Casharka 6aad
HABDHISKA DHEEFSHIIDKA(Digestive System).
Casharka 6aad
DHISMAHA HUNGURIGA
Marka cuntada calaashani soo dhaafto dalqada, waxay soo gashaa dhuun dheer oo hoos u marta luqunta lana yiraahdo hunguri. Waxay dhex martaa dhuuntaasi saablayda, xagga dambena waxay ka martaa hunguriga cad iyo wadnaha. Hun- gurigu wuxu ka dhex dusaa bogga wuxuna galaa caloosha.
DHISKA GIDAARKA HUNGURIGA
Gidaarka hungurigu wuxu ka kooban yahay seddex lakab oo kala sarreeya, hawshooduna ay kala duwan yahay. Waxay kala yihiin
1) Xuub axaleeda guudka sare ku dahaaran, oo uu ka soo dhiiqo axal dufna gidaarrada hunguriga si cuntadu si dhib yar u marto.
2) Nudo isku xirayaal ah.
3) Lakab ah muruq ma la fare, oo ka kooban:
B. Liifyo gudban oo sare.
T. Liifyo wareegsan oo hoos ku yaal.
Lakabka muruqa ahi wuxu dubaaxiyaa hoos u riixaa cuntada. Dubaaxintu waa marka muruq ama xubin muruqlay ahi ay si talantaal isu dabajoogta ay u ururto una kala baxdo.
CALOOSHA
Calooshu waa xubin muruqlay ah oo u eg kiish, kuna taa- la ubucda xaggeeda sare. Waxay u badan tahay dhinaca bi- dixda, waxayna in yar ka hoosaysaa bogga. Qaabkeeda iyo jimirkeedu waxay ku xiran yihiin hadba inta cunto ku jirta. Meesha uu hungurigu kaga darsamo caloosha waxa ku yaala muruq fura daloolka marka cuntadu galayso caloosha, xirana marka cuntadu gasho caloosha si aanay kor ugu soo noqon, caloosha ayaa majiiranta waxase dhaca mararka qaarkood in calooshu ay aad u majiiranto, ama ururto uu hungaaco qofku. Calooshu xagga hoose way u dhuuban tahay sida masafka, halka ugu hooseysa ee ay laba iyo tobanlaha(duodenum)gasho waxa ku yaala muruq kala hora cuntada gelaysa min- dhicirka yar.
Cuntadu marka ay ku jirto qaybta sare, waxa ku badan asiidh ku jirta dheecaanka gaastriga oo ka soo dhiiqa qanjidho ku yaala gidaarrada caloosha. Markase ay soo gaarto qaybta hoose ee caloosha heerka asiidha ayaa hoos u dhaca. Heer gaar ah marka ay gaarto ayaa dareenwadayaasha ku yaala gidarrada calooshu cariyaan muruqa ilaaliyaha ah si uu u furmo, cuntaduna ay u gasho laba iyo tobanlaha. Qayb kale oo ka mid ah cuntada la shiiday ayaa ka timaada qaybta sare ce caloosha marka heerka asiidhu uu bato oo u soo dhacda qaybta hoose ee caloosha si ay u beddesho qaybtii hore u gudubtay kaddib marka heerka asiidhu uu gaaro heer gaar ah ayaa sidii oo kale dhacdaa.
HAWSHA CALOOSHA
1. Cuntada ayey rediqdaa, yaryaraysaana si ay u fudu-daato shiididdeedu marka ay gaarto mindhicirka yar.
2. Dheecaan ayaa ka soo dhiiqa gidaarka caloosha oo shiida cuntada.
DHISMAHA GIDAARKA CALOOSHA
Gidaarka calooshu wuxu ka kooban yahay 4 lakab oo dhis mahooda iyo hawshooduba ay kala duwan yihiin, waxayna kala hiin:
1. Xuub sare oo siirows ah oo ka yimid beertooniyamka dhinaca gudaha caloosha kaga dahaaran.
2. Lakab muruq ah.
3. Lakab nudo isku xirayaal ah oo leh xidido dhiig oo badan.
4. Xuub axaleed ay ku yaaliin qanjidhada dheecaanka qaastrigu ka soo dhiiqo.
Dahaadhka sare ee siirowsku wuxuu subkiyaa gidaarrada caloosha si aanay isu xoqin marka ay majiirmayso. Lakabka muruqyada ahi wuxu ka kooban yahay liifyo gudhan, marka ay cuntadu soo gasho caloosha ayaa waxay carisa muruqyadaa si, kolkaas ay u kala baxaan iskuna ururaan, taas oo keenta ma jiirka caloosha, xuubabka axalkuna waxay dhuqaan axalka dufanta caloosha.
MINDHICIR YARKA
Mindhicir yarku waa dhuundheer oo ka bilaabanta qaybta hoose ee caloosha, kuna dhammaata meesha uu ka bilaamo mindhicirka weyni. Wuux ku laab laaban yahay xaggeeda hoose ee ka hooseysa caloosha, wuxuna u qaybsamaa 3 qay- bood:
1. Laba iyo tobanle oo ah qaybta ugu gaaban ee ku xigta caloosha. Dhererkeedu waa 3.48 SM sidaa darteed ayaa ma- gaca loogu bixiyey. 2. Jejunam: oo ah qaybta ku xigta laba iyo tobanlaha. 3. Ilyam: oo ah qaybta ugu heeseysa ee labada mindhicir iskaga darsamaan. Laba iyo tobanluhu wuxu ku yaalaa ubucda gadaasheeda wuxuna ku dhejisan yahay xuubka beeritooniyamka. Laba marin ayaa ku soo darsama oo ka kala yimaada beerka iyo ganaca(baankiriiska). Marinka ka yimaada beerka waxa soo raaca dhacaanka xamaytida, ka kalena waxa soo raaca dheecaanka baankiriiska marka ay u dhow yihiin
laba iyo tobanlaha ayey isku darsamaan si ay marin keli ah oo ka dhexeeya labada dheecaan ay u sameeyaan. Marinka afka uu caloosha kaga darsamo waxa ilaaliya muruq kala baxa si daloolku u furmo, ururana si uu u xirmo.
Dhismaha gidaarka mindhicir yarka
Gidaarka mindhicirka yari wuxu ka kooban yahay afar lakab oo ah kuwa caloosha oo kale :-
1. Xuub sare oo siirows ah 2. Lakab muruqlay ah oo ka kooban liifyo gudban iyo kuwo dhereran 3. Lakab nudo xirayaal ah. 4. Xuub axaleed.
Mindhicirka yari saddex astaamood ayuu gaar u leeya- hay:
1. Wuxu leeyahay laabab aad u fara badan. 2. Bogga hoose waxa kaga yaala gas u qaab eg faraha oo la yiraahdo fillaay Gaskaasi waxa weeye meesha nafaqadu ku jirto cuntaduna ay dhiigga kaga darsanto, iyo kabilaariyo fillay mareen ah.
3. Waxa ku yaala qanjidho mindhicireed oo ay dheecaanno badani ka soo dhiiqaan.
Hawsha Mindhicirka
1. Marka cuntadu soo gasho mindhicirka yar way badh shiidantahay waxase shiididda cuntadu ay ku dhammaataa mindhi- cir yarka, halkaasi oo dheecaanno badani ay ku labmaan cunta- da.
2. Fillaayga ku yaala gidaarka mindhicir yarka ayaa soo nuuga cuntada wixii tayo u leh jirka.
W/D:Indha_caad
Comments
Post a Comment