Casharka 34aad
Hab-dhiska dheefshiidka (Digestive system).
Casharka 34aad
Dhiig baxa qeybta hoose ee dheefshiidka(Lower GI bleeding).
Dhiig baxaasi asalkiisa waxa uu ka imanayaa xiidmaha waa wayn, malawadka, ama marrinka saxarada.Sidee ayuu ku yimaadaa dhiig baxan. Waxa jirra waxyaabo badan oo ka qeyb qaadanaya. Waxa ka mid ah.
1:Diverticulosis: Waa kuusyo yaryar oo ka soo baxa xiidmaha waa wayn, ama guddaha xiidmaha. Iyagoo soo duleelinaya darbiyada xiidmaha. Kuusaskaasi waxay saameynayaan xiddidada quudinaya xuub xaleedka,
waqti badan kaddib xiddidada waxay noqonayaan kuwa kala baxa, jilca, kuwaasoo u nuglaanaya dhaawaca. Cadaadiska ka yimaada saxarada ama xiidmaha waa wayn ka jirra ayaa sababaya dilaac ku yimaada xiddidada, taasina waxay keeneysaa dhiig bax.
2: Ischemic colitis: waxa uu dhacaa marka uu yaraado qulqulka dhiigga qeyb ka mid ah xiidmaha, taaso keeneysa dhimasho dhiig yari, iyo olol ku yimaada xuub xabeedka xiidmaha waa wayn. Dhaawaca soo gaadhaya xuub xaleedka iyo nabarka: xumaanshaha qulqulka dhiigga waxa uu saameynayaa xuub xaleedka xiidmaha waa wayn oo noqonaya bilaa hawo (hypoxia ) iyo olol( inflammation), dhaawacaas xuub xaleedka iyo nabarka iyo dhimashada soo gaadha ayaa sababaya dhiig yaradi ku timaado xiidmaha waa wayn. Cadaadis badan kaddib waxa imanaya dhiig.
3: Inflammatory Bowel Disease (IBD): Waxa la isku yiraahdaa dhowr cudur, oo ah ololka raagga(chronic Inflammatory).mid mid ayaanu u shageeneynaa.
Ulcerative colitis: Waa xaalad olol ku yimaada iyo nabar ka soo baxa guddaha xiddimaha waa wayn. Waa midka ka mid ah ololka ugu caansan. Waxa uu saameeyaa qeybta hoose ee dahaarka ee xiidmaha waa wayn(colon), iyo malawadka.Haddii aan la daweyn xaaladani waxay keeneysaa qatar halis ah, oo nabar ah.
Crohn’s disease:Waa xanuun ka mid ah kuwa loo yaqaan IBD(Inflammatory bowel disease) waxa uuna ku dhici karaa meel kasta oo ka mid ah inta u dhaxaysa afka ilaa dabada walaw uu ku badan yahay qaybta ka mid ka ah mindhicirka yar ee loo yaqaan Ileum oo ah qaybta ay iska sii galaan mindhicirka wayn ,waa xanuun burburiya ama dhaawac u gaysta afarta lakab ee uu ka samaysan yahay gidaarka mindhicirku.
4: Kansarka Malawadka.
Burada kansarka marka ay sameysanto waxa ay sababeysa xirran guddaha xiidmaha waa wayn. Xirrankaasi waxa uu sababayaa in la burbursho oogada xuub xaleedka. Dhiig baxa sababta uu ku imanayaa waxay tahay qofka marka uu saxaroonayo cadaadiska saxarada ayaa keenaya dhiigga sidaasni ayuu dhiig baxa ku iman karaa. Kansarkana ku keeni karaa.
5:Polyps: kuus ka soo baxa xiidmaha waa wayn waxa uu keenayaa cadadka(tissue)uu isbeddel ku keeno. Beddelanka cadkaasi waxa uu saameynayaa xiddidada dhiigga, taasina waxay keeneysaa dhiig bax.
6:Baabasiirka: Baabasiirka waxa uu keenayaa in ay bararto marrinka saxarada iyo in ay xiddidada noqdaan olol guddaha malawadka(vasculitis),iyo dabada, taasi waxay keeneysaa qofku inuu dareemi waayo raaxo nafiseed iyo dhiig bax.
7:Angiodysplasia: Xiddidada sidii caadiga ahayd laga rabbay in aanay noqon, Xiddidada waxay sameynayaan kala bax gaar ahaan kuwa xiidmaha waa wayn. Hab-sameysankaasi qaldan ee Xiddidka waxa uu keenayaa dhiig baxa qeybta hoose ee dheefshiidka gaar ahaan dadka waa wayn. Dhiig baxaasi xiddidada ay samaynayaan waxa keeni kara cadaadis ka yimaada xiddidada gudahooda, waxa ugu wacan xaalado qaar ah qofka oo leh calool fadhi raagga, taasina waxay keeni kartaa dhiig bax. Waxaa kaloo keeni kara duqowga xiddidada. Duqownimada xiddidada waxay keeneysaa inay dabcaan darbiyada xiddidada , sidaasina ay ugu nuglaadaan inay xiddidada qarxaan.
8:Dilaaca marrinka Saxarada. Waa dilaac yar ku imanaya marrinka saxarada, taasoo ugu wacan saxarro adag oo soo marta. Cadaadiskaas xooggan waxa uu keeni karaa xanuun darran, taasoo keeneysaa in uu dhiig yimaado. Dilaca marrinka saxarada sidaas ayuu ku yimaada.
Calaamadaha.
1:Hematochezia: dhiig casaan xigeen ah in malawadka uu ka yimaado.
2:Melana: Saxarro dhiig .
3:Abdominal Pain: calool xanuun.
4:Diarrhea: Shuban.
5:Anemia: dhiig yari, daal neefsahado oo adkaata.
6:Laab xanuun.
Baadhitaanka.
1:Laborato test: hubbintan sheybaadhka waxaa lagu ogaanayaa haddii ay jirto dhiig yari, shaqada beerka, xinjirowga dhiigga.
2:Colonoscopy: hubbin tubbo dhuuban oo kamarad ku xidhan tahay, waxay innaga caawineysaa in aynnu qiimeyn ku sameyno xiidmaha waa wayn iyo halka dhaawacu ka jirro, ama sababta dhiig baxa keentay. Sidoo kale waxay innaga caawineysaa in la xakameeyo dhiigga.
3: Sigmoidoscopy: waxa lagu ogaanayaa qaybta xiidmaha iyo malawadka si loo xaqiijiyo dhiigbaxa asalkiisa.
4:CT angiography: Waxa uu faa'iido innoo leeyahay in la ogaado barta saxda ee dhiig baxa.
Daaweynta.
1:Bukaanka in lagu xidho hoore ama dhiig, haddii ay jirraan hoos u dhac mugga jirka iyo dhiig yaraan in la xalliyo. Macnaha qofka haddii dhiig badan ka baxay lagu celsho.
2:Bukaanka haddii uu qaadanayay dawooyinka xinjirowga dhiigga looga hortago waa in uu joojiyaa. Waxaa kaloo la daweynayaa dhiig baxa waxa keenay, sababaha keenay oo aynnu kor ku soo xusnay.
3:Endoscopic hemostasis: Waa hannaan dhiigga loo joojiyo si markaasi loo xakameeyo dhiig baxa( clipping, cauterization, injection therapy).
4:Haddii dhiig baxaasi lagu guul-darreysto bukaanka waxaa loo sameynayaa qaliin, kaasoo badh ka mid ah xiidmaha la saarayo haddii ay lagama maarmaan noqon weyso.
Tixraaca
1:Strate, L. L. (2005). Lower GI bleeding: epidemiology and diagnosis. Gastroenterology Clinics of North America, 34(4), 643-664.
2:Laine, L., & Oldenbourg, D. (2019). Management of Patients with Acute Lower Gastrointestinal Bleeding. The New England Journal of Medicine, 381(19), 1851-1854.
3:Zuccaro, G. (1998). Management of the adult patient with acute lower gastrointestinal bleeding. American Journal of Gastroenterology, 93(8), 1202-1208.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment