Casharka 29aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system).
Casharka 29aad
Malaxda marrinka saxarada(perianal abscess).
Wa malax ku urureyso guddaha nuddaha ku wareegsan marrinka saxarada iyo malawadka. Badanaa waxay ka dhallataa caabuq ku dhaca qanjidhada marrinka saxarada. Bilowga malaxdani waxay ka imaneysaa hambaabuqa ku dhaca qanjidhada marinka saxarada, kuwaaso ku yaala hareeraha marrinka saxarada. Caabuqa waxa uu ku faafayaa hareeraha nuddaha, waxa uu keenayaa sameysanka malaxda. Waxa keenna bakteeriyo gaar ahaan E.coli,strephylococcus aureus. Malaxdani waxay keeneysaa nuddaha in ay burburiso iyo in ay ka dhallata falcelin ololeed(inflammation)taasoo keeneysa xanuun iyo barar. Bacteeriyada waxay xiddheysaa qanjirada ku yaala marrinka saxarada.
Maxaa keenna?
1: Waxa keenna caabuqa ku dhaca qanjirada ku yaala marrinka saxarada. Sidaasina ay ku timaado sameysanka malaxda.
2: Caabuqa ku yimaada ku ama dilaac ku yimaada marrinka saxarada iyada waa ay keeneysaa. Dhaawacaasi waxa uu sababayaa in ay meesha noqoto mid caabuq ah.
3: Sidoo kale waxa keenna bakteeriyada sida caadiga ugu nool xiidmah iyada waa keentaa caabuqa ama malaxda marrinka saxarada.
4: Waxa kaloo keeni kara xanuunnada lagu kala qaado galmada ( sexual transmitted disease).
5: Sidoo kale waxa qatar ugu jira dadka macaanka qaba. Qofka macaanka qaba haddii ay sokortiisa kacsan tahay ama aysan lahayn xakameyn wanaagsan, waxa shaqadiisa xumaaneysaa difaaca jirka, sidaasi waxa ugu nuglaaneysaa in bakteeriyada faa'ideysato.
6: Waxaa sidoo kale u unugul dadka difaacooda hooseeyo, sida dadka qaba xanuunka aydhiska.
7:Waxaa kaloo u nugul qadka qaba xanuunkan Irritable bowel syndrome (IBS).Waa xanuun saameeyaa caloosha, xiidmaha. Qofkuna waxa uu caloosha ka dareemaa raaxo darro, qofka waxa isku arkayaa calool xanuun,shubban ama calool fadhi
8: waxaa kaloo u nugul dadka Crohn’s disease Waa xanuun ka mida kuwa loo yaqaan IBD(Inflammatory bowel disease) waxa uu ku dhici karaa meel kasta oo ka mid ah inta u dhaxaysa afka ilaa dabada walaw uu ku badan yahay qaybta ka mid ka ah mindhicirka yar ee loo yaqaan Ileum oo ah qaybta ay iska sii galaan mindhicirka wayn ,waa xanuun burburiya ama dhaawac u gaysta afarta lakab ee uu ka samaysan yahay gidaarka mindhicirku(mucosa,submucosa,muscle ,serosa).
9: Dawooyinka sida dawada loo qaato in lagu yareeyo ololka, xasaasiyada darran( prednisone) dadka qaata qatar ayay ugu jiraan.
Calaamadaha.
1: Xanuun darran oo laga dareemo hareeraha marrinka saxarada.
2: Barar hareeraha marrinka saxarada.
3:Casaan maqaarka ku hareereysan marrinka saxarada, inuu noqdo mid ah olol( inflammation).
4: Qandho taasoo muujineyso caabuq.
5: Qoyaan, kaasoo ah malax ama dhiig.
6: Qofka in ay ku adkaato inuu saxaroodo, isagoo dareenayo xanuun,barar.
7: Xanuun laga dareemo qeybta hoose ee caloosha.
Baadhitaanka.
1:Visual Inspection: In la eego ama la fiirsho marrinka saxarada haddii ay leedahay casaan, barar iyo malax.
2:Digital Rectal Examination (DRE): waxa lagu ogaanayaa haddii uu jirro kuus, hareeraha marrinka saxarada, ama daqansho guddaha malawadka.
3:Ultrasound: waxa uu innaga caawinayaa in aynnu ku aragno malaxda,iyadoo lagu go'aaminayo cabirka iyo barta saxda(transrectal ultrasound).
4: MRI (Magnetic Resonance Imaging): Waxay inna siinayaa faahfaahin buuxda, barta ay dhibaatada ka jirto, gaar ahaan waxa uu faa'iido u leeyahay marka ay adkaato in la ogaado iyo haddii ay jirto darnaansho malaxeed.
5:Blood Tests: hubbinta dhiigga guud, iyadoo lagu ogaanayo caabuqa, sida haddii ay kacsan yihiin unugyada cascas.
6:Culture of Discharge: Qoyaanka ka yimaada marrinka saxarada ayaa laga qaadayaa iyadoo loo sameynayo baaritaan( culture) si loo caddeeyo bakteeriyada saxda, si markaasi loo siiyo dawada qalajiyaha ku habboon.
Daaweynta.
1:Procedure: Waa hab looga soo saarayo malaxda ama dheecaanka ku jira marrinka saxarada. Iyadoo bukaanka la siinayo kabaabiso.
2:Pain Management: Waxa la siinayaa xanuun bi'iye si loo xakameeyo xanuunka. Sida Acetaminophen (Paracetamol),Ibuprofen (Advil, Motrin).
3:Antibiotics: waxaa kaloo la siinayaa qaliye sida Amoxicillin-Clavulanate (Augmentin),waxaa kaloo la iskugu darayaa Ciprofloxacin iyo Metronidazole.
4: Qofka waxa la siinayaa dawooyinka saxarada jilciya si aysan meesha dhaawac kale ugu imaan(Laxatives).
5:Wound care: qofka waa in mar waliba ku meydhaa boogta biyo diiran, tani waxay ka saacideysaa nadaafada meesha, iyo reysashada.
Tixraaca.
Buugga Harrison internal medicine.
Bogga medscape medicine.
MayoClinic.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment