Casharka 42aad
Habdhiska dheefshiidka(digestive system).
Casharka 42aad
Kogitaanka hunguriga (Esophageal spasm).
Qaab-dhiska hunguriga. Hunguriga waa muruq tubbo ah isku xidha cunnaha ilaa caloosha, waxa uu ka kooban tahay dhowr lakab oo xuub xaleed ah.
1:Mucosa: waa lakabka hoose, waxa uu soo saaraa xab fuddudeynaya in cunnada sisibsan ku marto hunguriga.
2:Submucosa: lakabkani waxa uu ka kooban yahay qanjidho, soo daaya xab, iyo xiddido.
3:Muscularis externa: lakabkani waa mid wareeg ah iyo lakab dhereran. Lakabkani waxa uu masuul ka yahay dhaqaaqa hannaan qummanka cuntada si markaasi u gaadho caloosha.
4:Adventitia: waa lakabka sarre waxa ùu sameeyaa taageerid qaab-dhismeed.
Kogitaanka hunguriga waa xaalad aan caadi ahayn ku timaada muruqa hunguriga oo kogitaan sameeya (construction). Kogitaankan waa mid xanuun badan, kaasoo carqaladeynaya liqitaanka caadiga ah. Waxa loo qeybiyaa labo qeybood.
1:Distal (or diffuse) esophageal spasm: waa nidaam xumo ku timaada kogitaanka muruqa hunguriga taasoo ka dhacda badanaa qeybta hoose ee hunguriga. Noocan waxa keena badanaa cunnada uu qofka liqay oo dib ugu soo noqota hunguriga.
2: Hypercontractile (nutcracker or jackhammer) esophagus: kogitaanka muruqa hunguriga oo xad-dhaaf noqda, muruqa kogitaankiisa waa mid aad u xooggan. Kogitaankaasi waxa uu sababayaa xanuun. Gaar ahaan xilliga liqitaanka. Xanuunka waa mid darran, qofka waxa uu dareemayaa laab xanuun ama in laabta laga cadaadinayo.
Pathophysiology: hannaanka uu dhaco si sax ah ma ahan mid loo wadda fahansan yahay waxa jirra waxyaabo ka qeyb qaadanaya oo la rumeysan yahay.
1:Neural Dysfunction: waa xaalad dhibaato ku timaada shabakad dareensidayaal (myenteric plexus)ku yaala inta u dhexeysa lakabyada muruqyada hunguriga. Doorka ay ka ciyaraan waa door aad muhiim u ah isku nidaaminta kogitaanka dhaqaaqa hunguriga si markaasi ay cunnada ugu huleesho si habboon. Shaqada xumada ku timaada shabakadan dareen sidaha waxa ugu wacan dhaawac soo gaadha hunguriga, waxa ay horseedi doontaa nidaan xumo ku timaada kogitaanka muruqa. Xidhiidh xumada ku timaada dareensidaha waxa ka dhallanaya kogitaanka muruqa qofka waxa ku dhacaya kogitaanka hunguriga (Esophageal spasm).
2:Vagal Nerve Dysfunction: dareensidan waxa uu ka masuul yahay xakameynta hunguriga. Haddii ay xumaato ama carqalad ku timaado dareensidahan shaqadiisa waxa xumaanaya isku dheellitirka kogitaanka muruqa hunguriga. Tani waxay horseedeysaa in uu kala bixi waayo muruqa hunguriga sidaasi ay ku dhacdo kogitaanka hunguriga.
3:Neurotransmitter Imbalance: dheelliga ku yimaada dhambaal-laliyaasha, sida kiimikada(acetylcholine) kaasoo cariya kogitaanka muruqa, taasoo ay sarro u qaado kala baxa muruqa, waxa uu muhiim u yahay in ay si nidaamsan u dhacdo shaqada hunguriga. Carqalada ku timaada isku dheellitirka waxa ugu wacan shaqa xummada ku dhacda dareensidaha, tasoo uu horseedi karto xawaaraha muruqa shaqada, taasoo keeneysaa kogitaanka hunguriga.
Maxaa keenna.
1:Gastroesophageal reflux disease (GERD): aysiidha dib ugu soo laabata hunguriga waxay keeneysaa in xoqdo hunguriga. Sidaas ay ku keento kogitaanka hunguriga.
2:Anxiety or stress: isku buuqa ku dhaca qofka waxa uu ka qeyb qaadan karaa inuu yimaado kogitaanka hunguriga.
3:Swallowing large boluses of food: hunguriga oo wax ka weyn la Marsha waxaa uu keenayaa kogitaanka hunguriga.
Calaamadaha.
1:Chest pain: qofka waxa uu dareemayaa laab xanuun badan, xitaa waxa lagu qaldi karaa wadna istaaga.
2:Dysphagia: Liqitaanka oo adkaada, gaarkaan waxyaabaha adag.
3:Odynophagia: liqitaanka oo xanuun ah.
4:Globus sensation: qofka oo dareema inuu dhuunta kuus kaga yaallo.
5:Regurgitation: cunnada oo dib soo laabata guddaha cunnaha.
Baadhitaanka.
1:Barium swallow: qofka waxa la siinayaan dawada dareeraha si markaasi hunguriga loogu arko si nadiif ah.
2:Esophageal manometry: In la cabirro shaqada muruqa hunguriga xilliga liqitaanka.
3:Endoscopy: haddii ay burro jirto ayaa lagu baarayaa. Haddii ay wax ka qaldan yihiin qaabdhiska hunguriga.
4:Ambulatory pH monitoring: In la qiimeeyo heerka aysiidha.
Daaweynta.
1:Calcium channel blockers (e.g., diltiazem): waxay innaga caawinayaan kala baxa murqaha hunguriga.
2:Nitrates: waxay hoos u dhigayaan laab xanuunka, isagoo dabcinaya murqaha sisibsan(smooth muscle).
3:Proton pump inhibitors (PPIs): waxay u dhigayaan aysiidha caloosha soo deysa(Omeprazole).
4: Botulinum toxin injection: waxa loo isticmaalayaa haddii uu jirro darnaansho xanuuneed, iyadoo hoos loo dhigayo kogitaanka muruqa.
5: Surgical interventions: In la saaro muruqa hunguriga.
Tixraaca
Current Medical Diagnosis & TreatmentAmbossMedscape
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment