Casharka 37aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system)
Casharka 37aad
Zenker ‘s Diverticulum
Wa maxay Zenker’s Diverticulum-ku ?
Zinker ‘s Diverticulum waa dhalan rogad ku dhaca xagga sare ee muruga sare(UES-upper esophegeal sphincter) ee hunguriga halkaas oo uu ka samaysmo kiish ay cuntada qayb ka mid ahi ku leexato kaddib qofku uu ka cawdo neefta oo xumaata(bad breath,halitosis).
Calaamaddaha lagu garto.
Calamaaddaha xanuunkan waxa ka mid ah qofka neeftiisa oo xumaata ,bilawga cunto liqitaanka oo ku adkaato ,cunto uu mar hore cunay qaybo ka mid ah oo uu ku arko barkinta dusheeda markuu hurdada ka kaco (regurgitated food).Qufac ay sabab u tahay cuntadaas oo u leexata xaga hunguriga cad ee ay hawadu marto maadaama ay isu dhow yihiin halka uu ku dhaco.
Sidee loo baadhaa ?
Waxa lagu baadhaa si loo hubiyo inuu xanuunkani keenay neef xumida maadamaya jiraan sababo kale oo neefta u xumaan karto ama ay qofka ugu adkaan karto liqitaanku waxa loo yaqaan Barium swallow oo ah walaxda Barium ka la yidhaah oo uu liqaya bukaanku isla markaana lagu sawirayo X-RAY walaxdaas oo ka caawinaysa X-ray ga inuu si hubanti ah u sawiro kiishka samaysmay .
Sidee loo daweeya ?
Waxa lagu daweeyaa bukaanka haddii la xaqiiiyo inuu qabo Zenker diverticulum qaliin lagu jarayo kiishka samaysmay .
W/Q:DrMawliid Kudar
Comments
Post a Comment