Casharka 13aad

 HABDHISKA DHEEFSHIIDKA (Digestive System).


Casharka 13aad


Gastritis.


Waa ololka ku dhaca dahaarka hoose ee caloosha. Ololkan(inflammation) waa natiija ka dhallata caabuq ay keenaan bacteeriyo taasoo sababeyso nabarka caloosha, ama dawooyinka qaar. Cabitaanka xad dhaafka ee qamriga. Dahaarka waa nude jilicsan waxa uu caloosha ka difaacaa aysiidha, faldajiyayaasha, ilma-aragtada.Caloosha waa xubin qaabilsan kaydinta (Storage) iyo shiidida cuntada (Digestion), waxayna usamaysantahay qaab qandi ah, waxayna leedahay labo af oo kala ah mid cuntada ay kasoo gasho (Cardiac sphincter) oo kudhagan hunguriga (Esophagus) iyo mid ay kabaxdo (Pyloric sphincter) oo kudhagan qaybta hore ee xiidmaha yaryar labo iyo tobanlaha (Duodenum) drarbiyada gudaha caloosha (halka ay cuntada gasho) waxaa looyaqaana (Gastric mucusa) waana jir jilcan oo soo daayo dheecaano badan oo kaladuduwan.


Cudurka ay Soomaalidu utaqaano Gaas, waa xaalad caafimaad darro oo saamaysa caloosha oo kaliya kana dhalata marka uu dhaawac soo gaaro, xoqmo ama bararo (Dhamage, erosion or Inflamation) Jirka darbiyada gudaha caloosha ah (halka ay cuntada gasho). Xoqniinka iyo meesha dhaawacantahay marka ay taabtaan dheecaanada dheefshiidka ah (digestive enzymes) iyo cuntooyinka ayaa waxaa kadhalanaya inuu jirkii dareemo gubasho (Burning sensation). Waana gubashada looyaqaanno xanuunka gaaska.


Waxa loo qeybiyaa labo qeybood.

1: mid dagdag ku yimaada( acute gastritis). Waa olol dagdag ku yimaada kaasoo ku dhaca dahaarka caloosha, waana waqti yar. Badanaa waxaa keena dawooyinka la yiraahdo (nonsteroidal anti-inflammatory drug), qamriga badan,sumooyinka qaar, qaliinka, jugta, gubashada, ama caabuq daran.


2: Mid raaga ( chronic gastritis).  Waa olol waqti dheer haya qofka.  Waxa keena bacteeriyo loo yaqaanno helicobacter Pyloric.


3:Erosive gastritis: waa mid aan caansaneyn, badanaa kuma yimaado xad dhaafka ololka.  Laakiin waxa uu ka dhashaa dhiig bax iyo nabar ku yaala dahaarka caloosha.


4:Non-erosive gastritis: waa olol ku dhaca dahaarka caloosha iyadoo aysan keenin wax nabar ah, dilaac,  iyo dhiig baxba.


Maxaa keenna


Sida caadiga ah, markasta oo aan wax cunno, caloosha waxay soodaaysaa dheecaano acid ah (Digestive enzymes). Dheecaanadaa haddii ay jirka darbiyada caloosha si toos ah ugu dhacaan waxay ku keenayaan dhaawac adag iyo xoqitaankii aan kor kusoo xusnay laakiin waxa jira dheecaan adag (Gastric mucus) oo calooshu soo daayso kaasoo iskudahaara darbiyada caloosha kanahortaga in dheecaannadan acidka ahi kudhacaan caloosha. Marka uu gastric mucus iman waayo ama soodeeyntiisa ayaraato dheecaannada dheefshiid ka ah waxay toos ugu dhacayaan darbiyada gudaha caloosha. taas ayaana ah sababta xoqitaanka ama dhaawaca darbiyada gudaha ee caloosha ay udhacaan.


 Waxa sababa   waxa ka mid ah bacteeriyada looyaqaan (Helicobacter pylori) cabitaanka khamriga,qaadashada dawooyinka loo yaqaanno (NSAIDs )ka  oo ah magaca loo soo koobo dawooyinka loo cuno xumada ama kaarka waxaana ka mid ah (Asprin) iyo (Ibuprofen) gaastariga ay sababaana waxa loo yaqaan Gastritis B .Nooca ka mid ka ah ee loo yaqaana Gastritis A oo ah nooca uu dhaawaca wayni gaadho dahaadhka caloosha ee hoose waxa sababta oo lala xidhiidhiyaa khalkhal ku dhaca difaaca jidhka iyo vitamin B12 oo hoos u dhaca (pernicious anemia).


Da'a weyninka. Qofka da'da ah waxa siyaada qatarka ololka dahaarka caloosha, maxaa yeelay dahaarka caloosha waxa uu noqonayaa mid jilcan.Waxa uu qatar ugu jiraa caabuqa bacteeriyada( H.PYLORI) ama xanuunnada is weerarka jirka.


Isku buuqa. Isku buuqa daran ay ugu wacan tahay in qafka uu galay qaliin wayn, ama dhaawac soo gaadhay, jirkiisa meel ka mid ah gubtay ama caabuq daran qofka ku dhacay waxa ay sababayaan  ololka dagdaga dahaarka caloosha( acute gastritis).


Dhibtaada ka dhallata.


Haddii aan la daweyn, waxa uu keenayaa nabarka caloosha, iyo dhiig baxa caloosh. Ololka dahaarka oo ragga waxa uu keenaya kansarka caloosha.


Calaamadaha. 


1:Gubasho aad kadareento dhanka kore ee caloosha gaar ahaan xilliga cuntada.

2:Calool xanuun.

 3: Matag ama/iyo lallabbo.

 4:Oomateedka/cunto qaadashadaada oo yaraata iyo caatannimo.

5:Caloosha oo aariyo kabuuxsanto/ calool weynaad (stomac bloating).

6:Hingo yo daaco/daacsasho (aariyo caloosha katimaada oo afka kasoo baxda).

7:Calool istaag iyo saxarada oo madoow isku beddesha.

8:Qofku dhiig hunqaaca (hematemesis).

9: Saxarada oo dhiig lagu arko(melena).


Baadhitaan.


1: Upper endoscopy (EGD.  waa hubbin loo istimcaalayo in lagu ogaado  guddaha caloosha. Iyo raajo( X-ray).


2:Blood tests.  waa hubbin dhiigga ah, iyadoo laga ogaanayo nooca bacteeriyada, badanaa ma aha mid caan u ah isticmaalka.

3:Stool sample. Waa hubbin  lagu hubbinayo bacteeriyada keentay ololka caloosha.

4:Hubbinta bacteeriyada H. Pyloric(test).


Daaweynta.


Waxa loo daweeyaa sida loo daweeyo boog calooleedka marka la ogaado inay keentay Helicobater waxa lasiiyaa bukaanka dawooyinka loo yaqaan (PPI) kuwaas oo hoos loogu dhigo xaddiga aysiidha calooshu soo saarto waxaana ugu caansan (Omeprazole )waxaana loo raaciyaa dawooyinka caabuqa lagu daweeyo sida (Clarithromaycin iyo Amoxicillin).Pernicious anemia dana waxa lagu daweeyaa oo la siiyaa bukaanka Vitamin B12.


1. Cuntada hakadhargin

2. Cashey ugu yaraan afar saac ka hor xilliga aad seexanaysid

3. Biyo badan cab

4. Stress-ka iyo walwalka iska yarey.

5.Sigaarka iska jooji

6.Qaado Vitamin C, Vitamin B12, omega-3 fatty acids


Iska ilaali


1:Cabitaannada kasmaysan liinta, canbaha, orangada, IWM.

2: Yaanyada iyo waxyaabaha ay kasamaysan tahay

3:Caanaha, subagga IWM

4:Coffee

5:Cuntooyinka dhannaan sida suugada.


CUNTOOYINKA LAQAADANAYO


Si joogto ah uqaado cuntooyinka ay kamidka yihiin:


(1) Cuntooyinka ay kujiraan Vit-C iyo Vit-A sida khudaarta ay kamid tahay Basasha, toonta, sanjabiilka, babaayga iyo khudaarta cagaaran oo dhan marka lagareebo kuwa dhanaan sida liinta iyo canbaha.


(2) Caanaha ciirta (Yogurt) 


(3) Cuntooyinka ay kubadantahay Fiberka sida galayda, qamadiga iyo waxsoosaarka beeraha noocyadooda kaladuwan 


(4) Shaaha cagaaran aan cadays ahayn.


Tixraaca 


https://www.mayoclinic.org/diseases-conditions/gastritis/symptoms-causes/syc-20355807#:~:text=Gastritis%20is%20a%20general%20term,use%20of%20certain%20pain%20relievers. Omar Osman hassan  https://my.clevelandclinic.org/health/diseases/10349-gastritis.https://www.gleneagles.com.sg/conditions-diseases/gastritis/symptoms-causes. DRmawliid ku-dar. 


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad