Casharka 35aad

 Hab-dhiska dheefshiidka (digestive system).


Casharka 35aad


Eerno (hernia)


Eernada waxa ay badanaa ka soo muuqataa ubucda,  waxay sidoo kale kasoo muuqan kartaa miskaha iyo xudunta. in kastoo eernada aysan ahayn xaalad nafta halis ku ah, is lamarkaana sida kaliya ee lagu daweyn kara ay tahay qaliin maadaama ay eernadu tahay kuus kasoo muuqda maqaarka dushiisa oo ay keentay in xubin ay soo riixday furitaan amaba meel ay firaaqo ka jirta oo noqon karta mindhicirada, xudunta amaba firaaqo u dhaxaysa murqaha dhaxdooda. eernada ayaa ku badan dumarka. waxaana sahlan in xubnaha uur ku jirta ahi u bari baxaan dhexyaalada miskaha, iyagoo dhaafaya ama dilaacinaya xuubka u dhaxeeya labada gobol.


Noocyada Eernada.


1-Eernada loo yaqaano inguwaanal eenriya waa nooc ugu caansan 70% ayaa lagu arkaa dadka eernadaan, eernadaan waxaa ay dhacdaa marka ay xiidamaha kusoo riixmaan darbiga jilicsan ee caloosha ama marka uu jeexmo gidaarka hoose ee caloosha oo ay so gallaan xiidmaha. Noocaan waxa ay u ku badan tahay raga marka loo eego dumarka.


2- Eernada caloosha ay soo gasho darbiga saableeyda (Hiatal hernia). Waa nooc kamid noocyada  eernada waxa aana badanaa lagu arkaa dadka da’ahaan ka weyn 50sano, waxa ay dhacdaa eernadaan marka ay caloosha soo gasho darbiga saableyda ama daloolka xabka (Chest Cavity).


3- Ernada xadunta( Umblical Hernia ) Waa nooc kamid eernada. Eernadaan waxaa aydhacdaa marka ay ka soo baxdo xadunta booskeeda. Waxa ayna ku dhacdaa  badanaa caruurta ka yar lix sano, iyo Hooyoyiinka uurka  badan qaadday sidda in ay Hooya oo dhasho 15cunug iyo wixii ka badan. Sababtuna waxa ay tahay  qaaddista badan ee uurka Hooyada waxa ay jiliciyaan murqaha caloosha.


4-  Nooca 4aad ee ugu caansan eernooyinka waa  eernada loo yaqaan insiishan(Incisional hernia) eeranada waxaa lagu arkaa qofka marka qalliin lagu sameeyo caloosha ka dib. Qalliinka marka uu qofka ka reysto meesha waxa ay yeelataa raad afka qalaad loo yaqaano (Scar),marka ay   raadka qallinka uu reebey ay soo  riixmaan  mindhicarad  ama ay soo gallaan ayaa waxaa dhacdo eernadaan loo yaqaano insiishan.


5- Waxay kaloo eernadu ka samaysmi kartaa lugta qeybteeda kore meesha xididada sinta iyo lugta kaga gudbaan, waxaana loo yaqaanaa "Femoral hernia"


Maxaa keeno eernada?


Waxa ugu badan waa cadaadis si kadis ah loo saaro murqaha caloosha sida in aad si qaldan wax culus u qaado oo kale, qufac joogto ah aad lahayd, qaliin horay loo sameeyay sida haweenka ilmaha lagu qalo dhowr jeer, ama calool fadhi muddo jirray oo aad la jiiranaysay ama dhaawac gaaray murqaha ku daboolan caloosha ama ooyinta badan markay carruurta yaryar yihiin.


Calaamadaha.


Meel caloosha ka mid ah oo soo kuusan ayaa badanaa la isku arkaa, cadaadis ama xanuun, marmarka qaar waxba lama dareemo.

Xaaladaha qaar, waxay noqontaa xaalad degdeg ah (emergency)markii mindhicirka banaanka u soo baxay uu ceejismo ama maroojismo, taasoo keenayso in dhiigga ka xirmo.


Sidee lagu ogaadaa in eerno aan qabo?


Badanaa lama sameeyo wax baaritaan dhiigag iyo wax la mid ah si loo ogaado ay jirto eerno ama bog-dillaac.

Dhakhtarku wuu ku wiisiteyn doonaa oo gacantiisa ayuu ku raadin doonaa in eerno ay jirto, waxaa laga yaabaa inuu ku amro in aad qufacdid ama istaagtid si loo fiiriyo in eernadu ay jirto.

Waxuu dhakhtarka markaa ka dib kuu diri doonaa scan ama computer si warbixin dheeraad ah looga helo eernada iyo heerka ay gaarsiisan tahay.


Eernadu yay ku badan tahay?


Waxay ku badan tahay ragga khaas ahaan kullamaa ay sii waynaadaan, waxay ku sii badan tahay dadka xamaallida ah oo qaado waxyaabaha culculus, dadka ceelasha shubo, dadka dhagaxaanta jabiyo iyo qofkasta oo howl culus qabto oo wax qaadis ah.


Sidee loo daaweeyaa?


Xanuunka eernada daawadiisu waa qalliin, ma jiro daawo afka laga qaato ama cirbado wax ka tara.Waxaana fiican in lagaa qalo marka ay cusub tahay, marmarka qaar waxaa dhacdo in mindhiciradu marka ay soo baxaan in ay maroojismaan oo dhiigga ka xirmo taasoo ah xaalad dagdag ah.


Qalliinku wuu fudud yahay haddii aysan wax cillad eernada ka baxsan aysan jirin.


Sidee looga hortagaa eernada?

Waxaa looga hortagi karaa adigoo raaca talooyinkaan:

1- Wax aad u culus ha qaadin, haddii aad qaadidna calooshaada haka kor marinin.

2- Haddii ay saxaradu kugu adag tahay, isku day in aad cunno ama daawo ku socodsiiso, iska ilaali jiirashada.

4- Haddii aad leedahay qufac siyaado ah, u tag dhakhtar si lagaaga daaweeyo.

5- Haddii qalliin lagugu sameeyo, raac talooyinka dhakhtarka, iska ilaali in aad wax culus qaadid.


Dheegasho.


Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad