Casharka 4aad

 HABDHISKA DHEEFSHIIDKA(Digestive System).


Casharka 4aad


Cunto Dheellitiran


Wuxuu qofku u baahan yahay cunto kala duwan oo ka ti mid dhir iyo xoolaba si uu u helo nafaqo kala duwan. Caana- ha oo keli ah ayaa qaybaha cuntada ee kala duwani ku wada jiraan, mase aha saamiga uu jirku mid walba uga baahanya- hay.Cuntada dheelitirani waa nay ka koobantaa (qaybaha cuntada oo dhan) saamiga soo soeda. Qayb borotiinno ah.Qayb dufan ah iyo afar qaybood oo ah kaarboohaydarayt. Miisaan ahaan marka aynnu u eegno waxay noqonayaan Borotiin 70-100 garaam Dufan 70-100 garaam

Kaarboohaydarayt: 400-500 Graam


Tayadda cunto kastaa leedahay, waxa lagu qiyaasaa had ba kulka ay bixisaa inta uu le'egyahay. 

Kulka qaybaha cuntada laga helo.


1 garaam oo ah kaarbohaydareed waxa laga helaa 4 kaalori


1 graam oo ah dufan waxa laga helaa 9 kaalori.


Qofka caadiga ahi maalintii wuxu u baahan yahay 3,300 kaalori, shaqo culus haddii uu hayana wuxu u baahan yahay 400-500 oo kaalori. Haseyeeshee baahıda kulka waxa beddeli- kara waxyaalaha soo socda:


1) Da'da. Carruurtu kul badan bay u baahan tahay. Taa si oo ay ugu wacan tahay jirkooda oo had iyo goor koraya.


2) Shaqada. Qofka shaqaynaaya kulka badan inta ka nasanaaya u baahanyahay ayuu u baahanyahay: waayo?


3) Jinsiga Labboodku wuxu u baahan yahay kul ka badan afar shaneed inta dhidigga u baahan yahay waayo?


4) Culayska iyo dhismaha jirka Qofka miisaanka wey- ni wuxu u baahan yahay kul badan, haddii culayskaasi aanu ahayn baruur. Waayo?


5) Cimilada iyo cimilo gooreedka, haddii cimilada de- gaan ay kulushay uma baahna kul badan.


DHEEFSHIIDKA


Laba ayaa ugu waaweyn baahida keentay in cuntada la shiido: 1. Cunto badan ayaa ku milan biyaha, kuna darsa- mikarin dhiigga, haddaan la shiidin. 2. Dhismaha cuntada ee kiimikada ah ayaa kakan, sıdaa darteed ma gubmi karto cuntada si loogu isticmaalo dhiska iyo kabidda unugyada jirka haddii aanay shiidneyn.


Shiidiida cuntada waxa keena insamyo ku jira dheecaannada shiida cuntada ee ka soo dhiiqa qanjidhada kala duwan. Dhee- caanadaas waxa ka mid ah dhareerka afka iyo dhecaanka gaa- striga ee caloosha. Insaymyadu waa waxyaalo keena iyo dheecannaada shiididada, waxay isku labaan cuntada iyo biyo si cuntadu u burburto Habkaasi waxa la yiraahdaa falgal bi- yood. Haddii sonkor  biyo lagu labo waxay u kala jab- taa laba sonkorood oo fudfudud.


Mararka qaarkood, dhowr tallaabo oo isku xiga ayaa falgalkaasi sii maraa inta waxa ugu dambeeyaa aanu soo bixin Waxa 'si habsami ah insaymyadu hawshooda u gudankaraan marka heerkulku uu yahay ka jirka (98.4" F) kulka badani wuu dilaa, qabowguna wuxu dhimaa hawshooda. Insaym kastaa waxay samaysaa falgal asiidheed ama falgal alkallineed, taas oo ku xiran hadba dheecaanka ama falgalka alkallineed, taas oo ku xiran hadba dheecaanka ay la socotaa wuxu yahay: Tusaale: Taylin oo ku jirta dhareerka afku waa alkalin, gaa- strik oo ku jirta dheecaanka calooshuna waa asiidheed. Insaym kasta cunto gaar ah ayay shiidi kartaa. Tusaale: Boro-tiyeesyadu waxay shiidaan borotiinka waxayna u beddelaan amiino asiidh. Amilyasku waxay shiidaan kaarboohaydarayt- yada una beddelaan sonkor fudud. Libaysyadu waxay shiidaan dufanka waxayna u beddelaan asiidh alkaliin ku jirta minidhi- cirka iyo gilisariin, dabadeed waa la nuugaa wuxuna u beddel- naa dhibco-dufaneed. Isbeddelkaa kimikada ah ee ku dhaca cuntada ee ay keenaan insaymyadu ayaa ah shiididda runta ah. Waxaase jira isbeddel fisikaal ah oo ah jejebinta cuntada waxana keena ilkaha iyo majiraha caloosha. Isbeddelkaasi dambe wuxu taageeraa oo uu fududeeyaa hawsha isbeddelka ka dambeeya ee kimikada ah.


Adigoo mahadsan la wadaag (share) asxaabtaada si ay uga faa'idaystaan.


W/D:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad