Casharka 22aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system).


Casharka 22aad


Irritable bowel syndrome (IBS) 


Waa xanuun saameeyaa caloosha, xiidmaha. Qofkuna waxa uu caloosha ka dareemaa raaxo darro, qofka waxa isku arkayaa calool xanuun,shubban ama calool fadhi. Ma ahan mid dhibaato gaarsiiya nudaha haloosha, mana ahan mid xaalado qatar keeni kara, sida kansarka xiidmaha.Xanuunkaan wuxuu ka mid yahay cudurrada aan dhakhso lagu baraarugin, waxaana lagu gartaa kaliya in laga shakki baxo cudurrada kale ee aadka ugu eg sida gaaska, boog calooleedka, caabuqa ameebaha, xiidmaha bararan, u dulqaadasho la'aanta lactose-ka.


Maxaa keenna?


Lama hayyo waxa saxda ee keenna,  laakiin waxa la sheegaa xidhiidh xumo ka dhacda caloosha iyo maskaxda oo xumaada ayaa keenna.


1:Kogitaanka murqaha. Darbiyada xiidhmaha waxa ku wareegsan lakabyo muruq kaasoo sameeyaa kogitaan si cunnada ay u gaadho dheefshiidka.  Kogitaankas waa mid xooggan kaasoo keenaya aariyo , shuban. Haddii uu daciifo kogitaanka socodka cunnada waa uu xumaanayaa waxayna horseedeysaa adkaansho, iyo saxaro qaleyl ah.Waxyaabaha la arkay inay mindhicirrada kiciyaan waxaa ka mid ah sukulaatada, basbaaska, dufanka, qudaarta qaar, digirta, caanaha iyo waxii laga sameeyay, kaffeyga, daawooyinka qaar, cabitaanada qasan ama gasacadaysan (warshadaysan) iyo khamriga.


2:habdhiska dareen sidaha(Nervous system).  haddii ay dhibaato ka jirto dareensidaha habdhiska dheefshiidka,  waxa uu keenayaa nafis xumo marka caloosha kala baxayso. Waxa xumaanaya ama daciifaya cilaaqaadka maskaxda iyo xiidmaha, markaas waxa kordhaya shaqada hannaanka dheefshiidka.  Taasoo ka dhallaneysa shuban, xanuun, ama calool fadhi.


3:Midda sadaxaad waxaa lala xiriirinayaa dhibaato ka dhalatay caabuq ama hambaabuq aad u daran oo mindhicirrada hadda ka hor ku dhacay, taasoo keentay in bakteeriyo badan ku dul tarantay ama dhacdo isu-dheelli tirnaan bakteeriyada caabuqa keento iyo midda faa'idada u leh dheefshiidka.


4:Stress-ka: Dadka aad u welwela / diiqa ama qaba xanuunka niyadjabka "Depression" ayaa aad loogu arkaa xanuunkaan.


5:Cunnooyinka: waxaa ka mid ah sukulaatada, basbaaska, dufanka, qudaarta qaar, digirta, liinta, kabajka, caanaha iyo waxii laga sameeyay, kaffeyga iyo cabitaananda aashitada leh "Soda".


6:Hormoonnada: isbeddallada ku dhaca hormoonka khaasatan xilliga caadada waa waqtiga ugu badan ee xanuunkaan ku kaco dumarka,sidaa darteed ayaana loola xiriiriyay.


Yuu ku badan yahay xanuunkaan?


1:Da'da ka yar 50 sanno


2:Haweenka


Haddii uu jiro qof qoyska ah oo qaba cudurkaan, adigane halis ayaa ugu jirtaa.

Hadduu qofka qabo xanuun nafsi ah sida diiqada, welwelka, haweenta gurigeeda dhib ka haysto, carruur iyagoo yar la faraxumeeyay iyo wixii kaloo saamayn karo shakhsiyadda qofka waa lagu arkaa cudurkaan.


Calaamadaha Mindhicirrada kacsan:


1:Xanuun casiraad leh


2:Hawo caloosha dhex meeraysato


3:Dibbiro


4:Calool istaag


5:Shuban


6:Dareen in saxaro ku hayso adigoo musqusha ka soo baxay


7:Casiraadda oo kaa joogsato markaad saxarooto (Waa astaanta kaliya oo la dhihi karo xanuunkaan ayuu khaas u yahay)!


8:Malax soo raacda saxarada ama axalo sidii candhuufta u eg.


9:Dhiig-yari


10:Kaadi badan khaasatan habeenkii la dareemo


11:Murqo xanuun iyo daal aad u badan


Sidee loo baaraa xanuunkaan?


Maadaama garashada xanuunkaan uu dhib badan yahay waa in dhakhtarku kula yeeshaa waraysi aad u dheer iyadoo lagu waydiinayo astaamo badan oo u baahan in waraysiga lagu kala sooco kuwaasoo adiga ama qoyskaaga la xiriira, kadibne wiisito in lagaaga sameeyo caloosha si looga shakki baxo xanuunnada qaar, kadib waraysigaas iyo baaritaankaas ka dib waxaa laguu diri karaa baaritaano kooban oo lagu xaqiijinayo ama lagu beeninayo xanuunada uu dhakhtarka kaaga shakkisan yahay, baaritaanadaas waxay isugu jiri karaan, dhiig, saxaro, kumbuyuutarro kala duwan.Ogow xanuunkaan ma lahan baaritaan u gooni ah, waana sababta aan badanaa si dhakhso ah loo garan, looguna qaldo cudurro kale.


Daaweynta 


1:Fiber supplements.  waxay innaga caawineysaa  xakameynta calool fadhiga. Sida Metamucil.


2:Laxatives. Haddii ay fiber supplements wax tari waayaan waxa la siinayaa calool socodsiisayaasha. Sida magnesium hydroxide 


 3:Anti-diarrheal medications. Lidiga dawooyina shubanka waxay innaga caawinayaan Xakameynta shuban sida loperamide 


4:Anticholinergic medications. waxay innaga caawinayaan in ay xanuunka uu keenayo kogitaankas muruqyada xiidmaha  yareyaan sida dicyclomine(bentyl).


5:Tricyclic antidepressants.  jaad ka mid ah dawooyinka qulubka, sidoo kale waxay xidhayaan dareen sidaha xakameeya xiidmaha.  Waxay kaloo hoos u dhigayaan xanuunka. Sida nortriptyline,desipramine


6:Eluxadoline (Viberzi). Waxay hoos u dhigeysaa kogitaanka muruqa, soo deynta hooraha xiidmaha. Waxay siyaadineysaa giigsanaanta muruqa ee malawadka.


8: Lubiprostone (Amitiza).  waxay kordhineysaa soo deynta dheecaanka xiidmaha si saxarada u noqoto mid jilicsan soo bixisteedana fududaato.


Tixraaca 


https://www.mayoclinic.org/

Somali doc.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad