Casharka 5aad
HABDHISKA DHEEFSHIIDKA(Digestive System).
Casharka 5aad
Dhismaha marinka dheefshiidka.
Marinka dheefshiidku waa dhuun dheer oo ka bilaabanta afka kuna dhammaata marrinka saxarada.Wuxu u qaybsamaa afka, caloosha iyo mindhicirada.
AFKA. Afku waa moqor ka bilaabma maqaarka dusha ee dibnaha kuna dhammaada qulaanqulshaha. Saqafka dusha waxa ku yaala dhanxanaga adag iyo ka jilicsan, oo uu ka lusho hilib dalquhu. Hoosta waxa kaga yaala carabka qanjiro dhareer oo ah kuwa ugu waaweyn ayaa ku yaala labada geesood ee daanka hoose, meel inyar ka hooseysa dhegta. Qanjiradaas waxa la yiraahdaa baarotod xagasha daanka hoose waxa ku yaala qanjiro kale oo la yiraahdo Sab-maagsilari. Carrabka hoostiisuna kuwo kale oo la yiraahdo sab-linguwal. Qanjira- daas waxa ka soo dhiiqa dhareer soo raaca marino yaryar oo u bannaan.
Dhareerkaasi wuxu ka kooban yahay biyo, cusbo, tayalin oo ah insaym shiidda istaarjka una beddesha sonkor. Gi- daarrada afka waxa ku yaala xuubab axal oo uu ka yimaado axal dufna cuntada si ay dhib yar ugu marto hunguriga.
CARRABKA
Carrabka waa xubin muruqlay ah oo gudaha kaga dhegan daanka hoose. Xaga dambe wuxuu kaga dhegan yahay lafta mayoodh Carrabka dushiisa waxa ku dheehan xuubab axal oo ay dusha kaga yaaliin goonaan soo buurbuuran. Meelahaas oo soo baxsan waxaa ku dhammaada dareenwadayaasha dareenka dhadhanka.
Hawsha Carrabka: 1. Waa xubin aynmu wax ku dhadhamino waxaana ku badan dareenwadayaal ku dareen oo lagu kala gar- to cuntada macaan, tan dhanaan iyo tan qaraarba.
2. Wuxu taageeraa burburinta cuntada isaga oo isku laba dhareerka iyo cuntada. 3. Wuxu gacan ka gaystaa liqidda cuntada (cuntada ayuu ururiyaa, kuusaana)
4 Wuxu gaaraa dhawaaqa isaga oo dhaqdhaqaaqa si uu u dadka ugu yeedho, wax lagu sheego.
ILKAHA
Dhismaha ilkaha waxa loo kala qaybiyaa saddex qaybood
1. Madax: oo ah inta muuqata ee ciridka ka sarreysa
2. Jirid: oo ah inta ciridka hoos u gashan.
3. Luqun oo ah halka ay iska galaan madaxa iyo ciridku. Iliga intiisa badani waxay ka dhisan tahay wax adag oo u eg lafta oo la yiraahdo dentayn. Madaxa sare ee iligga waxa dayntaynka dusha kaga sii dheehan walax kale oo ka sii adag iligga waxa kale oo dusha kaga sii dheehan walax kale oo iyana adag, lana yiraahdo sibid.Ilkuhu waxay dhexda ku leeyihiin moqor ay dhex maraan xididdada dhiigga oo nafaqo u geeya iyo dareen wadayaal.
Noocyada ilkaha
Marka lagaga bilaabo foolasha dhexdooda oo dib loo tiriyo.Waxa ilkaha aan dhicin ka kooban yihiin, fool ballaaran oo leh laf dhuuban oo cuntada lagu gooyo. Waxa ku xiga dhool u qaab eg foolka cuntadana goysa. Waxa ku xiga mici u qaab eg toobinka oo cuntada jeexjeexda. Micida waxa ka sii dam-beeya gowso. Labada gaws ee ugu xiga micidu waxay dusha ku leeyihiin laba fonqorood, waxana la yiraahdaa gow's horaado. Saddexda dambe waxay dusha ku leeyihiin seddex fongorood waxana la yiraahdaa gows dambeedo. (Haddii uu soo baxo gowska garaadku tirada gows dambeedadu waa afar), Gowsuhu waxay leeyihiin dul banaan oo u habaysan burburinta cuntada.Waxa jira da day daamankoodu yaryaryihiin oo ay markaa ilkuhu meel kala waayaan oo ay raarmaan ama iska dul baxaan.
Qaybaha Ilkaha
Ilkaha waxa loo, kala qaybiyaa laba qaybood
1. Ilko dhaca (ilka caanood). 2. ilko aan dhicin. Ilkaha dica waa 20 ilig, fuq kastana waxa ku yaal 10 ilig. Waxayna u kala baxaan 2 fool, 2 dhoolood 2 miciyood iyo 4 gows. Gowso Miciyo Dhoolo Foolal Dhoolo miciyo gowso.
Ilka caanood waxa ugu soo hor baxa foolasha hoose oo soo baxa marka ilmuhu lix bilood jiro. Waxa ku xiga dhoolaga hoose, iyo foolasha iyo dhoolaha sare oo soo baxa ilaa gu' jirka. Miciyaha iyo dhoolaha ayaa dabadeed ku soo baxa lix bilood oo dambe ilaa sannad. Ilkaha aan dhicin waa laba iyo soddon (32). Fuqii kastana waxa ku yaala 16 ilig. Waxay u kala ba- xaan 2 Fool, 2 dhoolood, 2. micyood, 4 gows horeed iyo 6 gows dambeed. Gaws dambeed gows horeed dhoolo mici foolat dhoolo mici gows H. Gows dambeed.
Ilkaha aan dhicin waxa ugu soo hor baxa gawska ka ku xiga ilka caanoodka. Waxa dabadeed dhaca foolashii hore ee ilka caanoodka, meeshoodiina waxa ka soo baxa foolal cusub. Ilkaha aan dhicin waxay ku soo wada baxaan ilaa afar iyo to- ban jirka gowska ugu dambeeya mooyaane (gowska garaadka) oo ku soo baxa 18 ilaa 25 jirka. Koritaanka iyo fayaqabka il- kuhu waxay ku xiran yihiin hadba cuntada ay hooyadu cunto marka ilmaha ay uurka ku siddo. Sidaas darteed dumarka uurka lehi waa inay iyo Fiitamiin D cunaan cunto leh kaalsiyam si korida ilkaha ilmaha uurka ku jira u wanaagsanaato. Ilmuhu marka ay yar yihiin ma adka daamankoodu waxayna u baahan yihiin in lagaga shaqaysiiyo si ay u adkaadaan. Kaalsiyam la'aanta fiitamiin la'aantu waxay keentaa dahaarka ilkaha oo jilca dabadeedna qodma oo dalooshama. Meelaha iliggu ka Gaqodmayaa waxa gala sonkorta iyo cuntada qofka cunayo. Cuntadaasi gashay iliga ayaa kala jajabta, waxana ka samays- ma aystidhyo la falgala kaalsiyamka iligga. Marka kaalsiyamku milmo ayaa jeermiyo galaan iligga, dabadeedna waa bukoodaa.
Dalqada: Dalqadu waa moqor muruqlay ah oo ay ku dahaa- ran yihiin xuubab axal. Cuntada ayaa sii marta moqorkaasi marka hunguriga ay gelayso, Marka wax la leqayo waxa urura muruqyada gidaarrada dalqada oo hoos u cadaadiya cuntada si hunguriga ay u gasho. Isla markaa dhanxanaga jilicsan ayaa isku gudba marinka sanka si aanay cuntadu kor u gelin. Qulaanqushaha ayaa isna ka soo baxa, waxaana is qabsada xarkaha dhawaaqa si aan cuntadu u gelin hunguriga cad iyo sambabada. Hawshaasi muruqyada ee isku xiriirsani waxay badbaadisaa qofka, haddii si habsan u dhicin waxa dhacda in qofka ku saxdo cuntada.
Macnaha ereyga:Larynx:qulaanqulshe
W/DIndha_caad
Comments
Post a Comment