Calool fadhiga(constipation).

 HABDHISKA DHEEFSHIIDKA (Digestive System).


Casharka 14aad


Calool fadhiga(constipation).


Qofka caafimaadka qaba waxa laga rabaa in uu suuliga ama musqusha u aado saxaro ugu yaraan 3 jeer isbuucii ama todobaadkii walibana uu saxaroodo saxaro jilicsan oo si fudud kusoo bixi karta, haddaba, haddii qofka uu suuliga ama musqusha u aado saxaro wax kayar 3 jeer todobaadkii ama uu saxaroonaayo saxaro adag walibana uu sidaas ahaado mudo 3 bil oo xariir ah, markaas ayaa la dhihi kara qofka wuxu qaba calool fadhi (constipation).


Maxa sababo calool fadhiga ama xasaro adeega.


Waxyaabaha keena way badan yihiin laakiinse inta badan waxaa sababa cuntada la cuno noocooda. Tusaale ahaan burka iyo waxyaabaha laga sameeyo sida baastada, Pizza, Rootiga cad, hilibka, caanaha. Waxaan ognahay in Bulshada soomaaliyeed cuntadooda ay ku badana tahay cuntada noocaas ah oo sababa saxara adayg isla markaana noqda xanuunno kale. Firfircooni la’aanta jirka oo ayadana sabab u noqon karta Saxaro-adayg (Constipation)


Waxyaabaha kale ee keena saxara adayg waxaa ka mid ah qaliinka dhalista carruurta oo aan si fiican loo qalin isla markaana u bogsoon meesha laga qalay oo kaddib in muddo ah.

Waaxa jira dhowr sababood oo dhammaan keeni kara calool fadhiga ama saxaro adeega, balse ii ogolaaw in aan kula wadaago 6-da shay ee ugu badan ee bulshadeenna ku keento calool fadhiga:


1- sababta ugu horreyso ee keento calool fadhiga waa qaab nololeedka qofka oo aan saxneyn gaar ahaan nooca cuntada uu qofka isticmaalo, tusaale ahaan, haddii qofka uu si joogto ah u istimaalo bariis iyo baasto qalalan waxay keeni karta calool fadhi ama saxaro adeeg, haddii qofka uu isticmaalo cuntooyinka qolofta leh sida digirta, masagada, sareenta ama qamadiga iyo wixii la mid ka ah waxay ka hortagaan calool fadhiga ama calool istaaga.Haddaba, qodobka koobaad waa arrin uu sababteeda leeyahay bukaanka.


2- qofka oo aanan cabin biyo ku filan maalintii ayadana waxay keeni karta calool fadhi, waxa la raba in uu qofka weyni maalintii cabo qiyaasti 3 litir oo biyo ah.


3- Haddii qofka shaqadiisa ay u badantahay fadhi sida shaqada xafiisyada ama uu guriga iska joogo; micnaha qof dhaqdhaqaqiisa uu yaryahay haddii aad tahay waxay keeni karta calool fadhi.Sidaas daraadeed samey jimicsi joogto ah.


4- Sida caadiga ah, qofka haddii ay saxaro qabato waxa la rabaa in uu si dhaqsi ah suuliga ku aado, haddii ay sidaas dhici weyso waxay keeni karta in saxaradii waqti dheer si ku meel gaar ah loogu keydiyo xiidmaha ama mindhiciraha waaweyn qeybta dambe arrintaasina waxa ka dhalan kara in saxaradii laga nuugo biyaha sidaas na ay saxaradii ku adkaato kaddibka ay arrintu isku beddesho calool fadhi, sidaas awgeed suuliga si dhaqsi ah u aad mar walba oo aad u baahato.


5- Waxa jiro daawooyin qaar sababo calool fadhiga, haddaba haddii aad calool fadhi isku aragto adigoo daawo u qaadanaayo xanuuno kale waxa macquul ah in daawada ay kugu sababtay calool fadhiga ee fadlan, la xariir dhaqtarka una sheeg calool fadhigaaga asaga aya kuu xaqiijin kara in daawada aad qaadanayso ay sababtay calool fadhiga ama ay xaalad kale jirto.


6- Isku buuqa( stress) waxaa cilmi baaris lagu ogaaday in uu sababi karo calool fadhiga, sidaas awgeed mar walba iska yareey istareeska ama dhaqtar la xariir haddii aad xakameyn weyso.


Daawooyinka keenna calool fadhiga.


1:Xanuun baabi'iyaasha xoogga badan:narcotics ay ku jiraan codeine, oxycodone (Oxycontin®) and hydromorphone (Dilaudid®).


2:Daawooyinka nonsteroid anti-inflammatory (NSAIDs), sida ibuprofen (Advil®, Motrin®) iyo naproxen (Aleve®).


3 lidigi dawooyinka isku buuqa( antidepressants)sida fluoxetine [Prozac®]) ama tricyclic antidepressants (sida amitriptyline [Elavil®]).


4:Antacids ka kooban kaalshiyam ama aluminium, sida Tums®.


5:Dawooyinka xasaasiyada:sida antihistamines (sida diphenhydramine [Benadryl®]).


6:Daawooyinka cadaadiska dhiigga qaarkood, oo ay ku jiraan calcium channel blockers (sida verapamil [Calan SR®], diltiazem [Cardizem®] iyo nifedipine [Procardia®]) iyo beta-blockers (sida atenolol [Tenormin®]).


7: Daawooyinka dhimirka(Psychiatric medications)sida clozapine (Clozaril®) iyo olanzapine (Zyprexa®).


8:Daawooyinka qalalka(  Antiseizure medications), sida phenytoin iyo gabapentin.


Xanuunada Keenna calool fadhiga.


Xanuunada la xiidhiidha hormoonnada(endocrine), sida qanjidhada tayroodh oo aan si wanaagsan u shaqeyn (hypothyroidism), sonkorowga, uremia iyo kaalsiyamta oo korodha(hypercalcemia)


2:Kaankarada ku dhacda xiidhmaha waa wayn ama malwadka(colorectal cancer).


3:Xanuunada ugu caansan saameyn ku yeesha caloosha ama mindhicirada ama habdhiska dheef shiidka sida Irritable bowel syndrome.


4:Diverticula:waa kiishyo yaryar oo kuusan oo ka samaysma xuubka habdhiska dheefshiidka. 


5: Xanuunada ku dhaca habdhiska dareensidaha( neurological disorders)  sida in xangulaha dhaawac soo gaaro. multiple sclerosis: waa xaalad saameysa maskaxda iyo xangulaha waxa keenna caalamado badan sida araga oo xumaada, cududa ama dhaqdhaqaaqa lugaha iyo dareenka aan isku dheellitirnaan.


6: uurka.


7: Inuu dhaawacyo soo gaadho habadhiska dheef shiidka iyana waxay keeneyaaa in caloosha istaagto.


Dhibaatooyinka ka dhasha calool fadhiga ama saxaro adeega


Calool fadhiga waxaa ka dhalan kara dhowr dhibaato waxaana ka mid ah:


1- Qofka marka uu saxarooyo oo xoog u isticlaamo in uu saxarada iska soo saaro ama uu si xoog ah u majiirto arrintaas waxa ka dhalan kara in cadaadis la saaro xididada ku hareereysan marrinka saxarada taas oo keeni karto cudurka baabasiirka.


2-Dhibaatada labaad ee ka dhalan karta waxay noqoneysa in uu dilaaco maqaarka kore ee ku hareereysan wareeega marrinka saxarada(anal fissure) dilaacaas waxa keenaya saxaradii oo adag misana si xoog ah ku soo martay wareega saxara-mareenka.


3- Dhibaadata seddexaad waxay noqonaysa waxa luuqada caafimaadka lagu yiraahdo (fecal impaction) oo ah in qeyb saxaro ah in ay ku aruurto meel ka mid ah xiidmaha ama mirdhiciraha waayeen kadibna ay ka dhalato in uu xirmo marinka saxarada amaba xiidmaha, arrintaasna waxay keeni karta halis caafimaad oo aad u daran.


4- Dhibaatada afaraad waxay noqonaysa waxa loo yaqaano (rectal prolapse) oo ah in qeybta dambe ee xiidmada waaweyn ama malawadka uu banaanka usoo baxo awooddo loo adeegsaday in saxarada lasoo bixiyo awgeed, arrintaas sidoo kale waxa ka dhalan kara dhibaato caafimaad oo aan la mahdin.


Calaamadaha. 


Astaamaha saxara adayg ayaa kamid ah, in qofka oo aan riixi karin saxarada uuna dareemo  xanuun aad u badan. Waxaa dhici karta in qofka uu dareemo in ay saxaradu ka soo dhammaanin wali oo la socota xanuun, dibbir ama lalabbo.


Saxaro-adayg (Constipation) marka uu noqdo mid joogta ah, astaamaha soo baxa ee ugu horeeya wexey noqon karaan: Neefsashada Afka oo qurma, cunto cunida oo yaraata, caloosha oo aad dareento in ay ku fuursan tahay, baabasiir.Dadka way ku kala duwan yihiin astaamaha hore iyo kuwa dambe ee lagu garto Saxaro-adayg (Constipation). Dumarka qaarkood xiliga uurka way dhacdaa in uu ku dhoco Saxaro-adayg (Constipation). Carruurta iyo dadka waayeelka ah ayagana sido kale.


Sidee looga hortaga calool fadhiga ama calool istaaga?


Inta aan bukaanka la siinin wax daawo ah waxa wanaagsan in bukaanka uu wax ka beddelo qaab nololeedkiisa gaar ahaan habka iyo nooca cuntada uu qaadanaayo, waxan halkan kugula wadaagayaa 6 talo oo muhiim u ah ka hortaga iyo xata daaweenta calool fadhiga:


1- Bukaanka waa in uu isticmaala cuntooyinka qolofta leh sida digirta, masagada, misirta, qamadiga ama sareenta iyo kuwa la mid ka ah, maxa yeelay cuntooyinkaas waxa ku jira maadada loo yaqaano fiber-ta taas oo jilciso saxarada, waxaana xusid mudan in taladaan ay tahay mid aad ugu muhiimsan bukaan walbaa oo leh calool fadhi.


2- Bukaanka waa in uu cabaa biyo ku filan mar walba, sababtoo ah biyuhu waxay jilcinaayan saxarada si guud na waxay caawinaayaan hab-dhiska dheefsheedka.


3- Bukaanka waa in uu isticmaala qudaarta cagaaran waayo, qudaarta cagaaran waxa ku jiro maadooyin ayagana jilciyo caloosha ama saxarada, dhanka kale na qudaarta cagaaran waxay jirka u leedahay faa’iidooyin kale.


4- Bukaanka waa in uu si dhaqsi ah suuliga ama musqusha u aadaa mar walba oo uu u baahdo, arrintaas waxay caawineysa in laga hortago in saxarada si ku meel gaar ah loogu keydiyo xiidmaha taas oo haddii ay dhacdo keeni karto calool fadhi.


5- Bukaanka waa in uu si joogto ah u sameeyaa jimicsi, arrintaas waxay hab-dhiska dheefshiidka ka caawineysa in calooshu socoto, caloosha oo socotana waxa la micno ah saxardii oo jilicday.


6- Sida aan horay-ba u sheegnay, istareeska waxa lala xariiriya calool fadhiga, sidaas daraadeed iska yareey istareeska ama booqo dhaqtar.


Haddii bukaanka uu dhaqan galiyo talooyinkaas walina aysan saxaradu jilcin waxay u badantahay in bukaanka daawo la siiyo, daawada waxay ku xirantahay da’da iyo xaaladaha kale ee bukaanka.

Baadhitaanno.


Baadhitaanno kala duwan ayaa la adeegsadaa si loo ogaado sababta halka mararka qaarna xogta caafimaad ee bukaanku iyadu inna siin karto tilmaan dhammaystiran. Raajada, CT-SCAN iyo camerada midhicirada lagu arko ( COLONOSCOPY ) ayaa iyagana la adeegsan karaa si loo ogaado halka ay sartu ka qudhuntay.


Daaweynta. 


1:Laxatives waxay innaga caawinayaan in saxara dhaqaaqdo kana soo baxdo  xiidmaha.


Fiber supplements. waxay innaga caawinayaan in ay ka dhigaan saxarada mid jilcan, si fududna ay ku soo baxdo. Waxa ka mid ah.Metamucil, polycarbophil,methylcellulose.


2:Osmotics.  waxay innaga caawinayaan in saxarada ka soo baxdo xiidmaha, iyadoo la siyaadinayo dheecanka uu soo deynayo xiidmaha(fluids). Waxa ka mid ah:magnesium hydroxide,magnesium citrate, lactulose.


3:Stimulants.  waa kiciyayaal sababaya darbiyada xiidhmaha in ay adkaadaan, saxarada ay si xooggan u dhaqdhaqaaqdo. Waxa ka mid ah dawooyinka:Dulcolax.Senokot


4:Lubricants.  waa subkin saliid ah taasoo awood u leh in ay saxarada dhaqaajiso, xiiddmaha si fudud ku soo dhaafto.


5:Enemas: Waa. Dheecaan xab ah lagu buufinayo maroorka waxay fududeyneysaa in saxarado soo baxdo. Waxa loo istcimaalaa marka ay shaqeyn waayaan inta aynnu soo sheegnay.


https://www.mayoclinic.org/diseases-conditions/ms-causes/syc-20355807#: https://my.clevelandclinic.org/health/diseases/10349-gastritis.https://www.gleneagles.com.sg/conditions-diseases/ caafimaadbile Com.


W/D: Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad