Casharka 30aad

 Hab-dhiska dheefshiidka ( digestive system)


Casharka 30aad


Kansarka caloosha(stomach cancer).


Waa badasha ama xad ka baxa unugyada caloosha ay sameeyaan. Isagoo ka imanaya dahaarka caloosha , ama waa buro kansareed ka soo baxda daahaarada caloosha. Waxa uu ku dhici karaa qeyb kasto caloosha ka mid ah.

Bilaabashada kaankarada caloosha,  waa isbeddel ku yimaada hiddaha qofka, sababo deegaanka la xidiidha,kuwaaso isbeddel ama dhalan rogad ku sameysmaya unugyada caloosha, kuwaasoo noqonaya buro kansareed. Si sax umma cadda waxa dhabta ee keenna. Qubarada caafimaadka waxay sheegaan in uu ka bilowdo waxyaabo dhuca dahaarka caloosha. Tusaale in qofka caabuq uu qabo,  waqti dheer uu qofka leeyahay gaas calooleed, cunista cunnooyinka ay ku badan tahay cusbada.Kaankarada caloosha waxa uu ku bilowdaa marka uu dhaac gaaro unugyada caloosha ee guddaha dahaarka ubucda. Waxay keeneysaa in ay dhallan rogmaan hiddaha sidaha. Hiddaha isbeddelay waxa uu keenayaa in ay si dhaqsi leh isku badiyaan unugyada iyagoo ka baxaya xadkii loogu tallagalay. Unugyadaa isbeddelay waxay saameynayaan unugyada kale ee badqaba, taasi waxay keeneysaa in unugyo tira badan ay sidaas ku sameymaan, unugyadaasi ay noqdaan kuus ama burro. Unugyada kansarka ee caloosha waxay burburinayaan nuddaha jirka ee badqaba, waxay noqonayaa mid si qoto dheer ugu baaha darbiyada caloosha. Waqti kaddib kansarka waxa noqonayaa mid u faafa jirka intiisa kale,  waxa loo yaqaana kansarka faafa(metastasis). Kansarka ugu caansan caloosha ku dhaca( Adenocarcinoma). Waa hiddaha oo isbeddella  kansarka(oncogenes e.g., KRAS, EGFR). Sidaasna ay ku bataan unugyada.


Maxaa keenna.


1: Cabuuqa H.PYLORI waa midka ugu horeeya ee keena ama qatar u galin kara in qofka ku dhaco kansark caloosha, ololka raaga waxa uu keenayaa in uu isbeddel ku sameeyo unugyada caloosha.


2: Cunnada: Qofka qaata cunooyinka ay ku badan tahay cusbada, qaadasho yarida qudaarta, iyo miraha.


3: sigaarka iyo qamriga waa waxyaabaha iyaga unugleyn karo ayay ka mid yihiin kansarka caloosha. 


4: Caabuqa uu keenna fayruska (Epstein-Barr virus), iyo dhiigyarida, dadka ka shaqeeya meelaha warshadaha intaas oodhan waxa ay ugu jiraan qatar wayn.


5:Dubista cuntooyinka (Nitrosamine)


6:Sunta kadhalata qiiqa marka lagubo waxyaalaha duxda leh  ayaa iyana ka  mid ah waxyaalaha qarxiya Kansarka-caloosha


 7:Sunta kadhalata walxaha caaryaystay (Aflatoxine) iyo Cuntooyinka xumaaday.


Baadhitaanka.


Marka ugu horreysa ama heerka bilowga ma lahan wax calaamad ah kansarka caloosha.


Waxa jira calamaado markaa la yimaad.


1: Miisaanka oo hoos u dhaca.

2: Calool xanuun.

3:Lallabo iyo matag.

4:Liqida oo adkaata.

5:Haddii uu waxyar cunno uu dareemo dharag.

6:Saxaro madoobaad, taasoo muujineyso dhiig bax, qofka ku keeneysa dhiig yari.

7:Laab xanuun.

8: Daal aad u darran


Baadhitaanka. 


1:Endoscopy:  Waa baaritaanka ugu muhiimsan ee loo sameynyo qofka qaba kansarka caloosha, iyadoo laga soo qaadayo cad.


2:CT SCAN, PET SCAN IYO endoscopic ultrasound (EUS) waxa lagu qiimaneynayaa xaddiga cudurka iyo heerka uu marayo.


3:Histopathology:  Waa baaritaan cad oo laga qaadayo si loo soo xaqiiyo nooca kansarka iyo heerka uu yahay. 


4:Laboratory Tests: waa hubin dhiigga ah iyadoo la baarayo dhiig yaraan, waxaa kaloo la baarayaa dheecannada beerka, iyo cadeeyayaasha burada.


Daaweynta.


Surgery: Waa daweynta ugu horreyso  ee loo sameynayo qofka qaba kansarka caloosha. Sida qeyb in la saaro ama iyada dhan(gastrectomy with lymph node dissection).


Waxaa kaloo loo sameynayaa chemotherapy qaliinka ka hor ama qaliinka kaddib.

Waxaa kaloo loo sameynayaa radiotherapy  iyadoo la iskugu darrayo chemotherapy. 


Targeted Therapy: Waxay xidhayaan HER2  sida dowooyinka trastuzumab, pembrolizumab.


 Tixraaca 


1:Robbins & Cotran Pathologic Basis of Disease 

2:Harrison's Principles of Internal Medicine


3:Kumar and Clark's Clinical Medicine:


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad