Casharka 15aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system).
Casharka 15aad
Boog calooleed(Peptic ulcers).
Boogta caloosha waa nabar ka soo baxa dahaarka caloosha iyo qeybta sare ee xiidmaha yaryar.Sida magaca kamuuqata boogahan waxa keena dheecaan dheefshiid ah oo aad uxoog badan aynna soo daayso caloosha waxa loo yaqaanno pepsin. Boogahan waxay gaaska oga duwanyihiin iyagu waxay kasoo baxaan calloosha iyo mindhicirada waana boogo furan (open wound)oo leh xanuun aad ah iyo gubasho caloosha ah.
Waxa loo kala saraa labo qeybood.
1:Gastric ulcers : waxay ku dhacdaa guddaha caloosha. Bacteeriyada H.PYLORI waxay soo deyneysaa dheecaan ( urease) waxaa loo beddelayaa urea(NH3) alkiliin ah. Bacteeriyada waxay soo aadeysaa ama ku dhageysaa unugyada ibisiiliyamta waxay soo deeneysaa sun( cytotoxins) waxay dhibaateyneysaa xuubka gudbanaha( mucosal barrier) iyo waxa uu dhacawayaa unugyada hoose.
2:Duodenal ulcers: waxay ku dhacdaa guddaha qeybta sare ee xiidmaha yaryar.
Bacteeriyada waxay xidheysaa dheecanka( somatostatin) la soo deyn lahaa, waxa siyaadaya dheecaanka gaastiriga, waxa badanaya haydrokoloric ayshiidha, haddii badato waxa la keenayaa xiidmaha yaryar. Dhaawacana sidaas ayay ku keeneysaa.
Caloosha waxay leedahay xuubab jilicsan ama lakabyo is dulsaaran kuwaas oo ku dahaaran caloosha qeybta hoose ee calooosha xuubka ku dahaaran waxaa loo yaqaana (mucous membrane) waa xuub jilicsan oo ku wareegsan caloosha waxaa jira asigane xuub kale oo lagu magacaabo submucous membrane wuxuu ka sameeysan yahay xuubkaan cad isku xiraha, (connective tissue) dhiig iyo xidido qaada dheecaanno (lymph vessels) iyo sidoo kale dareen wadeyaal, submucous waxaa ku sii wareegsan xuub kale oo ka sameeysan murqo xuubkaas wuxuu ka kooban ilaa iyo seddex xuub, hase yeeshee xuubka ku dahaaran qeybta sare ee caloosha waxaa loo yaqaana serosa.Sidoo kale xuubabka caloosha waxaa laga sameeya oo laga soo daayaa dheecaano sida dheecaanka loo yaqaano (gastrin) waxaa loo diyaariyaa isla markaana loo sii deeyaa mar ay cunto soo gasho caloosha dheecaankaan wuxuu ku darsamaa wareegga dhiigga.Gidaarada caloosha ama darbiyada caloosha waxaa ku jira unugyo lagu magacaabo parietal cells ama oxyntic ama delomorphous cells waa unugyo soo daaya maadada ka qeyb qaatata burburinta cunnada ee loo yaqaanno hydrochloric acid waa maado ka sameeysan aysiidh siyaado ah.
Chief cells waa unugyo uu ka sameeysan yahay caloosha waxayna shaqo galiyaan dheecaannada la soo saaro, unugyadaan waxay soo saaraan maado loo yaqaano pepsinogen, maadadaan waxaa loo beddelayaa pepsin waxayna burburiyaan borootiinka.
Goblet cell: waa unugyo laga helo habdhiska neefsashada iyo xubnaha ku yaalo qeybaha hoose ee caloosha waxay soo saaraan xab jilicsan kaas oo caloosha ka ilaaliya in uu dhibaato gaarsiiyo aashitada ay soo deyso caloosha sababtoo ah hydrochloric acid waa maado ay aad u saareyso aashiteeda haddii ay caloosha wax badan soo deyso waxay dhibaato u geysaneysaa caloosha.
Caloosha waxaa ku yaalo qanjiro soo daayo dheecaan calooleed waxaa lagu magacaabaa gastric glands, waa qanjiro tubbo oo kale u sameeysan oo ku yaala xuubka caloosha kuwaas oo shaqadooda tahay siideynta dheecaan calooleedka shaqo ku leh caloosha, hase yeeshee dheecaannada ay soo daayaan caloosha waxaa loo yaqaanaa gastric juice.
Dhaq dhaqaaqa iyo isku qaska waxyaabaha kiimikada ah ee soo deysa caloosha waxaa si weyn u maamula habdhiska dareen wadka gaar ahaan qeybta lagu magacaabo habdhiska dareen wadka isu filan( autonomic nervous system).Inta aan soo sheegnay waa unugyada ku yaala gidaarada caloosha.
Shaqada ay qabato caloosha:
• Caloosha waxay keydisaa cunnada qofka da'da ah calooshiisa,waxay keydin kartaa laba liitar oo dareere ah. Caloosha waxay isku qastaa asiidhka iyo dheecaannada si cunnada
loo burburiyo.
Nabarka waxa uu sameysmaa marka xuub difaaca ay ku timaado caqladeyn, ama la soo daayo xaddi bada ayshiidh ama pepsiin.
Maxaa keenna
Cabitaanka sigaarka ama khamrigu ma keenaan xanuunkan se waxay sababaan inaanay dhakhso u bogsan weyso kaliya, waxay la xidhiidhaan oo sabab u yihiin gaastariga. Waxa sababa ee keena waxa ka mid ah bacteeriyada looyaqaan (Helicobacter pylori) ,qaadashada dawooyinka loo yaqaana (NSAIDs )ka oo ah magaca loo soo koobo dawooyinka loo cunno xumada ama kaarka waxaana ka mid ah (Asprin) iyo (Ibuprofen) gubasho iyo madaxa oo qofka dhaawac kasoo gaadho iyo xanuuno kale oo ku dhaca isla caloosha amaba xiidmaha sida xanuunka loo yaqaan (Zollinger-Ellison Syndrome) oo ku dhaca caloosha .
Sababtay dawooyinka loo yaqaan NSAIDs ku u keenaan waa waxay hoos u dhigaan soo saaritaanka walaxda ka ilalaalisa caloosha aysiidha ma gudbaha caloosha(mucous barrier),waxay xidhaan Prostaglandins ka oo ah ta carisa si loo soo saaro (mucous) ka caloosha ilaaliya .
Zollinger-Ellison Syndrome sababta uu ku keeno boogtu waa waxa uu sababayaa inay unugyada G(G cells) ee caloosha soo daayaan gastrin badan, gastrin-taasina ay sababto inay unugyada caloosha ee (Pariatel cells) ka loo yaqaanaa soo daayaan aysiidha (gastric acid – HCL).
Sababaha ugu badan ee keena boogtuna waa
(Helicobacter pylori ) ay la socoto isticmaalka (NSAIDs)ka .
Markii hore H.pylori waxaa loo yaqaan Campylobacter,waxay ka tirsan tahay bahda ama qoyska gram-negative microaerophilic bacterium waxaan intaa badan laga hela caloosha.Waxaa helay laba dacarfaal(dhaqtar) oo uu dhashay dalka Australia la kala yiraahdo Marshall and Robin Warren.
50% caalamku wuxuu la daala dhacayay xanuunkas H.pylori taasoo taran ku sameysa uur kujirta.Dadka uu saameynta uu ku yeesho ama qaba waxay khatar uu yihiin 10 to 20% noloshooda inuu ku dhacdo boog calooleed(peptic ulcers,1 to 2% inuu abuuro kansar calooled (stomach cancer).
H.PYLORI
Waa noole yare ku nool xuubka (mucus) ku dahaaran caloosha waxay sababtaa olol (inflammation )sido kale waxay soo sii daysa
dheecannada H.pylori aysiidha calooshu, waxay dhaawac u gaystaan xuubka jilicsan ee caloosha, dhaawacaas oo ugu dambayn keenaya in xiidmaha iyo calooshu yeeshaan boog aan waqti yar ku bogsoon karin.
Maxaa nugleysiin kara( RISK FACTORS).
1:Smoke. waxa uu siyaadaiyaa qatarka boog calooleedka, gaar ahaan dadka qaba bacteeriyada H. Pyloric.
2:Drink alcohol. Qamriga waxa uu keenayaa in xaddi badan lagu soo daayo caloosha aysiidh.
3:Waxa kaloo jira ay sheegaan, isku buuqa aan la daweyn uu siyaadinayo qatarka boog calooleedka.
Calaamadaha.
Calamaaddaha ugu badan ee boogtu waa halkay iska galaan lafta laabta iyo inta hoosee jilicsan oo xanuunta qofka.Sabab kale oo loo kala saari karo boog caloolleedda iyo boog mindhicireedda ma jirto walaw la sheeggo xaga ruushkana la aaminsan yahay haddii ay ku xanuunto xilliga cunto la cunno inay tahay boog caloolleed haddii ay ku xanuunto inta aad gaajoonayso oo lagaa fuqo marka aad wax cuntana waa boog mindhicireed,marba hadday sidaas tahayna arrinta sii raacaysaa waxay noqoneysaa boog caloolleedda inuu qofku dhuubto madaamoo markuu wax cunaba ay xanuunayso hungaacana ku soo celin karo intuu cunay ,walawse lagu ogaan karo si hubnti ah in la sameeyo endoscopy oo ah tuunbada caloosha la galiyo si si toosa loogu arko waxyeelada gaadhay caloosha ama mindhicirka ,yalaalugu iyo hunqaaco labaduba way leeyihiin,sidoo kale waxa lagu arkaa inuu bukaanka dhiig soo raacdo hunqaacada ama saxarradu midabkeedu madaw noqdo dhiig la socda darteed.
Baadhitaan.
1-Sheybaar iyadoo bacteria laga eegayo dhiigga ama saxarada.
2-Kaamirada caloosha la geliyo si derbiga caloosha loo arko waxyeelo hadii jirto iyo inkale.
Daaweynta.
1:Antibaayootic haddii laga helo qofka bacteeriyada H.PYLORI. waxa la siinayaa dawooyinka Amoxicillin, Clarithromaycin,metronidazole, tinidozole, tetracycline, levofloxacin.
2:Proton pump inhibitors: waxay hoos u dhigaan aysiidha, iyadoo xidhaya shaqada qeybaha unugyada soo daaya aysiidha. Waxa ka mid ah dawooyinka: omeprazole, lansoprazole,rabeprazole, esomeprazole, pantoprazole.
3:Acid blockers (histamine H-2 blockers): Waxay hoos u dhigaan cadadka aysiidha caloosha soo deyso. Waxa ka mid ah dawooyinkan: FOMATADINE, cimetidine,nizatidine.
Tixraaca.
https://www.amboss.com/us/knowledge/Peptic_ulcer_disease.DRmawliid ku-dar
https://www.mayoclinic.org/
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment