Casharka 7aad.
HABDHISKA DHEEFSHIIDKA(Digestive System).
Casharka 7aad.
NUUGIDDA NAFAQADA
Nuugidda borotiinnada, kaarboohaydraytyada iyo dufanku waxay ka dhacdaa mindhicir yarka, halkaasi oo ay dhiigga kaga darsanto. Borotiinnada waxay nuugmi karaan marka ay u beddelmaan sonkor fudud, waayo haddii aan isbeddelkaasi ku dhicin kama gudbi karaan xuubabka fillaayga kumana dar- sami karaan dhiigga. Amiino aslidhyada iyo sonkorta fududi marka ay fillaayga waxa ay raacaan dhiigga kaabilaariyada.
Waxay ku darsamaan arooraha wayn ee beerka geeya.Dufanku wuxu isagu u beddelmaa gilisariin waxana nuuga gaska fillaayga. Marka uu galo fillaayga ayaa dib waxa loogu beddelaa dhibco yar yar oo dufan ah oo raaca kabilaariyada limfk oo ku darsama dhuumo waaweyn oo limfeed, kuwaasi oo dhiigga kaga darsama dhuunta weyn ee saablayda.
Beerku waa qanjidhka ugu weyn qanjidhaha jirka, wuxu- na ku yaal bogga hoostiisa, wuxuna u badan yahay dhinaca midigta ee saablayd. Beerku wuxu u qaab eg yahay gumbar afar geeslay ah; madaxiisa dhuubani wuxu u jeedaa dhinaca bidixda, dhiniciisa ballaadhanina xagga midigta. Beerka waxa xejiya oo ku xira bogga seedo ka yimaado beeritooniyamka. Waxa kale oo uu leeyahay jeex jeexyo u kala qaybiya lakabyo,dushana waxa kaga dahaaran qanjidhka oo dhan xuubka bee-. ritooniyamka. Laba marin ayaa ka yimaada beerka oo ay soo marto xamaytidu.
HAWSHA XAMAYTIDA IYO BEERKA
Beerku hawl lagama maarmaan ah ayuu u qabtaa jirka waxana ka mid ah :-
1. Wuxu kaydiyaa guluukowska wuxuna u beddelaa galaykoo jiin.
2. Kaarbohaydaraytyada aan jirku markaa baahi u qabin ayuu u beddelaa galaykoojiin si uu u kaydiyo.
3. Amiino asiıdhyadana wuxu u beddelaa yuuriya oo ah qa- shin-raaca kaadida.
4. Beerka waxa ka soo dhiiqa xamayti taageerta shiididda cuntada.
Xamaytidu ma laha insaymyo, waxase ku badan cusboo- yin alkali ah oo dufanka u beddela wax sida saabuunta u eg.
Dheecaannada Mindhicir yarka
Dheecaannada mindhicir yarku waxay ka kooban yihiin biyo, cusbooyin iyo insamyo ay ka mid yihiin:
1. Interookinays: oo ah insaym kaga shaqaysiisa insaymka kale ee firibsinka oo ka yimaada ganaca( baankiriiska.)
2. Tiribsin oo ah insaymta beddesha bebtownyada (oo ah wi- xii borotiinku u beddelmay kaddib markii lagu soo shiiday caloosha), waxayna u beddeshaa sonkor fudud. Tusaale, gulukows.
4. Infeertays oo ah insaym beddesha sonkor khaanta una beddesha sonkor fudud.
5. Laaktays oo beddesha laaktowska una fudud beddesha sonkor.
Cuntada iyo insaymyada waxa isku laba dubaaxinta iyo dhaqdhaqaaqyada muruqyada mindhicirka. Inta cuntadu ma rayso mindhicirka yar waxa kale oo ku soo darsama dheecaan- nada ka yimaada baankiriiska oo ka kooban, biyo cusbooyin alkali ah iyo seddex insaym oo kala ah:
1. Insaymka tribsinka oo aynnu kor ku soo sheegnay hawsheeda waxay la falgashaa insaymkaasi unugyada gidaarrada qanjidhka baankiriiska iyo marinada ay soo marto haddii aanay ku darsamin inteerookinaysa.
2. Amilays oo u beddesha istaarjka sonkor fudud.
3. Libays oo u beddesha dufanka asiidh dufaneed iyo gilisaa- rin.
Mindhicirka weyn
Mindhicirka weyni wuxu ka bilaabmaa meesha uu ku dhammaado mindhicirka yari, waxuna ku dhammaadaa marinka saxarada.Meesha ay labada mindhicir iskaga darsamaan waxa ku yaala cad dhuuban oo u qaab eg tar oo la yiraahdo qabsin qof- ka uu bukoodana laga gooyo. Mindhicirka weyni dhererkiisu waa 15 naa 12.5 SM. Balaarkiisuna waa 0.50 SM. Wuxu u egyahay erayga S wuxuna u qaybsamaa 3. Qaybood :-
1. Qaybta ka timaada mindhicir yarka oo kor u baxda kuna taala midigta.
2 Qayb gudban oo ka hooseysa caloosha.
3. Qayb hoos u soo degta, oo ku taala dhinaca bidixda, waxay- na xaggeeda hoose noqotaa moqor muruqlay ah oo loo yaqaan malawed (walamed) ama saxaro hays. Malawadka xaggiiss hoose waxa ku taala marinka saxarada.
Dhiska Gidaarka Mindhicirka Weyn
Waxuu la mid yahay dhiska gıdaarka mindhicirka yar ee aynnu soo dhigeney
Waxaase aanu lahayn gaska ama fillaayga caan ku ah mindhicirka yar.
Hawsha Mimdhicirka weyn
1. Wuxu ka soo nuugaa qashinka soo gala biyaha iyo cuntada wixii uu jirku uga baahan yahay.
2. Waa marin qashin saar, waxana laga qashin saaraa saxaraddq. Marka hadhaaga cuntadu soo gasho mindhicirka weyn. waxay ka kooban tahay biyo cusbooyin, cunto shiidmi kari weyday iyo baakteeriya. Baakteeriyada iyo geermiyada ku dhasha cuntada markay ku jirto. Mindhicirka yar, waxey ka dhimataa marka cuntadu ay engegto ee biyaha dib looga nuu- go. Marka biyaha iyo cuntada inta jirku u baahan yahay la nuugo, waxa soo hadha ayaa la yirahdaa saxaro, wuxuna ku biiraa saxaro haysta oo marba laga qashin saaro marka qofku saxaroodo.Marinka dheecaanka xamaytida iyo laba iyo toban laha....
Adigoo mahadsan la wadaag (share) asxaabtaada si ay uga faa'idaystaan.
W/D:Indha_caad
Comments
Post a Comment