Casharka 25aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system)
Casharka 25aad
Xirrinka albaab laba iyo tobnaale(Pyloric stenosis)
Pyloric stenosis waa adkaanshaha iyo xirranka uu xirmo albaab laba iyo tobnaale(Pylorus) waa muruq ku furan una dhexeeya caloosha iyo xiidmaha yaryar. Goorta uu noqdo muruqan ciriiri ama uu adkaado waxa xumaanaya socodka cuntada. Dareeraha iyo cuntada kama soo dhaqaaqi karaan caloosha si ay ugu gudbaan xiidmaha yaryar. Ilmaha xaaladan qaba waxa lagu arkayaa matag fara badan marka uu dhargo ama uu nuugu naaska hooyada, wax caanno ama cunno oo ku harayaa ma jiro calooshiisa, taasina waxay keeneysaa fuuq bax, miisaanka oo hoos u dhaca. Cunuga mar waliba waxa uu dareemayaa baahi joogta ah.
Pylorus waa qeybta isku xirta caloosha iyo mindhiciir yaraha waxaana kamid ah furdaboolaha loo yaqaanno pyloric sphinter waa meel sida faraantiga oo kale u wareegsan waxayna sameeysa isfuris iyo isxir wuxuuna ka hortaa in cunnada ay dib ugu laabato caloosha.
Waxa weynaanaya unugyada muruqa, bilowga isbeddel haniya caloosha ciriirsankiisa waxa xajmigiisu kordhayaa unugyada muruqa, waxa badanaya tirada unuga muruqa( hypertrophy and hyperplasia) waa wareegga muruqa ee haniya caloosha(pyloric), natiijada ka dhallaneysa waa adkaanshaha haniya caloosha, isagoo marinkii cunnada ay noqoneyso mid cidhiidhi ah.Waxa dhacaya xirran, xirrankaasi waxa uu keenayaa qeyb ama dhammaan in ay xirranto haniyaha caloosha, markaasi ay joogsato socodka dareeraha iyo cunnada. Muruqa waxa uu u shaqeynayaa si xooggan, iyadoo uu doonayo inuu saaro cunnada. Markaasi waxa dhaceysa in cunnada ku hadho caloosha, halkaasi iskugu timaado iyadoo tira badan, kaddib waxa kordhaya xaddiga mataga. Matagan joogtada ah waxa keenaya in ay hoos u dhacdo aysiidha caloosha, iyadoo keeneysa in ay yaraato koloraaydha dhiigga, aynna badato baykaarboneyda dhiigga. Waxa kaloo uu keeni karaa mataga fuuq bax iyo lumitaanka macdanta jirka( Sodium and potassium).
Maxaa keenna
Lama yaqaanno waxa saxda ee keenna, waxa jira waxyaabo dhowr ka qeyb qaata.
1: Waxa jira hiddo dhaxaleed 15% ilmaha qaba xaaladan waxa kalla yimaada dhaxal uu qoyskiisa ka dhaxlay.
2: Arrimo ku lug leh hab- noleedka. Ilmaha in lagu siiyo masaasada caanaha, iyo ilmaha la siiyo dawooyin qalijiyaha(erythromycin) waxay ugu jiraan qatar xaaladani. Iyo ilmaha ku dhasha dhiciska.
3: Nooca jinsiyeedka: xirranka haniyaha caloosha, waxa uu caan ku yahay ilmaha labka ah marka loo eego ilmaha dhadiga ah.
Qoddobadan aynnu soo sheegnay ayaa noqon kara waxyaabaha u nugleyn kara.
Calaamadaha
1: matag cunnada kaddib. Ilmaha yar matagiisa waa mid xooggan, marka uu nuugo naaska hooyada ama uu masaasad ku cabbo. Marka ugu horreyso wax a laga yabaa mataga inuu iska ahaado mid dhex dhexaad ah, waqti kaddib waxa uu noqonayaa mid aad u daran, taasina waxay tilmaameysaa darnaanshaha xirranka haniyaha caloosha. Mararka qaar waxa ku jiri kara mataga dhiig.
2: Gaajo joogta ah. Marka uu ilmaha matago, durbaba waxa uu baahanayaa wax uu cunno
3: Kogitaanka caloosha. Isku ururka caloosha si cunnada loo soo gudbiyo, qofka marka uu cunnada cunno, kogitaankaas waxa loo yaqanaa isdhaafinta cunnada(peristalsis). Isku soo ururkaasi waxa uu keenayaa muruqa caloosha inuu isku dayo in cunnada awood ku riixo isagoo rabba meeshii xirneynd inuu dhaafiyo.
4: Fuuq bax ayaa lagu arkayaa, iyo caloosha oo fadhiso maadaama caloosha aysan gudbin wax cunna ah, iyo miisaank oo hoos u dhaca maadaama aan wax cunna la nuugeyn.
Baadhitaanka
1: Hubbinta dhiigga, iyado laga baarayo lumitaanka macdanta jirka.
2:Ultrasound: waxa lagu xaqiijinayaa ama go aan looga gaarayaa xirranka haniyaha caloosha ( pyloric stenosis).
3:Barium swallow with upper GI series. ilmaha waxa la siinayaa dareere kiimikaal ah marka la saarayo raajada , si markaasi loogu arko si nadiif ah caloosha iyo xiidmaha.
4: Endoscopy: Waxa lagu ogaanayaa heerka xirranka uu yahay.
Daaweynta
Waxa loo sameynayaa fuuq-celin, iyadoo laga siinayo xiddidka. Daweynta kale loo sameynayaa waxa noqoneysaa qaliin(pyloromyotomy) si xirrinka loo furo.
Comments
Post a Comment