Casharka 20aad

  Habdhiska dheefshiidka(digestive system)


Casharka 20aad


SAXARO DHIIG (BACILLIARY DYSENTERY)


Cuddurka diisantariyo waxaa lagu qeexaa shuban ama saxaro jilicsan oo ay la socdaan axal, dhiig, malax iyo callool-maroojis. Dadka Soomaaliyeed cuddurkaan waxay u yaqaanaan magacyo badan oo ay ka mid yihiin Axal-dhiig, shuban-dhiig, xundhur iyo kuwa kale. Diisantariyada waa cuddur ku dhaca mindhicirada oo ay keenaan jeermiyada baakteeriyada iyo baarasaytyada Ameebaha.



Noolaha Sababa Cudurka.



Waxaa jira labo nooc oo diisantariyo ah oo ay kala keenaan labada nooc ee jeermiyada ee baakteeriyada iyo baarasaytka. Nooca baakteeriyadu keento waxaa la yiraahdaa bacillary dysentery halka nooca ay keento baarasaytka ameebadu loogu yeero Amoebic dysentery. Diisantariyada inta badan waxaa keena noocyada baakteeriyada oo ay ka midka yihiin Shigella, Campylobacter, E. coli, iyo Salmonella.   Noocyadaan baakteeriyada ahi waxay dhaawac gaarsiiyaan gidaarka mindhicirada oo ay ku keenaan inay barararaan, caabuqaan ilaa ay soo baxaan calaamadaha axalaha iyo dhiigga saxarada soo raaca. Nooca diisantariyaad ee ay keento ilma-aragtayga baarasaytka protozoa ee la yiraahdo Entamoeba histolytica waxay haleeshaa mindhicirka wayn oo ay muddo dheer ku noolaan karto. Ameebuhu waxay ku fidaa marka biyaha la cabo iyo wasakhada isku milmaam. Haddii ay iyada oo aan gacmaha la dhaqin la kariyo cuntada waxaa cuntadii la cunayay ku halaaba baarasaydka cuddurka keena. Khudaarta ka baxda beeraha lagu nafaqeeyay saxarada binu-aadamka waxay keentaa iyo labadaas jeermiba ku dul noolaadaan khudaartii.


Deegaanada iyo dadyowga lagu arko cudurka! Waxa uu cudurka ka dhacaa adduunka oo dhan meelaha qabow iyo meelaha kullaylka ah. Waxa uu cudurku si saf mar ah u dilaacaa marka ay jiraan xaaladaha ciriiriga iyo dhibaatada badan sida: xaaladaha dagaalada ama abaaraha. Qaabka La isku qaadsiiyo. Cudurka waxaa la isku qaadsiiyaa cunto ama biyo ay la soo fal gashay saxarada qof cudurkii qaba. Muddo Huuriska Cudurka 12 saacadood - 4 maalmood inta badan (1-3 maalmood).


Muddada uu nukaanku gudbin karo cudurka - waa 4 toddobaad.


Calaamadaha.


1:Qandho.

2: laballabo.

3: Hunqaaco iyo calool majir

4:Shubanka wuxuu bilaabanayaa 48 saacadood gudahood, waxaana xiga saxaro dhiig.

5:Caloosha oo bukaanka damqanaysa marka la taabto.

6:Ducasho badan ayuu bukaanku sameynayaa marka uu saxaroonayo.

7:Fuuq bax sababi kara murqo xanuun

8:Kaadi yaraan iyo miyir daboolmasho.


Baaritaanka Cudurka


1. Cabashada bukaanka iyo calaamadaha kor ku xusan.


2. Baaritaanka saxarada si looga fiiriyo unugyo malax ah oo haddii lagu arko tilmaamaya jiritaanka caabuq ay sababtay bakteeriyo.


3. Korinta ilma aragtida (culture) waa habka kaliya ee lagu hubin karo baaritaanka.



Sidee looga hortagaa cudurka Dystentery?

Labada nooc ee disantariyada ee kor ku xusan si sahlan ayaa la isku qaadsiin karaa, waxaana laga qaadaa saxarada qofka xanuunsan oo qofka kale afkiisa gaarto, waxaa muhiim u ah cudurkaan in nadaafadda lagu dadaalo, gacmaha saabuun la isaga dhaqo markii musqusha laga soo baxo, fadlan qof ha salaamin, cunno iyo cabitaan toona ha taaban haddii aad soo xaajo gudatid adigoo gacmaha saabuun iskaga soo dhaqin.Haddii nadaafaddu ay aad u xun tahay, waxaa dhici karta in infekshanka uu gaaro biyaha la cabo sidaasne ay xanuunku ku qaadaan dad badan,hadduu qof xanuunsan dharka iska halleeyo, fadlan gacmo gashi xiro, dharkane ku dhaq biyo qandac ah si jeermisku u dhinto.



Daaweynta Cudurka


1. Fuuq celin haddii uu bukaanku fuuq baxay iyadoo la isticmaalayo dareeraha fuuq celinta ee afka laga qaato ee loo yaqaan: ORAL REHYDRATION SOLUTION (ORS): waa biyo, macdano u badan sonkor iyo cusbo isku qasan waxaana afka laga siinayaa bukaanada fuuq baxsan ee awoodda inay afka ka qaataan dareeraha, ama dareeraha fuuq celinta ee dhiigga la raaciyo ee loo yaqaan: RINGER LACTATE(R/L): waa biyo iyo macdano jirka uu u baahanyahay marka uu fuuqbaxsanyahay oo

cusbo u badan, looguna talagalay bukaanada aadka u fuuqbaxay in laga siiyo xididada dhiiga hadii uusan bukaanku afka ka qaadan Karin dareeraha.


2. COTRIMOXAZOLE 480 mg (labo wakhti maalinkii muddo 10 maalmood ah).


3. CEFTRIAXONE 1g (hal wakhti maalinkii muddo 7-10 maalmood ah) ayaa la siinayaa bukaanada aadka u liita. 


1. in la ogaado dadka cudurka la ildaran, lana daaweeyo.


2. In gacmaha la iska dhaqo gaar ahaan ka gadaal musqusha marka la isticmaalo iyo ka hor inta aan cuntada la diyaarin ama la cunin.


3, In saxarada si hagaagsan la isaga meeleeyo oo aan banaanka lagu saxaroon.


4.In duqsiga la xakameeyo oo lala dagaalamo.


W/D:Indha_caad 


Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad