Casharka 38aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system).
Casharka 38aad
Gastroschisis.
Gastroschisis waa xanuun ama dhibaato la soo darista carruurta kaas oo ah xiidmaha oo ka soo dhaca ubucda ilmaha xundhurta agteeda mararka qaarna ayba xubno kale dibada yimaadaan ,waxaana keenaa marka ilmuhu samaysmayo ee uu uurka ku jiro ayaa waxaan si fiican u samaysmin muruqyada gidaarka obocda(abdominal wall) kaas oo markuu ilmuhu dhasho halkaas kasoo dhacayaan xiidmaha ama xubnaha qaar ka mid ah sida beerka iyo caloosha .
Sababaha keena lama yaqaan(Unknown) se waxa loo aanaynaynaa inay la xidhiidho hidde sidaha(genetics) ka iyo arrimo deegaaneed,waxyaabaha soo dadajin karana waxa ka mid ah hooyada oo da’ yar , cabitaanka sigaarka iyo khamriga xilliga ay uurka leedahay.
Calaamaddaha lagu garan karo.
Calaamddo lagu garan karaa ma jiraan haddaan la baadhin intuu ilmihu uurka ku jiro ama aan lagu eegin Ultrasound balse marka uu dhasho ayaa qofkastaa arki karaa .
Sidee loo daweeyaa ?
Dawaynta ugu fiicani waa in lagu sameeyo ilmaha markii sidaa u soo dhaco ,haddii uu daloolka ubucda ku samaysani yar yahay markiiba xubnaha soo dhaca ayaa lagu celiyaa waana la xidhaa ,sidii uu wayn yahayna si tartiib ah ayaa loogu celiyaa oo wakhti dheer qadaan karta kabacdi marka lagu guulaysto in xubnigii lagu celiyay ubucdana waa la tolaaa.Carruurta xanuunkani ku dhaco sidoo kale waxa la siiyaa antibiotics si ay uga ilaaliyaan caabuq(infection) ,nafaqooyin ayaa laga siiyaa xididdada waxaana loo sameeyaa gargaar joogto ah .
Omphalocele .
Omphalocele ku isna waa mid la mid ah se waxa uu kaga duwan yahay waxa xundhurta ka soo baxa xiidmaha oo qudha kuwaas oo inta ilmaha yari uurka ku jiro badanaa xaga xundhurta gala kaddib marka uu koritaanku u dhammaystirmo dib u noqda se marka xanuunkani hayo dib uma noqdaan .
Sababaha keenaa sidoo kale lama yaqaan (Unkown) waxa se loo aanaynayaa xaga hide sidayaasha (genetics) iyo arrimo degaanka la xidhiidha waxaana soo dedejiya cabitaanka sigaarka iyo khamariga ,isticmaalka dawooyinka loo qaato dhimirka sida (SSRIs) xilliga ay hooyadu uurka leedahay iyo sidoo kale hooyada oo aad u buuran(obesity)
Dawayntu waa isku mid waana qaliin uun .
Imperforate Anus .
Imperforate anus sidoo kalena loo yaqaan ARMs(Anorectal malformations ) waa khalkhal samays oo lagu dhasho(congenital disorder) kaas oo ah mid aanu malawadku si fiican u samaysmin keenaysana dabo awdan ama futo xidhan oo uu ilmuhu ku dhalanayo taas oo sababaysa sida iska cad inaanu ilmuhu saxaroon karin ,noocyada xanuunkana waxa ka mid ah(inay dabadu wada awdantahay,inaanu malawadku ku xidhnayn mindhicirka intiisa kale,inay dabadu furantahay dalool yar oo aany saxaradu si fiican u dhaafi karin,iyo inuu mawladku isku furmaan qaybo kale ee jidhka )
Sababaha keena lama yaqaan(Unknown)
Calaamaddaha.
Calaamaddaha waxa ka mid ah :
Ilmahoo ku dhasha dabada oo awdan ama xidhan.Ilmaha oo dabadiisu ku taal meel u dhaw xubnaha taranka .Ilmaha oo aan saxaroon 24-48 saacaddood u horreeya.
Sidee loo daweeyaa?
Dawaynta ugu muhiimsani waa qaliin kaas oo ilmaha loogu furayo meel ay saxaradu kaga dhaafto,qalliinkaas oo hadba ku xidhnaan doonna nooca hayya iyo cillada jirta .
Sawirada eeg.
W/Q: Drmawliid ku-dar
Comments
Post a Comment