Casharka 16aad

 Habdhiska dheefshiidka(digestive system).


Casharka 16aad


Zollinger-Ellison 


Waa xaalad dhif ah in la arko waxay saameyneysaa habdhiska dheefshiidka. Buro loo yaqaanno( gastrinoma) waxay ka imaaneysaa ganaca, ama labo iyo tobanlaha( Duodenum), qeybta kore xiidmaha yaryar. Buradani  waxay soo saareysaa cadad badan oo hormoon(gastrin) ah, taasoo carineysa in la caloosha soo saarto aysiidh( gastric acid).  Xaddiga badan gastiriga, waxay horseedeysaa xaddi badan in caloosha soo saarto oo aysiidh, taasoo sababeysa in  nabar caloosha ku sameysmo iyo laba  iyo tobanlaha. Heerka gastiriinta haddii ay sareyso waxay sababeyaaa fuuq bax.


Maxaa keenna.


Waxa saxda ee keenna lama yaqaanno. Laakiin waxa jira waxyaabo kale oo ka qeyb qaadanaya. Xaaladani waxay ka bilaabataa  buro mid ama ka badan ku sameysmata gacana ama badh ka mid ah xiidmaha yaryar,  xiidmaha yaryar waa qeybta isku xidheysa caloosha iyo xiidmaha. Mararka qaar waxay ka  iman kartaa meelo kale burada sida, qanjidh limfeedka. Unugyada xadkooda dhaafay  ayaa soo deynayaa xaddi badan oo gaastiriin ah, taas ayaa sababeyso in ay caloosha nabar yeelato, iyo in qofka fuuq baxo. Burooyinka ayaa noqon kara kansar, kuwaasoo ku faafi kara meel walba, gaar ahaan qanjir limfeedka iyo beerka. 


Zollinger-Ellison waxa keenni xaalad hidda dhaxaleed loo yaqaanno multiple endocrine neoplasia ( men 1)  dadka qaba xaaladan waxay leeyiin burada qanjirka( parathyroid).

Burooyinka waa qalad ku yimaada unugyada kuwaasoo sameynaya si joogta ah koritaan. Mararka qaarna waxa dhacay in hiddaha isbeddelo xogtii DNA ay faraha ka baxda oo la xakameyn waayo.


Calaamadaha. 


1:Calool xanuun

2: Shubban. 

3:Gubbasho, cuncun, qeybta sare ee caloosha.

4" Aysiidha dib u soo noqota.

5: Laab olol.

6: matag iyo lallabo.

7: Misaanka hoos u dhaca.

8: Cunnada oo xumaata.

9: Dhiig inuu matago ama uu saxaroodo.

10: Daal, iyo daciifnimo waxay ku imaneysaa dhiig yaraanta qofka ku timaada.


Baadhitaan.


1: Hubbinta dhiigga.  Tanni waxay inna tusineysaa heerka( gastirin) ee ku jirta dhiigga. 


2: Hubbinta aysiidha caloosha( stomach acid test ) waxa la eegayaa heerka ay gaadhay aysiidha caloosha. 

3: Waxa kaloo la isticmaalayaa hubbinno kale sida, ultrasound,  CT SCAN, MRI.

4:Waxa kaloo la isticmaalaya hubbinta ( Endoscopy) si markaasi  loo gaaro go'aan sax ah.


Daaweynta.


Waxa la siinayaa dawooyinka aysiidha hoos u dhiga( proton pump inhibitors). Waxa ka mid ah: Esomeprazole, dexlansoprozole,lansoprazole, omeprazole, pantoprazole. 


Qaliin.  Waxa loo baahanayaa qaliin haddii ay burado tahay mid xad dhaaf ah si aanay u waynaan, una faafin. Haddii ay kansar noqoto ay faaftana bukaanka waxa la gu daweynayaa, chemotherapy, Radiotherapy.

Ama in caloosha la saaro( gastrectomy). 


Tixraaca 


Mayo clinic. 

Cleveland clinic.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad