Casharka 17aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system).
Casharka 17aad
Curyaan calooleed(Gastroparesis).
Waa xaalad ay caloosha noqoneysa mid cuuryaansan, waxay saameysaa dareensidaha( vagus nerve)iyo murqaha caloosha. Waxa xumaanaya shaqada muruqa in cunnada ay ka dhaqaaqdo caloosha si ay u gaadho xiidmaha yaryar. Waxa dhaawacmaya dareensisaha caloosha farriimaha garsiiya, taasi waxay keeneysaa in cunnada caloosha ku raagto. Muruqyada caloosha sidii la rabbay uma dheef shiidayaan cunnada, waxay noqonayaan kuwa talax gaba, shaqadooda ay sidaas hoos ugu dhacdo.
Maxaa keenna?
Ma cadda waxa saxda ee keena. Waxa loo aaneeyaa dhaawac soo gaadha dareensidaha caloosha farriinta soo gaarsiiya ama xakameeya murqaha caloosha. Dareensidaha caloosha waxa uu innaga caawinayaa hannaanka caloosha cunnada ku dheefshiido, cunnada kaga soo gudubto caloosha ilaa xiidmaha yaryar. Haddii dhaawac uu gaadho ma jireyso farriin soo gaareysa caloosha si cunnada loo ridqo, xiidmaha yaryar loo gaarsiiyo, murqaha caloosha waxay noqonayaa kuwa shaqadooda gaba. Taasi waxay keeneysaa in calooha cunnada ku hadho waqti dheer.Calool cuuryaanka,sababaha ugu badan ee keennaana waa xanuunka macaanka(Diabetes melittus),sababta macaanku u keennaana waxa weeya qofka macaanka qaba waxa kor u kaca heerka sonkorta ku jirta dhiigga taasi waxay keentaa inuu dhaawac ku dhaco dareemayaasha uu ka midka yahay( vagus nerve). Waxaa kaloo keeni kara in dhaawac soo gaadho dareensidaha in caloosha qofka qaliin looga sameeyay ama xiidmaha yaryar.
Waxyaabah nugleyn kara cuuryaanka caloosha.
1: Dhaawac ka soo gaadha dareensidaha caloosha oo qaliin loo sameeyay.
2: Shaqada qanjirka tayroodhka hoos u dhacda( hypothyroidism).
3: Caabuqa caloosha( viral infection).
4: Dawooyinka lagu daweeyo liddiga qulubka( antidepressants drugs).
5: Laleemada( Parkinson disease).
6: Isweerarka difaaca, marka uu weerara unugyda dareensidaha( Multiple sclerosis).
7: In ay borotiinnada ka buuxsamaan nudayaasha iyo xubanaha(amyloidosis)
Calaamadaha.
1: Matag.
2: Lallabo.
3:Calool xanuun
4:Qofkoo dareema inay caloosho buuxdo badanaa ama dibirro joogta ah.
5: Laab-dilaac.
6: Miisaanka oo hoos u dhaca.
7: Sokorta dhiigga isbeddel Ku yimaada.
8: Calool fadhi.
Baadhitaan.
1:Scintigraphy. waa hubbinta ugu muhiinsan lagu ogaanayo caalool yaarmida.
2:Upper gastrointestinal (GI) endoscopy: waa hubbin loo istimcaalayo in lagu ogaado guddaha caloosha.
3: Waxa kaloo la isticmaalayaa kombuutarka( ultrasound).
4: Waxaa kaloo la isticmaalayaa hubbinta dhiigga,haddii uu jiro caabuq, waxyaabo kale keenay(Blood tests).
Daaweynta.
Marka la baadho waxa lagula taliyaa bukaanka talooyin ah inuu beddelo cunadiisa iyo siduu wax u cunno iyadoo ay tahay bukaanku inuu inyar inyar wax u cunno xilliyo kala duwan. Qudaarta uu badsado.
Daawooyinka waxa ka mid ah kuwa cariya muruqyada. Waxa ka mid ah metoclopramide and erythromycin. Waxaa kaloo la siinayaa dawooyinka xakameeya mataga iyo lallabada. Dawooyinka waxay innaga caawinayaan in ay yareeyaan lallabada iyo mataga. Waxa ka mid ah diphenhydramine, ondansetron.
Tixraaca.
https://www.mayoclinic.org/. Dr mawliid Kudar.https://my.clevelandclinic.org/
W/Q: Indha_caad
Comments
Post a Comment