Casharka 9aad

 HABDHISKA DHEEFSHIIDKA (Digestive System).


Casharka 9aad


Gubidda kaarboohaydaraytyada waxa ka dhasha CO₂ iyo biyo oo ah qashin raaca kaadida, lagana qashin saaro sambabada, maqaarka iyo keliyaha sida aynnu ku sheegidoono hab- dhiska muruqyada gulukowstu ma wada gubato haddii og- sijiintu aanay ku fillayn, waxa ka dhasha asiidh keenta daalka muruqyada.


Dheefsashada kaarboohaydaraydka waxa xukuma insulin oo ah insaym ka yimaada baankiriiska. Nudaha jırka iyo ku- wa beerku toona ma dheefsan karaan guluukowsta insaymkaas la'aanteed, yaraanteeduna waxay keentaa dhiigga oo sonkortu ku badato ka dibna qofku qaado kaadi macaan. Kaadi ma- caanta waxa la qaadaa marka baankiriisku bukoodo, insulinta ka timaadana yaraato, dabadcedna ay sonkortu ku badato dhiigga Sonkortaas ayaa waxa haba kelyaha dabadeedna wa xay raacaan kaadida. Haddii insulintu ku badato dhiigga waxa la kaydiyaa guluukows fara badan, sidaa daraadeed guluukows ayaa ku yaraata dhiigga, taas oo keeni karta dhimasho.


Dheefsashada borotiinka


Borotiinka waxa la falgala insaymyada gaastriga, kuwa baankiriiska iyo dheecaannada mindhicirka oo u beddela amii- no asiidhyaal, ay nuugaan fillaayada mindhicir yarka waxana qaada aroore albaabeedka oo geeya beerka.


Borotiinku waa waxyaala ay ka dhismaan nudaha jirku uguna kabo kuwa burbura, waayo waa cuntada keli ah ee ku jirto naytrojiinta oo lagama maarmaan u ah dhismaha unug- ga nool. Sidaas darteed ayaa amiino asiidhyada uu jirku u baahan yahay raacaan dhiigga si ay jirka oo dhan u wada gaa raan, waxayna sii maraan beerka. Borotiinka dheeraadka ah iyo ka aan ku habboonayn dhiska nudaha ayaa waxa beerku u kala jebiyaa laba qaybood :-


1. Shidme ah guluukows. 2. Yuuriya (oo ah qashin naytro jiin leh). Guluukowsta way gubataa ama waa la kaydiyaa, yuuriyaduse way milantaa waxana gaarta dhiigga taga kelya- yaha, dabadeedna waxay raacdaa kaadida. Haddii uu qof ma caluulo ama shidmayaasha kale ee jirku ay madhaan, waxa borotiinka loo isticmaalaa shidme, halkii looga isticmaali lahaa dhismaha nudaha.


Taasi waxay keentaa qofka oo waydooba, culays badanna lumiya. Dheefsiga borotiinka waxa ka dhasha yuuriya, asii- dh yuuriyeed iyo keritiniin. Asiidh yuuriyeedu aad uma mi- lanto waxayna ka dhalataa burburinta alaabo bu'eedyo ku ji- ra cuntada. Keeratiniintu waxay ka dhalataa burburinta bo- rotiinka jirka qofka. Qashin kaas oo dhan waxa laga qashin saaraa kelyaha.


Dheefsashada Dufanka


Dufanka aan cunno waxa qurba alkalayno, waxana burburiya insaymka libays oo ka timaada baankiriiska, waxayna u kala jeebisaa asiidh dufaneed iyo gilisaarin. Asiidh dufaneedku waxay ku darsantaa alkaaliya ku jira mindhicirka, waxayna sameeyaan saabuun Saabuuntaas iyo gilisariintaba waxa nuuga fillaayada, waxayna u beddelmaan dhibco dufan ah. Dhibcahaas dufanka ahi, waxay raacaan marinada limfka, halkaas oo ay dhiigga kaga darsamaan xididka weyn ee saablayda. Dufanku waa shiidmaha ugu weyn ee jirku ka helo tamar iyo kulba. Dufanku uu u wada gubto waxa baahan yahay sonkor ku filan, haddiise ay ka yaraato, 100 waxa ka dhalata asitown daalisa muruqyada, haddii ay badatana keenta cudurka la yiraahdo asidhowsis. Cudurkaasi qofka miyir dooriyaa, dabadeedna wuu u dhintaa.


Dufanka inta aanu jirku u isticmaalin shiidme, wuxu sii maraa beerka, halkaas oo uu ku dhaco falgal kimika ahi oo la- gu sii diyaariyo. Dufanka waxa kale oo looga baahan yahay dhiska nudaha dareen wadka iyo dhuuxa lafaha. Inta dhee- raadka ah ce jirku aanu u baahnayn, waxay noqotaa baruur. Baruurta oo qofka ku badataa ma aha micnaheeda inuu cunay dufan badan, waxase dhacda in guluukowska dheeraadka ah loo beddelo baruur, borotiinka dheeraadka ahna loo beddelo gu- luukows. Taas waxay ina tusinaysaa in dheefsashada saddex- da nooc ee cuntadu ay isku xiran yihiin. Dheefsiga dufanka waxa ka dhasha C₂O iyo H₂O oo laga qashin saaro sambabada,

Maqaarka iyo keylaha.


Waxaa innoo bilaabanaya qeybta xanunnada haddii Alle idmo.


W/D:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad