Casharka 41aad

 Habdhiska dheefshiidka (Digestive system).


Laryngopharyngeal reflux


Casharka 41aad


Inta aynnaan xanuunka galin,  waxa aynnu ka hadli doonnaa habdhiska dhuunta,marrinkeeda.


Dalqadu(pharynx)waa moqor muruqlay ah oo ay ku dahaa- ran yihiin xuubab axal. Cuntada ayaa sii marta moqorkaasi marka hunguriga ay gelayso, Marka wax la liqayo waxa urura muruqyada gidaarrada dalqada oo hoos u cadaadiya cuntada si hunguriga ay u gasho. Isla markaa dhanxanaga jilicsan ayaa isku gudba marinka sanka si aanay cuntadu kor u gelin. Qulaanqushaha (larynx)ayaa isna ku soo baxa, waxana is qabsada xarkaha dhawaaqa si aan cuntadu u gelin hunguriga cad iyo sambabada. Hawshaasi muruqyada ee isku xiriirsani waxay badbaadisaa qofka, haddii si habsan u dhicin waxa dhacda in qofku ku saxdo cuntada. 


 HUNGURIGA


Marka cuntada calaashani soo dhaafto dalqada, waxay soo gashaa dhuun dheer oo hoos u marta luqunta lana yiraahdo hunguri. Waxay dhex martaa dhuuntaasi saablayda, xagga dambena waxay ka martaa hunguriga cad iyo wadnaha. Hun- gurigu wuxu ka dhex dusaa bogga wuxuna galaa caloosha.


DHISKA GIDAARKA HUNGURIGA


Gidaarka hungurigu wuxu ka kooban yahay seddex lakab oo kala sarreeya, hawshooduna ay kala duwan yahay, Waxay kala yihiin:


1) Xuub axaleeda guudka sare ku dahaaran, oo uu ka soo dhiiqo axal dufna gidaarrada hunguriga si cuntadu si dhib yar u marto.


2) Nudo isku xirayaal ah.


3) Lakab ah muruq ma la fare, oo ka kooban:


B. Liifyo gudban oo sare.


T. Liifyo wareegsan oo hoos ku yaal


Lakabka muruqa ahi wuxu dubaaxiyaa wuxuna hoos u riixaa cuntada. Dubaaxintu waa marka muruq ama xubin muruqlay ahi ay si talantaal isu dabajoogta ay u ururto una kala baxdo.


Laryngopharyngeal reflux waxa uu dhacaa marka caloosha waxyaabaha ku jirra ay dib ugu soo laabtaan qulaanqushada codka(voice box) iyo hunguriga,  waxa uu saameynayaa qeybta sarre ee hunguriga,  qulaanshada, cunnaha. Caloosha aysiidha ku jirta iyo dheecaannada dheefshiidka waxay dib ugu soo labanayaan qulaanshada,iyo cunnaha, waxa la yiraahdaa dib u noqodka aamusan) (silent Reflux). In aysiidha dib u soo laabto waxa ugu wacan muruqa qeybta sarre ee hunguriga iyo muruqa qeybta hoose ee hunguriga ayaa shaqadiisa xumaaneyso.  Aysiidha iyo dheecannada uur ku jirta waxay saameynayaan cadka hunguriga( aysiidha iyo bebsiinta). Marka ay walxahaasi soo gaadhaan hawomareenka sarre waxa ay keenayaan olol( inflammation).


Falcelinta dareensidaha ka qeybqaata dheefshiidka caloosha( vagal Reflux). Dareensidahan waxa uu xakameeyaa shaqooyin badan ka dhaca habdhiska dheefshiidka, isagoo carinaya aysiidha waxyaabaha kale carinaya hunguriga. Marka caloosha waxyaaba ku jirra ay dib u soo noqdaan hunguriga, waxay xoqoyaan barta markaasi aysiidha soo gaadhay waxa markaasi la carinayaa dareensidaha( vagal nerve). Shaqo gabka muruqa hunguriga;  carinta dareensidaha  waxay keeneysaa in si ku meel gaar ah in uu u kala kabaxo muruqa hoose ee  hunguriga ( lower esophageal sphincter).Kala baxaasi waxa uu keenayaa in si tartiib ah aysiidha caloosha ay dib ugu soo laabato hunguriga, qulaanqushada.


Maxaa keenna


1:Lower esophageal sphincter Dysfunction:  waxa keenna dabaca ku yimaada muruqa hunguriga qeybta hoose taasoo aanu soo sheegnay waxa ugu wacan oo ah kala baxa uu saameeyo sidaasna aysiidha dib ugu soo laabato hunguriga iyo qulaanqushada. 


2:Upper esophageal sphincter Dysfunction: sidoo kale waxaa kaloo keeni kara dabac ku yimaada muruqa hunguriga qeybtiisa sarre. Aysiidha waxay saameynaysaa hunguriga, sanduuqa codka.


3:In a hiatal hernia:  Waa qeyb ka mid ah caloosha markaasi soo kuusanto bogga gudaha laabta( eerno). Muruqa boogga caadiyan waxa uu inna caawiyaa inuu isku dheellitiro muruqa qeybta hoose ee hunguriga cadaadiskiisa. Dabacaasi ay keento eernada waxa sahleysa aysiidha caloosha iyo dheecaanada dheefshiidka marka ay dib u noqod sameeyaan waxay gaarayaan qulaanqushada iyo hunguriga iyadoo markaasi keeneysa dabaca muruqa hunguriga qeybtiisa hoose.


4:Lifestyle Factors: hab-nololeedka oo xumaada waxa uu sahlayaa in uu qofka xaaladan la kulmo, sida inuu buuran yahay,  in ay cunnadiisa xun tahay, inuu qamri cabo, sigaar inuu cabo, isku buuq inuu ku jirro. Xaaladahan oodhan waa ay sahli karaan.


Calaamadaha. 


1: Qofka oo yeesha codka fardaha.

2: Qufac raagga.

3: Qofka dareema inuu cunnaha kuus kaga yaalo.

4: Cunnaha oo qofka xanuunna.

5: Liqitaanka oo adkaada.

6: Qofka oo xiiqa( wheezing) sida inuu qabo neef oo kale ah.

7: Olola ku dhaca godka codka waxa uu keenayaa in codka la waayo.

8: Qoyaan xab ah markaas ku urura cunnaha.

9: Qofka cunnaha cuncun ka dareema.


Baadhitaanka. 


1:Laryngoscopy:  waa qalab lagu baadhayo qulaanqushada sida markaasi loo arko haddii ay meesha casaan tahay, barar uu jirro, ama calaamad muujineysa olol.


2:24-Hour pH Monitoring: hubbin lagu cabbirayo heerka aysiidha ee hunguriga, si markaasi loo xaqiijiyo saameynta aysiidha.


4:Esophagogastroduodenoscopy (EGD Test)  hubbitan waa hannaan fudud lagu baadho  qeybta sare ee habdhiska dheefshiidka. Waa kaamarad lagu ogaaayo ama go'aan looga gaarayo xaaladan.


 Daaweynta. 


1:Proton Pump Inhibitors (PPIs) dawooyinkan waxay hoos u dhigaan soo saaritaanka aysiidha caloosha. Waxay yareynayaan qatara dib u soo noqodka aysiidha iyo dhaawaca qulaanqushada,  iyo cunnaha. Waxa kamid ah:

Omeprazole, Esomeprazole, Lansoprazole, Pantoprazole.


2:H2 Receptor Antagonists (H2 Blockers) waxa xidhayaan unugyada caloosha ka masuulka ah carinta soo deynta aysiidha. Iyagoo xidhaya qaabilaha H2 si markaasi hoos ugu dhigaan  aysiidha caloosha.  Waxa ka mid ah:Famotidine, Cimetidine.


3:Antacids: lidiga aysiidha waxay si toos u barxayaa aysiidha ku jirtay caloosha. Ma ahan kuwa ka hortaga  soo saaritaanka aysiidha, laakiin si dagdag ayay calaamadaha hoos ugu dhigayaan.  Waxay hoos dhigayaan cuncunka cunnaha, qulaanshada marka aysiidh noqodka uu dhaco. Waxa kamid ah: Calcium carbonate, Magnesium hydroxide.


4:Prokinetic Agents: dawooyinkan waxay innaga caawinayaan in ay nadiifiyaan aysiidha ka timaado caloosha. Iyagoo markaasi carinaya murqaha dheefshiidka, iyagoo siyaadinaya dhexroorka muruqa qeybta hoose ee hunguriga.  Iyagoo yareynaya aysiidha soo gaadheysa hunguriga ilaa qulaanqushada. Waxa ka mid ah:Metoclopramide, Domperidone.


5:Baclofen waxay xidheysaa qaabilaha( GAB RECEPTOR)  iyadoo yareyneysa kala bax ku meel gaarka ah muruqa qeybta hoose ee hunguriga. Iyadoo yareneysa xaddiga aysiidha.


Tixraaca. 


1:Amboss: Provides comprehensive details on the diagnosis and management of LPR.


2:Medscape: Offers in-depth articles on the pathophysiology and treatment options for LPR.


3:Gastroenterology: Clinical Cases Uncovered" by Satish Keshav and Emma Culver provides case studies on LPR and related conditions.


4:Yamada's Textbook of Gastroenterology" offers detailed discussions on LPR within the broader context of gastroenterological disorders.


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad