Casharka 19aad
Habdhiska dheefshiidka(digestive system).
Casharka 19aad
Diarrhea
Shubanku waa marxalad saddex jeer (3 mar) iyo in ka badan uu qofku dhigo saxaro jilicsan, haddii uu qofku sii wado shubanka in ka badan 3 goor muddo 24 saac ah, waxa uu sababi karaa fuuq bax (dehydration). Waxaa loo qeybiyaa seddex nooc.Shubanku waa kordhidda tirada iyo jilicsanaanta saxarada. Taas oo kala ahaan karta in badan oo jilicsan ama fudud ilaa in badan oo biyo-biyo ah. Hal ama laba mar oo ah in yar oo jilicsan ma aha shuban, mana u baahna daaweyn. Shubanka waxaa inta badan keena xanuun feyras ah ama cunidda cunto aanay calooshu oggolayn. Haddii shubanka cunuggaagu uu keenay bakteeriya, dulin, ama feyras khaas ah.
1:Acute diarrhea: waa shuban dagdag ku bilowda ilaa waxa uu socdaa maalin iyo labo maalin. Waana midka ugu caansan, waxa uu qofka ka bogsadaa dawo la"aan.
2: Persistent diarrhea: waa xaalad qofka shubankiisa uu yahay mid joogta ah, waxa uu gaarayaa labo isbuuc ilaa afar isbuuc.
3: Chronic diarrhea. Waa shubban waqti dheer raaga. Waxa uu gaarayaa ilaa ka badan afar isbuuc. Waa xaalad muujineysa mid qatar ah qofkana u baahanayo goob caafimaad.
Maxaa keena.
Waxa ugu badan keenna waa fayrus, kaasoo saameynaya uurkujirta, se waxa jira waxyaabo badan oo keenna.
1:Cabuuq: cudur-dhalliya( fayrus, bacteeriya, iyo il-ma aragti), dhammaan waxay sababaan caabuq kaasoo keenaya shuban. Waxa ugu caansan ee ku sababa dadka waa wayn( norovaris), fayruska ugu caansan keenna midka dagdaga gaar ahaan carruurta ( rotovirus).
2: Sumoowida cuntada. Qofka marka uu cunno cunno sumeysan, iyo cunto wasaqeysan ama biyo wasaqeysan inuu cabbo. Cudur dhalliyaha ka dhasha waxa uu keenayaa shuban. Waxyaabaha kale uu ka dhasho waxa kamid ah deegaanka oo wasaqeysan, iyo nadaafad xummo.
4:Waxa ugu badan bacteriyada la yiraahdo Cambilobacter iyo Salmonella gaar dadka ay ku yartahay soo saarista aysiidha calooshu(achlorhydria )sidoo kale waxa keeni kara dawooyinka loo cuno caabuqa ee la yidhaah antibiotics (antibiotic related diarrhae), qofka oo aan shiidi karin lactose-ka oo ah qayb ka mida sonkorta ku jirta caanaha waxaana loo yaqaan (Lactose Intolerance),IBD(Irritable bawe disease) sida Crohn disease iyo Ulcer colotis sidoo kale waxa keeni kara Carcinoid sydrome .
5:Khatarta ugu weyn ee shubanku waa fuuq- bax ama dheecaan-bax.Haddaba fuuqbaxu waxa uu keeni karaa in qofku naftiisa qatar gasho. fadlan haddii ay carruurtu fooqbaxaayaan ula tag dhaqtar sida ugu dhaqsaha badan haddii kale ama aan heleynin dhaqtar waxaad sameysaa milanka loo yaqaan ORS.Haddaba milanka sida ugu fudud ee aad ugu samenkarto waxaa waye. 1.kululeey ama kar kari biyo caadi ah. 2.Kushub sokor.
3.Kaddib kusii shub cusbo tasoo kayar mug ahaan intii sokortu la ekeyd.
4.Qabooji biyaha.
5.Kaddib waxaas siisaa cunuga fuuqbaxaayo saddex qaando una dhexeysii mudo ilaa toban daqiiqo ah.Dadka waaweyn waxaad siin kartaa ilaa shan qaato markiiba.Shubanku si fudud ayuu u gudbi karraa dadka kale istaabashada gacamaha. Hubi qofka kasta oo ka mid ah qoyska inuu dhaqo gacamihiisa si fiican kaddib isticmaalka.
6:Fructose. Waa sokor dabiici laga helo furuudka, iyo malabka, mararka qaar marka lagu daro cabitaanno aad u sii macaan, sokorta dabiici waxay keeneysa shuban iyo in caloosha qasanto.
7:Surgery. qaliin lagu sameeyay qeyb ka mid ah xidmaha ama xameetida oo la saaro, mararka qaar waxay keenayan shuban.
Maxaa dhibaato ka dhallan karta
Haddii aan la daweyn fuuq baxa waxa ka dhallan kara: kelyaha oo shaqa gaba, wadnaha istaaga, istaroog qofka ku dhaca, ugu dambeyn uu u dhinto qofka.
Calaamadaha.
Calaamadaha guud waxa ka mid ah
1:Shuban.
2: Xumad.
3: Xiidma xanuun.
4:Calool xanun.
5: Haraad.
6:Fuuq bax.
7:Majiir
8:Hunqaaco.
9: Saxaro dhiig
10: Qofka suuliga ku laa laabta dagdag ah.
11:Indhaha oo god gala
12:Miisaanka hoos u dhaca
13:Tabarta oo ku yaraata
14:Kicintiisa oo adkaata markuu hurdo
15:Isku buuqsanaan
16:Daciifnimo (ku adkaato inuu fariisto ama
socodo, dhacdhacid.
Baadhitaanka
1:Blood test. hubbinta dhiigga guud, iyadoo laga cabbirayo elektorlaaydka, iyo shaqada kelyaha, taaso sheegeysa darnaanshaha shubbanka.
2:Stool test. Hubbinta saxarada iyadoo laga baarayo waxa keenay shubbanka( bacteria or parasites).
3:Hydrogen breath test. hubbinta waxa lagu baadhayaa haddii uu qofka xamili kari waayo( Lactose Intolerance) ay jirto. Haddii uu qofka cabo cabitaan uu ku jiro xaddi badan Lactose ah iyadoo laga cabbirayo neefsashada( hydrogen).
4:Upper endoscopy: waxaa kaloo la isticmaalayaa Kamarad si loo hubiyo caloosha iyo xiidmaha.
Daaweynta.
1:Bukaanka waxa la siinayaa fuuq celin( oral rehydration solution). Waana midka ugu fiican waxtarka leh. Qofka saa'idka u daran waxa la siinaya, xiddid hoore( intervenous fluids) sida normal saline iyo RL si markaasi dib loogu soo celsho wixii ka dhumay bukaanka.
2:Waxa kaloo la siinayaa lidiga dawooyinka shubanka joojiya. Sida:bismuth subsalicylate
3:Waxaa kaloo la siinayaa antibiotics: sida ciprofloxin,azithromycine, metronidazole, voncomycin.
4:Waxaa kaloo la sameeyaa in laga daaweeyo bukaanka waxyaabaha kale ku keenay marka baadhitaanka la xaqiiyo.
Tixraaca.
Mayo clinical.
Drmawliid
Health net
Medscape.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment