Casharka 28aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system)


Casharka 28aad


 Whipple’s disease


Waa caabuq ay naadir tahay in la arko waxaana keenna bakteeriyo. Waxa uu saameyaa xiidmaha yaryar, waxa uu carqaladeeyaa duxda, nuugitaanka faytamiinnada, kaarbohaydarreeda,iyo nafaqada, taasina waxay keeneysaa nafaqado darro. Sidoo kale xanuunkan waxa uu raad ku yeeshaa kala goysyada, habdhiska dareensidaha,  wadnaha,  sambabada, indhaha, maskaxda.Bakteeriyada keenta waxa laga helaa ciidasa, iyo biyaha(Tropheryma whipplei bacteria ).  Waxa uu ku badan yahay ragga( 40 sanno).


Caabuqa iyo falcelinta difaaca. Bakteeriyada 

(Tropheryma whipplei bacteria) jaad ka mid ah, unugyada cadcad ayaa ka masuul ah liqida iyo burburin unugyada dhintay iyo cudur dhalliyaha noolaha( pathogen), noola dilaha(macrophages)waxay awooddaan in ay burburiyaan bakteeriyada. Tani waxay u horseedeysaa in ay ku ururaan caabuqa nuddaha dhexdiisa.


Dhaawaca soo gaadha nudaha ama aan haadisneyn: caabuqa waxa uu saameynayaa xiidmaha yaryar iyo xubno badan oo jirka ka mid ah sida aa kor ku soo sheegnay. Isku dhexyaaca ama haadin la'aanta waxa ka dhalata olol( inflammation) iyo dhaawaca nuddaha.


Nafaqo-darro: caabuqa waxa uu saameynayaa xiidmaha yaryar( small intestine) sida caadiga xiidmaha waxa uu leeyahay  farangaagaley(villi) kaasoo masuul ka ah nafaqo nuugista. Carqaladeyntaasi ku timi nuugista waxay keeneysaa nafaqo-darro, iyo caalamado kala duwan lagu arko uurku jirta, sida shuban, miisaanka oo hoos u dhaca, calool xanuun.


Dadka qaar waxay qabi karaan hidda raac ama difaaca jirka oo shaqo gaba, shaqo xumadaasi( difaaca) waxay keeneysaa in uu difaaca awooddi waayo in sidii la rabbay u falcelsho. Bakteeriyada (Tropheryma whipplei bacteria) waxay keeneysaa in sidaasi ku faafto jirka inteesa kale ay gaadho, faafitaankaasi waxa keenaya difaaca oo awood yareeya.


Maxaa keenna?



Waxa keena bakteeriyo Tropheryma whipplei.  Noolahan badanaa waxa laga helaa ciida iyo harooyinka. Waxaana ka masuul ah deegaanka. Bakteeriyada waxay saameyneysaa xuubka ku wareegsan xiidmaha yaryar, waxay u yeeleysaa dhaawacyo guddaha darbiyada xiidmaha. Sidoo kale bakteeriyada waxay dhaawaceysaa tima u ekaha( villi) kaasoo ku wareegsan xiidmaha. Sida ay sheegaan cilmi baadhayaasha wax badan lagama oga bakteeriyadan. Badanaa waxay ka timadaa deegaanka. Mana cadda sida ay aadamaha ugu soo gudubto. Cilmi baadhayaasha qaar ayaa sheegaya in ay dhaxalkana keento xagga difaaca jirka, sidaasina ugu nuglaanayo qofka bakteeriyada. 




Calaamadaha.


Calaamadaha uur ku jirta.

1: shubban raagga.

2:miisaanka hoos u dhaca.

3: Calool xanuun

4:  Nafaqo-darro. 

Calamadaha guud.

1: Qandho.

2: qanjidh linfeedka oo barara.

3: midabka haraga isbeddela.

4: Qufac.

5: Laab xanuun.

6: Dhiig yarraan. 

7:Calool dheecaan ku urura(ascites).

8: beerka oo barara.



Calaamadaha dareensidaha

1: Garashada oo isbeddesha.

2: xusuus xummo, feker xumo, qofka ilaawa hab-nololeedkiisa maalinlaha waxa uu qaban lahaa(dementia).

3: murqaha indhaha oo naafoowa(ophthalmoplegia).


Wadnaha. 


1:Ololka ku dhaca xuubka wadnaha.

2: Olol ku dhaca halbowle quudsha wadnaha.




Baadhitaanka


1:Biopsy. waxa muhiim ah  in laga qaado cad si markaa go'aan looga gaadho.  Iyadoo laga soo qaadayo dahaarka xiidmaha yaryar. Waxa la isticmaalayaa tubbada hunguriga qeybta sarre (upper endoscop).


2:Blood tests. baaritaanno dhiig ah ayaa bukaanka loo dirayaa sida dhiigga guud, xaalada qaar uu keeni karo ayaa jirra xanuunkan sida dhiig yari( anaemia), in ay yaraato ribanaanta borotiinka albumiinka.


Daaweynta. 


In la siiyo bukaanka dawooyinka antibiotics waqti dheer si markaasi looga taqaluso bakteeriyada. Labo iyo afar isbuuc waxa la siinayaa ceftriaxone ama penicillin G sidoo kale waxa la siin karaa meropenem iyado laga siinayo xiddidka. Intaas kaddib waxa la siinayaa dawooyinka kale sida sulfamethoxazole-trimethoprim (Bactrim, Septra) iyadoo la qaadanayo sannad ama labo sanno. Sidoo kale dawooyinka kale ee la siin kara waxa kamid ah doxycycline iyadoo afka laga qaadanayo. Waxaa loo raacinayaa sida Hydroxychloroquine


Waxaa kaloo la siinayaa faytamiinno iyo macdanno,  maadama aanu nuugi karin xiidmaha nafaqada cunnada(vitamin D, folic acid, calcium, iron and magnesium).


Waxaa kaloo la siinayaa fuuq celin ( fluid replacement).



Tixraaca 

Buugga Robbin pathology. 

Buugga imaamu daanish.

Website medscape.


W/Q:Indha_caad 

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad