Casharka 18aad

 Esophagitis 


Waa ololka ku dhaca tubbada hunguriga. Tubbada hunguriga waa muruq kaasoo qaada cunnada ka timaada afka soo gaadha caloosha. Ololka hunguriga waxa uu keenaa xanuun daran, liqida oo adkaata iyo laab xanuun.  Waxa keenna waxyaabo badan oo kala duwan.  Waxyaabah ugu badan keenna waxa ka mid ah aysiidha calooosha oo dib ugu soo laabata, caabuq, iyo xasaasiyad. Waxa ugu badan ee keenna waa aab dilaaca oo raagga( chronic gerd). Waxa jira jaad badan markaasi keenni kada. Waxa jira haddii ay toos jug u gaadho hunguriga uu keenayo olol, waxa keenna dhowr dawooyinka qaar oo la qaato.


Maxaa keenna


Marka uu noqdo hunguriga mid olol ah waxa la kicinayaa difaaca jirka si uu ula dagaalamo caabuqa, haddii uu qofka leeyahay xasaasiyad ama dhawac hunguriga.   Waxa jira waxyaabo badan oo keenna waxa ka mid ah.


1:Aysiidha in ay saameyso hunguriga(Reflux esophagitis) waa nooca ugu caasan, waxa uu dhacaa marka aysiidha ay murxiso dahaadka hungiriga sidaasna uu ku noqdo mid olol yeesha. Waxa keenna gaaska( gerd). Waxa siyaada heerka la soo deynaya haydrokoloorig aysiidha. Sababteeda ugu badan waxa leh gaaska oo qofka waqti dheer hayya.


2:Ololka hunguriga ay keenaan dawooyinka(Drug-induced esophagitis).

Isticmaalka dawooyinka waxay keenayaan in ay murxiyaan xuubka hunguriga. Waxa toos u soo gaadhaya hunguriga dhaawac. Dawooyinka waxa ka mid ah:Nonsteroidal anti-inflammatory drugs (NSAIDs).Acetaminophen.Antibiotics.Potassium chloride.Bisphosphonates.Chemotherapy drugs.


3:Caabuqa hunguriga (Infectious esophagitis). Badanaa m aha mid caan ah. Ilaa uu qofka difaaciisa uu yaryahay, ama uu qofka la nool yahay xanuunnada qatarta ah sida aydhiska. Marka uu qofka ku dhaco caabuqa waxa uu ku faafayaa hunguriga isagoo ka imanaya meelo kale.  Waxa ugu caansan keenna waa caabuqa fangaayga, iyo caabuqa fayruska waxa ka mid ah waxyaabaha ( :Candida albicans (yeast infection).Cytomegalovirus (CMV).Oral herpes simplex virus 1 (HSV-1).Oral human papillomavirus (HPV).).Waxaa kaloo difaaca jirka hoos u dhigi kara macaanka (Diabetes mellitus).


 4:Eosinophilic esophagitis:  waa jaad ka mid ah kacsanaanta difaaca jirka. Marka ay dhacdo difaaca jirka waxa uu soo dirayaa unugyda cadcad  si dagaal u qaadaan, sida caabuq ama xasaasiyad. Unugyada cad cad waxay ku ururayaan  hunguriga waxay keenayaan ololka raagga,  waa xaalad dhif ah. Waxaa kaloo  keeni kara in qofka neefta ku kacdo ama ololka ku dhaca si guud maqaarka, sanboorka.


Caalamadaha.


1: Liqitaanka oo adkaada.

2: Liqida oo xanuun noqota.

3: Cunista oo ciriiri noqota.

4: Laab xanuun, gaar ahaan lafta naaska.

5: laab olol.

6: Aysiidha dib u soo noqota.


Xanuunada kale ee ay sababaan murqaha hunguriga oo urura (spastic disorders)kuwaas oo bukaanku dareemo xanuun joogta ah xataa haddaanu waxba liqayn .Xanuunka gudaha hunguriga laga dareemo waxa sababaya xoqitaanka cuntada ee gidaar hunguriyeedka hoolmay.


Baadhitaanka. 


Dhanka baadhitaanka waxa la adeegsadaa Barium X-ray, Endoscopy iyo sidoo kale lab tests lagu ogaanayo jeermiska keeni kara .


Daaweynta. 


1:Esophagitiska ay keento aysiidha caloosha kaga soo noqonaysa hunguriga  waxa la siiyaa bukaanka dawooyinka aysiidha soo saaritaankeeda yareeya ama ka hortaga (H2 receptor blockers =Ranitidine ,PPI =Omeprazole )


2:Bukaanka qaba HIV ga waxa la siiyaa dawada fungaska lagu daweeyo sida Fluconazole,hadday caawin waydana waxa loo sameeyaa oo lagu eegaa hunguriga endoscopy ama biopsy ayaa laga qaadaa  si loo baadho waxyaabaha kale ee keeni kara  sida HSV ,CMV. 


3:Inaad joojiso cabitaanka sigaarka ,khamriga waa haddaad cabtee ,wax  kasta oo ay ku jirto Coffeine ,Shokolaatada  cunideeda , cunto cunida habeenkii xilliyada dambe ee aad sii seexanayso iyo inaad sariirta aad ku seexato kor u qaado dhinaceeda sare ee madaxaagu xigo 6 ila 8 inch si aanay aysiidha calooshaadu dib ugu noqon hunguriga intaad hurudo .


4:Bukaanka waxa ka siinayaa dawooyinka Steroids sida:fluticasone (Flovent) and budesonide (Pulmicort).


W/Q:Indha_caad 


Tixraaca 


https://www.mayoclinic.org/Dr mawliid Kudar. https://my.clevelandclinic.org/

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad