Casharka 40aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system).
Casharka 40aad
Ceejisanka hunguriga (Esophageal stricture).
Carriirsanka hunguriga waxa uu keenayaa in ay adkaato wax liqidda. Hunguriga waa tuubbada qaada cuntada, iyo dareeraha ka imanaya afka siina gaarsiinaya caloosha. Caadiyan hunguriga muruq tubbeedka waxa uu gaadhaya 25 cm dherer ahaan. Waxaana ku meegaaran xuub xaleed kaasoo ogolaanaya in cunnada iyo dareeraha si sisibsan ku gudbaan. Hunguriga waxa uu isku nidaamshaa fududeynta gudbinta. Waxa jirro waxyaabo badan aas aas u ah in ay xaaladan dhacdo waxa ka mid ah.
1:Ceejisanka hunguriga waxa uu ka dashaa olol(inflammation)iyo cadadka hunguriga oo nabar yeesha. Nabarkaasi waxa uu keenayaa cariirsan ku yimaada dhex roorka hunguriga.
2:Inflammation: ololka waxa uu dhaawacayaa xuub-xaleedka ku dahaaran hunguriga, taasoo ugu wacan aysiidha dib ugu soo laabata, liqitaanka waxyaabo banaanka qofka kaga yimid.
3:Fibrosis: ololka raagga waxa uu carinayaa unugyada( fibroblast) iyo in ay ku ururaan kolaajiin taasina waxay keeneysaa cadka hunguriga inuu adkaado. Ama nabar yeesha. Unugyada iyo kolaajiinta ka buuxsankooda sidaas ayay ku keenayaan inuu adkaato hunguriga.
4: Scar Formation: sameysanka nabarka marka uu waqti dheer kogsanaado(construction),waxa ka dhallanaya in uu cariirsamo dhex roorka hunguriga.
5:Dysphagia: ciriirsanka marrintaanka cunnada iyo dareeraha ku yimaada waxa ay keeneysaa in ay adkaato liqitaanka .
Maxaa keenna
1:Gastroesophageal Reflux Disease (GERD): qofka oo waqti dheer qaba gaaska waxa uu dhaawacayaa xuub xaleedka hunguriga, isagoo sababaya in meesha ay ku sameysmato nabar. Nabarkaasi sameysmay inuu keenno ciriirsan.
2:Eosinophilic esophagitis. Waa xaalad dhif ah uu keeno is weerarka difaaca jirka, xasaasiyada dhuunta ay siyaadeyso, waxa cariya ololka raaga.
3:Traumatic injury: waxa keenna jug soo gaadha hunguriga, waxa ka mid ah qofka oo shil gala, iyo waxyaabaha ka dhasha qaliin qofka loo sameeyay( iatrogenic). Jugtaasi waxay keeneysaa barar iyo nabar ku sameysma guddaha hunguriga ama banaanka kaasoo cadaadiska ku keenaya hunguriga.
4:Cancer treatments. Daaweynta kaankarada waa ay keentaa( radiation therapy) haddii la daweynayo meelaha u dhow hunguriga kansar ku dhacay waxa uu keenayaa ololka raagga. Shucaaca waxa uu carinayaa ceejisanka hunguriga waana dhibaatada uu leeyahay daweynta shucaaca. Haddii qaliin loo sameeyay si markaasi kansarka looga saaro hunguriga waxa uu keenayaa ceejisan ku yimaada hunguriga.
5:Infectious esophagitis. Waxa keenna caabuqa ku dhaca hunguriga sida caabua fayruska ( HPV, HSV-1 iyo CMV). Waxaa kaloo keenna caabuqa fangayga,sida candida. Albicans waxay keenayaan caabuqa hunguriga, taasoo keeneysa in difaaca hoos u dhaco.
Calaamadaha.
1:Dysphagia: qofka waxa ku adkaanaya liqitaanka cunnada iyo mararka qaar xitaa dareeraha.
2:Laab xanuun aanu keenin wadna xanuun, xanuunka laabta waxa ugu ceejisanka hunguriga.
4:Qofka marka uu wax liq is yiraahdo qufaca.
5:Cunnada oo dib u soo laabata.
Miisaanka qofka oo hoos u dhaca.
Baadhitaanka.
1:Barium Swallow: bukaanka waxa la siinayaa dawo caddeysa oo si nadiif ah loogu arki karo raajada hunguriga.
2:Endoscopy: waxa la galinayaa kaamirada dhuunta si markaasi loogu arko si nadiif ah ceejisanka hunguriga.
3.Esophageal Manometry: waxa la cabirayaa cadaadiska muruqa hunguriga.
4:pH Monitoring: waxa la qiimeynayaa heerka aysiidha ew hunguriga.
Daaweynta.
1:Esophageal Dilation: bukaanka waxa loo galinayaa balaadhiso si markaasi hunguriga u kala baxo.
2:Waxa la siinagaa bukaanka dawooyinka xidha aysiidha soo dayntooda(Proton Pump Inhibitors) waxay hoos u dhigayaan aysiidha ay soo saarto caloosha.
3:Waxa kaloo la siinayaa dawooyinka difaaca jirka sarre u qaada oo ka hortaga isweerarka (Corticosteroids), iyadoo loo siinayo xasaasiyada hunguriga.
4:Esophageal Stent: waa tubbo la dhigayo hunguriga si markaasi loo balaariyo hunguriga. Waxa la isticmaalaa marka uu darran yahay ceejisanka hunguriga.
5:Esophagectomy waa qaaliin looga saarayo qeyb ama dhammaan hunguriga haddii laga maarmi waayo taasoo ay keentay kaankaro ceejinta hunguriga. Waa haddii daweynta wax natiijo ka soo naasacadaan waayaan.
Tixraaca.
1:Current Medical Diagnosis & Treatment" by Maxine A. Papadakis, Stephen J. McPhee, and Michael W. Rabow.
2:Bailey & Love's Short Practice of Surgery"
3:Gastrointestinal and Liver Disease: Pathophysiology, Diagnosis, Management" by Mark Feldman, Lawrence S. Friedman, and Lawrence J. Brandt.
4:Textbook of Gastroenterology" by Tadataka YamadaA comprehensive resource that covers all aspects of gastroenterology, including the pathophysiology, diagnosis, and treatment of esophageal strictures
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment