Casharka 8aad

 HABDHISKA DHEEFSHIIDKA (Digestive System).


Casharka 8aad


WEJIGA KIMIKADA AH EE DHEEFSHIIDKA


Cuntadu marka ay u kala gudbayso qaybaha marinka dheer- shiidka, waxa ku dhaca isbeddelo is daba joog ah oo kimika ah, Isbeddelkaas waxa keena insaymyo kala duwan oo midkii wa- liba shiido cunto gaar ah. Insaymyadaas oo hawshooda ku qabta unugyada korkooda ma shaqeeyaan haddii aanay biyo ku darsamin.


Shiididda cuntada ee afka:


Falgalka kimikada ah ee ku dhaca cuntadu wuxu ka bilaabmaa afka. Dhareerka afka waxa ku jira insaymka taya- liin oo la falgasha istaarjka ku jira cuntada, waxayna u beddeshaa maltows. Cuntada istaarjka leh waa in la karsho si gidaarka selulowska ah ee sare u dillaaco aynna u fududaato insaymka in uu geli karo cuntada, shiidina karo. Dhareerka afku wuxu ka kooban yahay, biyo oo ah 95%, cusbooyin macdan ah, axal iyo insaymka tayliir Biyuhu waxay qooyaan cunta- da si ay ugu diyaariso falgalka insaymka. Axalku wuxu duf- naa cuntada si ay dhib yari hunguriga u marto. Hawsha tayliinka kuma dhammaato afka ee marka ay cuntadu ku jirto afkana way socotaa.


Shiididda cuntada ee caloosha


Dheecaanka gaastrigu wuxu ka yimaadaa qanjidho ku yaa- la gidaarrada caloosha. Dheecaankaasi wuxu ka yimaadaa qanjidhada marka cunto soo gasho caloosha, waxa kale oo keenikara carin kımika ah oo ay keento hoormoonka gaastrin oo ka timaada caloosha gidaarradeeda. Dheecaanka gaastrigu wuxu ka kooban yahay..


1. Biyo. 2 Asiidh haydrokoloorik ah (HCI). 3. Bebsin oo an insaym la falgasha borotiinnada una beddesha bebtownsyo.


4. Renin oo  ah insaym u beddesha keesinoojiinka kaysiin iyada oo u diyaarinaysa falgalka bebsinka.


Dhareerkaasi wuxu cuntada ka dhiggaa asiidheed markaas ayaa hawsha tayliinku joogsataa, aynna bilaatantaa hawsha begsinka iyo reninku. Cuntadu marka ay soo gaarto caloosha qaybteeda hoose waa asiidheed calooshuna si aad ah ayey u dubaaxisaa si ay isugu khalado cuntada iyo insaymyada. Cun- tada ay ku badan tahay kaarbohaydaraytyadu waxay caloosha ku jirtaa muddo dhan seddex ilaa seddex iyo badh saacadood. Asiidha haydarokalooriga ah dhowr wax ayaa ku jira, waxay na u kala baxdaa biyo iyo asiidh. Asiidhaasi waxay keentaa falgalka asiidh ah ee ay u baahan yihiin insaymyada gaastri- gu la'aanteedna aanay hawl geli karin. Waxay dishaa jeermiyada ku jira cuntada. Waxay xukuntaa oo kale qaybta hoose ee caloosha, iyo furidda iyo xiridda ilinka mindhicirka yar.


DHEEFSASHO


Dheefsasho waa hab dheer oo ka kooban isbeddellada isda- bajoogga ah ee cuntada ku dhaca si wixii tayo leh jirku ugala soo bixi karo, wixii qashin ah loo qashin saaro. Habka dheefsashadu waxa uu leeyahay laba weji oo kala ah :-


1. Dheef dhis: oo ah cuntada oo ka qayb qaadata dhismaha jirka, Amiino asiidhka ka dhasha borotiinnada, iyo asiidh dufaneedka ka yimaada dufanka ayaa ka qayb qaata dhiska muruqyada iyo baruurta jirka (sida ay u kala horee- yaan).


2. Dheef dumin: oo ah cuntada oo kala burburta si tamari uga soo baxdo guluukowsta iyo dufanka aynna waxay u kala jabaan kaarboon laba ogsaydhle biyo iyo tamar uu jirku ku how galo.Habka dheefsashadu unug waliba oo nool wuu ka socdas goor kasta; hase yeeshee dhakhsaha habkaasi wuxu ku xiran yahay hawsha oo kordhisa iyo nasashada oo dhinta.


Dheefsiga kaarboohaydaraytka;


Kaarboohaydaraytka (oo ah istaaraj iyo sonkor) waxa la falgalaa insaymayada afka, baankiriiska iyo dheecaanada mindhicirka oo u beeddela sonkor fudud sida gulukows (CHO).Sonkortaas fudud ayaa waxay nuugtaa fillaayada mindhicir yar. ka, halkaas oo ay raacaan kabilaariyada oo ku shuba arooraha weyn ee aroora albaabeedka oo geeya beerka oo ah meesha lagu kaydiyo sonkorta dheeraadka ah Gulukowsku waa shiidmaha ugu weyn ee jirku ka helo tamar iyo kul uu ku galo jirka. Gu- lukowska jirku si degdeg ah ayuu ugu baahan yahay waxay soo martaa beerka, waxana ka qaada arooraha beerka wuxuuna ku daraa aroore godeedka hoose wixiise dheeraad ah beer- ka ayaa u beddela galaykojiin (oo aan milmin), kaydiyana tan iyo inta loo baahanaayo. Galaykojintu waxay u dhigantaa is- taarjka dhirta, labada midkoodna ma milmo, waxayna ka sa- meysmaan sonkor laga saaray biyaha.


Marka jirku sonkor u baahdo galaykojiinta ku jirta beerka ayaa waxa dib loogu beddelaa gulukows, waxayna ku milan- taa dhiigga si jirku u isticmaalo. Beddelaadda gulukowska loo rogayo galaykojiinta, iyo galaykojiinta dib loogu rogayo gulaykoojinta, iyo galaykojinta dib loogu rogayo guluukowsta wa- xa labada keena insaym ka yimaada unugyada beerka Guluu- kowska waxa looga baahan yahay gaar ahaan hawsha nudaha jirka, muruqyada iyo qanjidhka. Muruqyadu sida beerka oo kale ayey kaydiyaan galaykojiinta, nudaha jirkuna way dha- qaalaystaan Hase yeeshee gulukowstu marka ay gubato tamar badan oo ka badan inta looga baahan yahay hawsha muruqyada ayaa soo baxda. Tamartaas dheeraadka ah waxa dib loogu isticmalaa dhismaha galaykojiinkta oo laga dhisayo shiidmaha gulunkowsta Sida runta ah shiidmahaas halsha-need ayaa gubta oo u kala baxa biyo, CO, iyo tamar, afar shaneedka hadhay waxa dib loogu isticmaalaa oo loogu beddelaa galaykojiin ay muruqyadu dib u isticınaalaan.


W/D:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad