Casharka 27aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system).


Casharka  27aad


Diverticulitis


Waa ololka ku dhaca ama caabuqa qeybta hoose ee xiidmaha waa wayn( colon).

Ololka raaga iyo siyaaditaanka cadaadiska guddaha xiidmaha, waxay keenayaan inuu isbeddelo darbiga xiidmaha, kaddib sidaas ku yimaado ololka ama cabuqa ay keento bakteeriyada soo safartay. Waxa loo qeybiyaa labo qeybood: mid waa mid ku imaaneysa dagdag( acute) taasoo keeneysa darnaansho ololeed ama caabuq. Mid waa mid raagta waqti dheer soo jiitanka( chronic), ololka ama caabuqa waa mid muddo soo jiitamaya, haddii uu waqti dheer sii jiro waxa keenayaa xiidmaha, waxa uu keeni karaa calool fadhi.

Soo kuusanka xiidmaha sikmooydka( sigmoid colon) waxa dhaca marka olol ku yimaado xiidmaha wayn, xirrinka xiidmaha waxa uu dhacaa marka cadaadiska uu kordho iyo bakteeriyada ay xidho qeybta hore hoose xiidmaha, waxay keeneyaaa in uu ballaarto xiidmaha,  iyo inuu noqdo olol.


Maxaa keena.


Waa mid si tartiib ah u saameyneeya darbiyada xiidmaha waa wayn. Waxa ay caan ku tahay dadka waa wayn. Cadaadiska xiidmaha soo fuulayaa waxa ku keenayaa inuu kogitaan sameeyo, taasoo keeneyso kuusan taasoo ka dhaceyso halka uu xiidmaha darbiyadiisa ka jilcan yihiin.Ololka ku dhaca xiidmaha waxa keena bakteeriyo ama dhaawac soo gaadha nudaha xiidmaha.  Dilaac yar darbiga xiidmaha ku dhaca waxa uu horseed u noqonayaa inuu ku yimaado olol ama caabuq xiidmaha. Tani waxay la xidhiidhaa, saxaro ku hadha xiidmaha ama ku ururta, bakteeriyo ama cunno aan la ridqin. Kuwaasoo keenaya dilaaca. Caabuqa ay bacteeriyada ku keento xiidmaha waa wayn waxay sababeysaa hambaabuq, kaasoo horseed u noqoneyso ololka xiidmaha.


Waxyaabaha u nugleyn kara qofka. 


1:Cayilka.

2: Sigaarka.

3: Cunnada ay ku yartahay qolofta.

4: Cunnada hilibka guduudan uu ku badan yahay.

5:Qamriga. 

6: Jimicsi la’aan. 

7: Faytamiin D oo hooseeya.

8: Dawooyinka qaar sida istiirooydka, xanuun baabi’iyaasha, lidiga ololka, sida Ibuprofen, naproxen Sodium.


Caalamadaha. 


1: Calool xanuun( gaar ahaan qeybta bidix ee hoose caloosha).

2: Lallabo.

3: Matag.

4: Calool fadhi.

5: Qandho.

6: Aariyo.

7: Caloosha oo danqata qofka. 

8: Caloosha oo kala baxda.

9:Malax ku sameysanta xiidmaha.

10: Codka xiidmaha oo la waayo.


Baadhitaan.


1:Hubbintq dhiigga. Si loo ogaado haddii uu jiro caabuq ama olol amay kacsanyhiin unugyada cadcad. 


2:CT Scan: A CT (computed tomography)  waa midka ugu fiican lagu ogaan karo si markaasi go'aan looga gaaro xaalan. Waxa uu inna tusinayaa haddii olol jiro ama caabuq jiro waliba si wanaagsan, xitaa haddii malax ay leedahay meesha ama dilaac.


3:Ultrasound or MRI:  mararka waxa la saari karaa. Ultrasound iyo MRI  si markaasi looga go'aan gaaro xaaladan.


4:sigmoidoscopy: waa qalab lagu baadhayo qeybta hoose ee xiidmaha waa wayn gaar ahaan xiidanka( colon). Marka xaaladan jirto iyada waa loo baahanayaa baadhitaanka noocan ah.


Daaweyn. 


1: Inuu nasiinno sameeyo.

Kaddib uu bilaabo inuu cabaalka biyaha badiyo. Waa inuu cunnaa cuntooyinka sida bariiska cad, mooska, qudaarta.


2: Haddii xaalada bukaanka ay daran tahay waxa la siinayaa qalajiyo. Haddii ay jirto malax waxa loo sameynayaa in laga soo nuugo. Waxa kaloo la siinayaa xanuun baabi’iyaal sida paracetamol. 


3: Qaliin: xiidmaha qeyb ka mid ah la jaro. Iyadoo la jarayo qeybta xanuunsan, inta kale lagu xiriirsho inteeda wanaagsan.   In loo sameeyo qaliin loo yaqaan Colostomy waa nidaam qaliin lagu sameenaayo kaasoo banaanka lagu soo saaraayo hal daraf oo mindhicirada waaweyn kamid ah waliba banaanka caloosha.


Tixraaca 


Midscape. MayoClinic. Amboss


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad