Casharka 33aad

 Hab-dhiska dheefshiidka (digestive system)


Casharka 33aad


Dhiig baxa qeybta sarre ee uur ku jirta(Upper GI bleeding).


Waa dhiig bax ka iman kara asalkiisa, qeybta sarre ee dheef shiidka,  waxa ka mid ah hunguriga, caloosha, qeybta kowaad ee xiidmaha yaryar(labo iyo tobanlaha/ duodenum). Waxa jirra muruq jilicsan oo isku xidha qeybta koowaad xiidmaha yar iyo qeybta labaad xiidmaha yar, muruqaasi waxa uu  innaga caawinayaa in aynnu kala saarno dhiig baxa ma waxa uu ka jiraa qeybta sarre ee dheefshidka mise qeybta hoose ee dheefshiidka(ligament treitz).


Maxaa keenna


1:Ololka ku dhaca hunguriga ( esophagitis).


Nabarka  ku sameysma hunguriga, waxa uu keenayaa olol,  ololkaasi waxa uu dhaawacayaa ibitiiliyamka siman.  Waxa kaloo uu dhaawacaa xabab xiddideedka( submucosal vessels),waxa bilaabanaya dhiigga  ka imanaya nabarka sameysmay, taasi waxa keeni kara, gaaska, kiimikaadka qaarkiisa uu qofku liqo.


Isbeddelka xiddidada(vascular abnormalities).


Qaade kacsaneedka(portal hypertension) waxa siyaadaya cadaadiska dhiigga guddaha habdhiska qaadista, taasoo horseedeysa qeybta sarre dhiigga baxa dheefshiidka. Sidee ayay ku dhacdaan sidan. Inuu weynaado xiddidada hunguriga(Esophageal Varices), Kacsan qaadaha( portal hypertension) waxa uu keenayaa inuu qaldamo dhiigga beerka ka yimaada isagoo dhex maraya uruuriye xidideedka(colleteral veins) kaasoo keenaya  sameysanka weyninka xiddidka hunguriga, iyo caloosna.  Cadaadiskaas xooggan waxa ka dhallanaya inuu qarxo xiddidka, waxa sidaas ku imanaya dhiig baxa qeybta sarre ee dheefshiidka. 


Weyninka xiddidka caloosha(gastric varices) waxa uu la mid ah yahay weyninka xiddidka hunguriga ( Esophageal Varices) sida u dhaco.  Kan caloosha waxa siyaada cadaadiska xiddidka,  waxa uu noqonayaa mid weynaada caloosha dhexdeeda xiddidka, waxa uu horseedayaa inuu qarxo xiddidka sidaasna uu ku yimaado dhiig baxa qeybta sarre ee dheefshiidka. 


2:Boog calooleedka (peptic ulcers).


Isbeddelka xuub xabeedka( mucosal erosion). Boog calooleedka waxa uu ka yimaadaa Isbeddelka ku yimaada xuub xabeedka ku dahaaran caloosha ama xiidmaha yar taasoo ugu wacan qalqal ku yimaada aysiidha caloosha iyo bebsiinka. Iyo waxyaabaha difaaca  xuub xaleedka, iyo baaykaarboneeda. Marka uu dhoco xoqitaanka xuub xaleedka ama lakabyada muruqa waxa uu gaarayaa xiddidada dhiigga siiya, taasina waxay keeneysaa dhiig bax qeybta sarre ee dheefshiidka. 


Caabuqa bakteeriyada H. PYLORI.

Bakteeriyada waxay dhaawaceysaa xuub xaleedka ku daahaaran caloosha,  iyo waxay keeneysaa ololka,  intaas isku darsankooda waxay sababayaan sameysanka boog,  iyo dhiig.


3:Isticmaalka dawooyinkab NSAIDs .


Waxay xidhayaan faldajiyaha (COX-1 AND COX-2)  waxay hoos u dhigayaan soo saaritaanka difaaca xuub xaleedka caloosha ku dahaaran.  Xuub xaleedka waxa u nuglaanayaa inuu dhaawac soo gaadho caloosha isagoo ka imanaya aysiidha caloosha. Taasina waxay keeneysaa inuu sameysanto boog, sidaasna dhiig bax xooggan ku keento.


4:Soo deynta aysiidh badan(Acid Hypersecretion).


Waxa keena xanuunka loo yaqaanno Zollinger-Ellison Syndrome (Zollinger-Ellison Syndrome sababtuu u keeno boogtu waxa weeye waxa uu sabbaa inay unugyada (G cells) ee caloosha soo daayaan gastrin badan gastrintaasina ay sababto inay unugyada caloosha ee (Pariatel cells) ka loo yaqaanaa soo daayaan aysiidha (gastric acid – HCL). Sidaasina waxa ku kordhaya aysiidha caloosha. Iyadoo keeneysa boog,  haddii ay boog sameysantana waxa imanaya dhiig bax oo qofka qatar ugu jiraa.


5: Ololka caloosha( gastritis)


Ololka caloosha ku dhaca waxa uu dhaawacayaa xuub xaleedka caloosha ku dahaaran, kaasoo horseedaya in sameyseynto nabar,  nabarkaasi waxa uu keenayaa in ay xiddidada dhiigga dhaawacmaan ,deedna sidaasi dhiig baxa ku yimaado.


Qambriga.


Qofka cabba qamri badan  waxa uu dhaawacayaa xuub xaleedka caloosha taasina waxay ka qeyb qaadaneysaa ololka caloosha iyo in ay keento dhiig bax.


6:A Mallory-Weiss tear: Waxa uu sababayaa dhiig baxa qeybta sarre ee dheefshiidka, isagoo ka dhalanayaa dilaac ka yimid xuub xaleedka u dhexeeya hunguriga iyo caloosha is-galkooda. Sidee ku keenayaa?

 Sameysanka dilaac. Waxa ugu wacan dhicintaanka dilaaca, siyaaditaanka dagdaga cadaadiska guddaha ee caloosha. Taasoo keeneysa matag xoogga, ama qufac, cadaadiskaan waxa uu keenayaa dilaac dhereran ee xuub xaleedka,  sidaasna dhiig bax ku yimaado.


7:Kansar.


Kansarada ku dhaca hunguriga, caloosha, xiidmaha yar , waxay dilaacinayaan xiddidada dhiigga ee xuub xaleedka kuwaasoo keenaya dhiig bax.


8:Sigaarka.


Sigaarku waxa uu siyaadinayaa qatarka uu boog calooleed ku sameysmi karro, isaguu carrina soo saarka aysiidha, isagoo hoosna u dhigaya baaykaarboneeda soo saaristeeda, iyo inuu xumeeyo socodka dhiigga xuub xaleedka, iyo reysashda boog calooleeda. Nabarkaasi waxa dilaacinayaa xiddidada dhiigga, isagoo keenaya dhiig bax.


Calaamadaha. 


1:Hematemesis: Mataga oo lagu arko dhiig.


2:Anemia : dhiig yari, daal, neefsahada oo adkaatada, garaaca wadnaha oo siyaada. Wareer.


3:Abdominal Pain: calool xanuun.

 4:Melena: Saxarada oo dhiig lagu arko.

5: Qofka oo dareema bog xanuun.

6: Pallar: maqaarka isbeddela taasoo ugu wacan tahay dhiig yaraanta.


Baadhitaa. 


1:Esophagogastroduodenoscopy (EGD),  waa waxa ugu horreyo go'aanka looga gaari si loo ogaado barta saxda uu dhiig baxa ka jirro,  si markaasi loo gaaro daweyn sax ah.


2: Laborato test: hubbintan sheybaadhka waxa lagu ogaanayaa haddii ay jirto dhiig yari,  shaqada beerka, xinjirowga dhiigga. 


Daweyn. 


1:Resuscitation:  In bukaanka la siiyo fuuq-celin,  haddii laga maarmi waayana in dhiigu lagu shubbo. 


2:Medications: waa in bukaanka la siiyo dawooyinka aysiidha hoos u dhiga(proton pump inhibitors) sida ezomoseprozole. Iyo qalajiye.


3:Sedation: Si loo xakameeyo qulubka iyada waxa la siinaya diazepam.


4:Endoscopic Therapy:  waa qalab loo isticmaalayo in lagu joojiyo dhiig baxa.


5:Haddii ay jiraan burooyin in loo sameeyo bukaanka qaliin oo laga soo saaro si dhiig baxaasi loo yareeyo.


 Tixraaca. 

Yamada's Textbook of Gastroenterology.

Current Diagnosis & Treatment: Gastroenterology, Hepatology, & Endoscopy

Sleisenger and Fordtran's Gastrointestinal and Liver Disease"


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad