqeeyo si uu u buufiyo dhiig una gaarsiiyo sambabada.
Kogitaanka xiddidka ( vasoconstriction). Ogsijiin ku filaan la'aanta daba dheeratay halbowle sambabeedka waxay keeneysaa inuu ciriirsamo xiddidka, waxa balaaranaya murqaha hawo mareenka. Iska caabinta xiddidka waa ay siyaadsyaaa. Waxa siyaadaya cadaadiska xiddidka, wadnaha qeybta midig waxa uu noqonayaa mid waynaada( hypertrophy), kaddib waxa dhacay fashilka qeybta midig ee wadnaha, iyo korontada wadnaha xumaaneyso( arrhythmias) kaddib waxa ku xiga geeri.
Waxa kaloo dhici kara inuu siyaado ololka( inflammation), ololka waxa uu keenayaa in aan la hufin unugyada xiddidka darbiyadiisa, waxa adkaanaya indhosiiliyamta darbiyadeeda, kaddib waxa uu noqonayaa mid adkaada. Hawlgabka ku yimaada indhosiiliyamta waxa siyaadineyaaa borotiinka ka qeyb qaata sare u kaca dhiigga(endothelin) waxa hoos u dhaca kala baxa xiddidka, waxa siyaadaya urursanka xiddidka, kaddib waxa dhacaya in xiddidka uu xirmo. Haddii uu siyaado cadaadiska xiddid sambabeedka, waxa badanaya muugga ama cadaadiska qeybta bidix ee wadnaha.
Hay'ada caafimaadka adduunka waxay u qeybisay kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka.
1: Waxa ugu wacan kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka: waxa keeni kara waxyaabo kala duwan, qaarkooda ka imanaya xanuunno, iyo dawooyin. Kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka waxa uu noqonayaa mid cariirsan, adag. Dhiigga dhex marayaa waa mid aad u yar, waxa siyaadada cadaadiska halbowle sambabeedka dhexdiisa.
2: kacsanaanta dhiigga halbowle waxa ugu wacan xanuunnada haleela calool yarta bidix: qeybta bidix ee wadnaha waxa uu buufiyaa dhiigga si uu jirka u wadda gaarsiiyo. Haddii ay dhibaato soo gaadho( left ventricular problem), waxa uu saameynayaa qeybta midig ee wadnaha, dhammaan xiddida sambabeedka. Dhiigga waxa uu dib ugu soo laabanayaa wadnaha waxa siyaada cadaadis sambabeedka.
3:Kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka waxa ugu wacan xanuunnada ku dhaca sambabada ama cadadka ogsijiinta oo yaraata( hypoxia): dhibaatooyinka qaar samababada soo gaadha waxay sababaan halbowle sambabeedka inuu adkaado. Socodka dhiigga waa mid yar, waxa siyaadada cadaadiska halbowle sambabeedka.
4: Waxa ugu wacan kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka, inuu xidhmo sambabada: xinjir dhiig ah oo ka timid meel waxay ka hortageysaa in dhiigga si caadi ah u socdo. Tani waxay keenaysaa qalqal ku yimaada calool yarta midig ee wadnaha, waxa siyaadaya cadaadiska halbowle sambabeedka.
Maxaa keenna.
Waxa keenna waxyaabo badan. Waxa kamid ah:
1: Xanuunnada lagu dhasho ee wadnaha( congenital heart disease).
2: Isbeddel ku yimaada hidda sidaha( genetic mutation).
3:Glycogen storage diseases (GSDs): Waa koox xanuunno oo dhif ah in la arko, jirkeenna si qumman uma isticmaalayo galaykojiinta( glycogen). Waa sokorta jirka u istcimaalo tamar ahaan.
4: Aydhiska( HIV).
5:Xanuunnada beerka ku dhaca.
6:Lupus waxaa xaalad ay sababto olol( inflammation), haddii aan si kale u niraahno waa is weerarka difaaca jirkeenna uu weerara jirka qudhiisa halkii ahayd inuu difaaco.
7: kacsanaanta dhiigga aroora qaadaha(Portal hypertension), waa xiddido yaryar laamo ku leh hab aroore qaadaha( portal venous system).
8:Dhibaatada ka timaada wadnaha waa midda ugu caasan keenta kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka. Maxaa yeelay qeybta bidix iyo midig ee wadnaha waxay si wadda jir ugu shaqeynayaan si xooggan. Dhibaatada ka timaada qeybta bidix waxay saameyneysaa qeybta midig. Qeybta midig ee wadnaha waxay masuul ka tahay in ay buufiso dhiigga si ay gaarsiiso halbowle sambabeedka. Qeybta bidix waxa keeni kara dhowr xanuun waxa ka mid ah.
Gar haniya wadneedka(Aortic valve ) waxa uu isku xidhaa calool yarta bidix iyo garka wadnaha. Garka wadnaha waa xiddidka dhiigga ka qaada ee jirka ugu wayn, waxa uu masuul ka yahay inuu qaado dhiig ogsijiin ka buuxa uu gaarsiiyo jirka. Haddii uu xanuun ku dhaco( aortic valve disease) waxa uu sameynayaa dilaac ama dhiig noqod ( regurgitation), ama ciriirsan( stenosis).
Fashilka qeybta bidix: mcnaha qeybta bidix ee wadnaha ma awooddeyso in ay dhiigga buufiso. Calool yarta bidix waxay noqoneysaa mid daciifta ama in ay adkaato. Ma gaarsiin karto ogsijiin ku filan jirka, xubnaha iyo nudayaasha. Waqti dheer kaddib waxa dhacaya in ay shaqo gabto qeybta bidix, haddii ay dhacdo midan waxay horseedeysaa shaqo gabka qeybta midig iyo dhibaatooyin kale.
8: Weyninka calool yarta bidix( left ventricular hypertrophy). Waa adkaansho uu adkaanayo muruqyada darbiyada ee dhagta calool yarta bidix, waxay keeneysaa in dhiigga la buufinayo uu yaraado. Waxa keenaya waqti dheer uu jiro kacsanaanta dhiigga( hypertension), ama dhibaatooyin kale.
9: Dhibaatooyinka ka yimaada samababada waa kuwa ugu caansan iyaga ee keenna kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka. Waxa kamid ah.
Chronic obstructive pulmonary disease (COPD). Waa koox xanuunno waxa ka mid ah hunguri cadka ololka ku dhaca( bronchitis) iyo dhaawac soo gaadha darbiyada alfiyoolaha( emphysema), waxay keenayaan in ay adkaato neefshada.
Adkaanshaha sambabada(Interstitial lung disease). Waa inuu adkaado ama nabar uu yeesho nudaha sambabka. Adkaanshaha waxa uu horseedayaa neefshada oo xumaata iyo qufac.
Obstructive sleep apnea. Xaaladani waxay sababeysaa in badh ama gabi ahaanba uu xidhmo hawamareenka xilliga hurdada, waxa ka dhalaneysa in ogsijiinta ay gaadhi weyso xubnaha jirka.
Pulmonary embolism: waa xinjidh ka soo safreysa meel kale ee jirka ka mid ah taasoo xidheysa xiddada samababada. Xinjirtan badanaa waa mid la daweyn jaro.
10: Waxa jira xanuunno kale oo keenna, cilmi baarayaasha waxay sheegaan in aan aqoon habka saxda ay ku keenaan. Waxa ka mid ah.
Gaucher disease: waa xanuun hidda dhaxaleed la iska dhaxlo, waxa keenna waxyaabo dux ah ku urura lafaha, beerka.
Langerhans cell histiocytosis: waa xanuun dhif ah saameeya habdhiska difaaca, waxa keenna nabar iyo buro ku sameysmata samababada.
Sarcoidosis: waa olol saameeya sambabada iyo qanjirk linfeedka.
Thyroid disease: waxa uu saameynayaa qanjirka taydhroodka kaa soo soorayo hormoonno badan.
Calaamadaha
1: Neefsashada oo adkaata.
2: Maqaarka iyo bishimaha oo buluug noqda.
3:Laab xanuun.
4: Wareer.
5: Daal.
6: Xanuun laga dareemayo ubucda qeybta sare.
7:Garaaca wadnaha oo kordha.
8: Adimaha hoose oo barara.
Baadhitaan.
1: Hubinta dhiigga( blood test) waxay innaga caawineysaa in aynnu ogaanno waxa keenay kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka.
2:Chest X-ray. waxay innoo caddeyneysaa wadnaha iyo sababada muqaalkooda, waxa kale aynnu u isticmaaleynaa in lagu hubbiyo xaaladaadaha samababada ama waxa sababay kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka.
3:Electrocardiogram (ECG or EKG). waa hubbin fudud lagu ogaanayo garaaca wadnaa.
4:Echocardiogram. waxa lagu ogaanayaa qulqulka dhiigga ama socodka dhiigga, waana midka ugu fiican ee go'aan looga gaari karo kacsanaanta dhiigga halbowle sambabeedka.
5:Right heart catheterization. Wa tubba la dhex dhigayo xiddidka dhexdiisa, iyadoo la cabbirayo cadaadiska halbowle sambabeedka iyo calool yarta midig
Daaweynta.
1:Calcium channel blockers. Dawooyinkan waxay innaga caawinayaan cadaadiska ka dhex jira halbowle sambabeedka in ay hoos u dhigaa. Waxa ka mid ah:diltiazem,amlodipine,nifedipine
2:Diuretics. dawooyinkan waxay innaga caawinayaan in kelyaha ay saaraan hooraha badan jirka ku jira. Waxay hoos u dhigayaan cadadka shaqada wadnaha. Waxa lagu yareeyaa dheecanka ku urura sambabada, lugaha.
3:Digoxin (Lanoxin). waxay innaga caawineysaa in ay xakameyso garaaca wadnaha.
4:Blood thinners. waa lidka dawooyinka dhiigga xinjireysan lagu furfuro. Waxay ka hortagayaan xinjirowga dhiigga. Tusalaha: warfarin. Laakiin waxay siyaadinayaan qatarka dhiig baxa qofka, gaar ahaan xilliga qaliinka ama haddii qofka jirkiisa wax la galinayo.
5:Soluble guanylate cyclase (sGC) stimulators. daawooyinkan waxay kala bixinayaan halbowle sambabeedka, iyo cadaadiska samababada hoos ayay dhigayaan. Tusaale:riociguat (Adempas). Hooyada uurka leh ma qaadan karto.
6:Medicines to relax blood vessels. dawooyinka kala bixinaya xiddidka ( vasodilators) waxay innaga caawinayaan in xiddidka uu furmo ciriirsanka uu ka qaadmo, socodka dhiigga uu wanaagsanaado. Tusaale:epoprostenol (Flolan, Veletr), treprostinil (Remodulin, Tyvaso, others), Iloprost (Ventavis) and selexipag (Uptravi).
7:Waxa la siinayaa bukaanka ogsijiin.
Tixraaca: mayo clinic.https://my.clevelandclinic.org/
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment