Casharka 23aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system).
Casharka 23aad
Lactose Intolerance.
U dulqaadasho la'aanta sokorta laktooska, afka qalaadne lagu yiraahdo (Lactose intolerance) waa cillad dheefshiid oo aad u badan, waxayna timaadaa markii caloosha qofka ay shiidi wayso sokorta nuuca loo yaqaanno (lactose)oo badanaa laga helo caanaha iyo waxyaabaha caanaha laga sameeyay.Xumaanshaha nuugista lactose-ka waa in uu awooddi waayo habdhiska dheefshiidka in la nuugo jareeraha lactose-ka. 65% waxa uu ku badan yahay dadka waa wayn.Dadka cilladaan qabo waxaa dheefshiidkooda ka maqan dheecaan burburiye loo yaqaanno (lactase) kaasoo shaqadiisa tahay in sokorta "lactose" uu burburiyo si jirka uga faa'idaysto.
Ogow xaaladaan way ka duwan tahay dadka xasaasiyadda ama allarjiga ku qabo caanaha, waxaana taasi loo yaqaannaa xasaasiyada caanaha(milk allergy), waa xaalad daran oo qofka halis galin karta, wuxuuna jirka diidan yahay maaddo laga helo caanaha lo'da oo loo yaqaanno "S1-casein", taasoo qofka hadday jirkiisa gasho uu qaadayo xasaasiyad aad u daran.
Habka nuugista xiidmaha yar.
Mindhiciir yaraha waxa loo qaybiyaa ilaa iyo seddax qaybood oo kala ah qayb sare, qayb dhexe, iyo qayb hoose, mindhiciir yaraha waa meesha uu ka dhaco burburin iyo soo nuugis (digestion iyo re-absorption) cuntada marka ay soo gaarto mindhiciir yaraha waa la sii burburinaa sababtoo ah waxay ka sameysan tahay polysaccharide, polysaccharide malaga nuugi karo mindhiciir yaraha si looga dhigo disaccharide gannaca waxa laga soo daynaa dheecaanka loo yaqaano amylase si uu uga dhigo polysaccharide-kadisaccharide.
Disaccharide ka wali awood u malaha in laga nuugo mindhiciir yaraha sidaasi darteed waxa loo beddeli doonnaa monosaccharide oo ah sonkorta hal halka ah u taagan disaccharide-ka waa sonkor ka kooban laba sida maltose, lactose, iyo sucrose.
Maltose si looga dhigo monosaccharide-ka waxaa la soo daynaa dheecaan loo yaqaano maltase si uu u kala jabiyo sokorta maltose-ka ah uguna dhigo laba sonkor oo kala ah glucose + glucose, sidoo kale Lactose si looga dhigo monosaccharide waxa la soo daynaa dheecaan loo yaqaano lactase si uu u kala jabiyo sonkorta lactose-ka ah uguna dhigo labo sonkor oo kala ah glucose + galactose.Sucrose si looga dhigo monosaccharide waxa la soo daynaa dheecaan loo yaqaano sucrase si uu u kala jabiyo sonkorta sucrose ka ah uguna dhigo labo sonkor oo kala ah glucose + fructose, in disaccharide laga dhigo monosaccharide shaqadaas waxay ka dhacaysaa qaybta dhexe ee mindhiciir yaraha ee loo yaqaano jejunum.
Ileum waa qaybta ugu dambeysa ee laga nuugo vitamin-B12 iyo sidoo kale monosacchraide ka sida glucose, galactose iyo fructose 90% waa meesha uu ka dhaco dib u nuugista(re-absorption) dib u nuugis, monosaccharide-ka waxa la raacin doonnaa qulqulka dhiigga waxa qaadi doona aroore qaade( portal vein)- ka si uu u geeyo beerka galactose iyo fructose marka beerka la geeyo waxa loo beddeli doonnaa glucose, waa qaabka looga dhigo carbohydrate ka sonkor shaqadaan oo dhan waxay ka dhacaysaa mindhiciir yaraha.Haddii uu qofka cuno cuntooyin ku badan borotiinka waxaa la soo deynaa laba dheecaan oo kala ah trypsin iyo chymotrypsin si ay borotiinka ugu dhigaan laba qeyb oo kala peptides iyo amino acid dheecaannadaan waxaa soo daaya xubinta ganaca.Haddii uu qofka cuno cuntooyin ay ku badan yihiin dufanta ama uu cuno dufan ah gannaca wuxuu soo deynayaa dheecaan burburiya dufantaas si looga dhiga dufanta laba qeyb oo kala ah fatty acid iyo glycerol waa labada nooc oo kamid ah dufanta.
Duodenum waa qeybta ugu horeysa ee ku xiran caloosha, caloosha marka ay dhameeyso burburinta cunnada waxay u soo gudbinaysaa duodenum kaas oo cabirkiisa gaaraya ilaa iyo 25 sentimitir.Jejunum waa mindhiciir yaraha qeybtiisa dhexe waxay u dhaxeeysaa duodenum-ka iyo ileum-ka cabirka dhererkiisa wuxuu gaaraa laba mitir.
Ileum waa qeybta qaabilsan burburinta iyo nuugista cunnada dhererkiisa wuxuu gaaraa 2.5 ilaa iyo 3 mitir, soo nuugista cunnada waxaa sameeya villi,villi wuxuu isku badalaa micro-villi, micro-villi wuxuu sameeynayaa tiftaafyo, tiftaafyada waxay sameeynayaan aroore lagu magacaabo portal vein, portal vein waa xididka naqafada kasoo qaada mindhiciir yaraha gaar ahaan qeybta loo yaqaano ileum-ka, wuxuuna kusoo daraa beerka, marka uu xididka soo galo beerka waxaa laga saarayaa sunta kadib wixii naqafo ah waxaa si toos loogu celinaa jirka.
Noocyada u dulqaadasho la'aanta sookorta.
Primary Lactase Deficiency: waa jaad dhaxal ah waan midka ugu caansan. Waxa ay timaadaa marka ay yaraato soo saaritaanka lactose-ka. Waxa ay saameysaa dad badan oo caalamka ku nool.
Secondary Lactase Deficiency: waxa ay dhacdaa tannina marka uu dhaawac soo gaadho xiidmaha yar, waxana keenno xanuuno badan, dawooyinka qaar. Kawaaso yaraanaya soo saaritaanka lactose-ka.
Premature birth. ilmaha aan Bila dhammeysan waxay yeelanayaan heerka yaraanshaha lactose-ka, waxa ugu wacan xiidmaha yar aan sidii la rabay u sameysmin.
Congenital: waa xaalad ay ku dhashaan carruurta yaraanshaha lactose-ka.
Caalamadaha.
1:Shuban.
2:Lallabo, mararka qaar matag.
3: Caloosha oo shanqarta.
4:Aariyo.
5:Dibiryo.
Baadhitaanka
1:Lactose Tolerance Test: waxa la cabirayaa heerka sokorta dhiigga qofka marka uu qaato cabitaan lactose-ka qani ku ah.
2:Hydrogen Breath Test: waxa la cabirayaa heerka haydrojiinta neefsashada kaddib marka qofka cunno lactose-ka.
Daaweynta.
Maadaama macdanta ugu badan ee laga helo caanaha ay tahay "calcium" ama Kaalisiyam oo lafuhu jirku ka maarmin, waxaa qofka cilladda laktoos qabo lagula taliyaa meelaha uu kaalsiyam ka heli karo sida baamiyaha, koostada, kabbajka, kalluunka nuuca loo yaqaano "sardines" oo lafaha lahayn, lowska iyo yicibta.Faytamiin D qofka inuu qaato.
TIXRAACA.
Habdhiska iyo shaqada jirka.
Mayo clinic , somali doctors.
WHO.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment