Casharka 39aad

 Habdhiska dheefshiidka (digestive system).


Casharka 39aad


Weyninka xiddida hunguriga(Esophageal Varices).


 

Badanaa waxa ugu wacan siyaaditaanka uu siyaado cadaadiska  aroore qaadaha beerka(portal hypertension).Badana waxa uu la xidhiidhaa adkaanshaha beerka(Liver Cirrhosis),waxa yaraanaya qulqulka dhiigga ee beerka, taasoo xirreysa xinjir. Taasoo keeni karta qatar halis ah. 


Maxaa keenna.


1:Chronic Liver Disease: Adkaanshaha beerka waa natiijo ka dhallata waqti dheer uu beerka dhaawacnaado, taasoo keeneysa in uu beerka adkaado,  iyo in ay sameysmaan kuusyo. Waxana keenna  hefeerka beerka oo raagga( chronic Hepatitis B, C) , cabidda qamriga, duxda beerka.


2:Fibrosis: beerka waxa uu noqonayaa mid miiqan, caadiyan dhiigga socodkiisa waxaa ku imanaya carqalad. Adkaanshahan waxa uu keenayaa xirran qulqulka dhiigga ee beerka.


3:Portal Hypertension: waxa siyaadaya cadaadiska aroore qaadaha. Waxa ugu wacan xirranka uu keenno adkaanshaha, qulqulka dhiigga ee beerka waa uu xumaanayaa taasoo siyaadineysa cadaadiska aroore qaadaha, isagoo ka masuul ah inuu dhiigga ka soo qaado habdhiska dheefshiidka uuna geeyo beerka.Kororka cadaadiska aroore qaadaha( portal hypertension) waxa uu keenayaa in ay sameysmaan xiddido cusub, iyagoo ka gudbaya beerka sida xiddid hunguriyeedka. Xiddidka hunguriga waxa uu sameynayaa kala bax kaasoo keenaya cadaadiska. Kaddib xiddidda waxay sameynayaan qarax sidaasna dhiig bax ayaa uu iman kara.


4:Portal vein thrombosis: Xinjirowga aroor qaadaha waxa keenna weynaanta uu weynaado xiddidka hunguriga,  taasoo uu xirmayo qulqulka dhiigga  ee dhex mara aroore qaadaha. Taasina waxay kordhineysaa cadaadiska aroore qaadaha. Jirka waxa uu isku dayayaa inuu saxo isagoo sameynaya xiddido cusub,  sida kuwa hunguriga, xiddidaasi waxay noqonayaan kuwa kala baxa iyo weynin, taasoo keeneysa in ay qarxaan, taasoo keeneysa dhiig baxa qatar ah.


5:Schistosomiasis waa caabuq uu keeno dulin( parasites) kaasoo sababo gooryaan(trematode worms).Schistosomiasis waxa uu sababayaa weyninka xiddidka hunguriga,  dulin ku noolaha waxa uu ka soo gudbayaa maqaarka kaddib marka uu soo haajiro waxa imanayaa beerka kaddib waxa u gudbayaa xiidmaha. Ukumaha uu dhallo waxay ku tarmayaan beerka iyo xiidmaha waxa ay keeneysaa  sameysanka kuus. Kuus kaasi waxa ka dhallanaya xirranka qulqulka dhiigga aroore qaadaha ee beerka taasina waxay siyaadineysaa inuu kordho cadaadiska aroore qaadaha(portal hypertension). Kaddib xididada hunguriga waxay sameynayaan kala bax,  kala baxaasi waxa uu keenayaa qarax uu qarxo xiddidka, taasina ay noqon karto halis xooggan


Calaamadaha. 


1: Badanaa waa calaamad la'aan ilaa uu xiddidka ka qarxo.

2: Mataga oo dhiig soo raaco.

3: Saxarada oo dhiig lagu arko.

4: Calaamadaha miir daboolanka lagu arko qofka, sida garaaca wadnaha oo siyaada, dhiigga hoos u dhaca.

5: cagoor show, caloosha biyo galaan, iyo beerka oo weynaado.


 Baadhitaanka. 


1:Gold Standard: hubbinta ugu fiican waa (Endoscopy) kamarada hunguriga la galsho. Taasoo ah mid la isku halleyn karro. Taasi oo sahleyso in si toos loo arko hunguriga, Lana cadeeyo cabirka, haddii ay jirto qatar dhiig bax ah.


 2:Waxaa kaloo loo dirsan karaa CT SCAN. MRA AMA doppler ultrasound  kuwaasoo lagu fiirinayo xiddidada dhiigga iyo qulqulka dhiigga, haddii uu jirro weynin xiddid hunguriyeedka.


3:Lab Tests: waxa la hubbinayaa shaqada beerka, heerka xinjirrowga dhiigga, dhiigga guud.


Daaweynta. 


1:Bukaan dawada cadaadiska aroore qaadaha hoos u dhigeysa( portal hypertension). Sida dawooyinka beta blocker waxay innaga caawinayaan cadaadiska aroore qaadaha in ay hoos u dhigaan, waxa yaraanaya dhiig baxa, dawooyinkaas waxa ka mid ah propranolol,  nadolol.


2:Bukaanka waxa la siinayaa dawooyina qulqulka dhiigga tartiibiya. Sida octreotide iyo vasopressin,  qulqulka aroore qaadaha ayay tartiibinayaan socodkiisa.


3:Balloon Tamponade: waxa la isticmalaa marka dhiigga la xakameyn waayo si markaasi dhiigga loo joojiyo(Sengstaken-Blakemore tube).


5:Transjugular Intrahepatic Portosystemic Shunt (TIPS): waa hannaan la sameynayo marrin kale  guddaha beerka si markaasi loo yareeyo cadaadiska jirra.


6:Antibiotics:  si caabuqa loo yareeyo ama looga hortago bukaanka waxa la siinayaa ceftriaxone .


Tixraaca. 


1:Harrison's Principles of Internal Medicine" by J. Larry Jameson, et al."Sleisenger and Fordtran's Gastrointestinal and Liver Disease" by Mark Feldman, et al.


2:American Association for the Study of Liver Diseases (AASLD) guidelines.European Association for the Study of the Liver (EASL) guidelines.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad