Casharka 43aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system).
Casharka 43aad
Small Intestinal Bacterial Overgrowth (SIBO)
Waa in ay xiidmaha yaryar ku korotaan bakteeriyo xad dhaaf ah. Haddii ay bakteeriyadaas taran sameyso ay keeneyso dhibaato. Sidee u dhacdaa ama ugu tarmi kartaa xiidmaha yaryar.
1: Bacterial Overgrowth: xiidmahaa yaryar caadiyan waxa ku dhex Kora xaddi bakteeriyo, kuwasoo ka qeyb qaata soo deynta aysiidha, dhaqaaqa cunnada, haddii uu hannaankani xumaado, bakteeriyada waxay ka imaneysaa xiidmaha waa wayn iyadoo markaasi u soo safreysa xiimaha yaryar. Carqaladeynta ku timid bakteeriyadii caadiga ahayd, waxay keeneysaa nafaqo darro, waxa xumaanaya in la burburin waayo dufanka, waxaa kalo qoqob ku imanayaa kaarbohaydareedka waxay keeneysaa in qofka aariyo isku arko.
2: Inflammation and Damage: xaddi badan oo bakteeriyada waxa ay keeni kartaa olol ku yimaada lakabyada xiidmaha. Taaso keeneysaa inuu siyaado dilaaca xiidmaha, iyo xumaanshaha shaqada dheecannada caloosha. Waxaana ka dhallanaya nafaqo darro gaar ahaan faytamiinnada ku milma duxda, iyo faytamiin B12 hoos u dhaca.
3:Anatomic Abnormalities: waxaa kalo keenna in isbeddel ka jirro qabdhiska xiidmaha, sida inuu ceejisan ku yimaado, qalaad-isjiid( Adhesions) kuus kuus ka soo baxa xiidmaha. Taasi waxay kordhineysaa heerka badasha koritaanka bakteeriyada.
4:Immune System Disorders: haddii uu hooseeyo difaaca jirka waxa uu sahli karaa in ay siyaado heerka badashada bakteeriyada xiimaha.
5:Waxaa kaloo keeni kara dawooyinka gaaska loo qaato( PPI). SIDEE AYAY KU KEENI KARAAN.Yaraanshaha aysiidha caloosha: aysiidha caloosha waxay ka ciyaartaa door muhiim ah hannaanka dheefshiidka, kaliya kama qeyb qaadato burburinta cuntada,, sidoo kale waxay u shaqeysaa sida difaac liqa bakteeriyada. Aysiidha caloosha waxay dileysaa ama xidheysaa bakteeriyo soo gali lahayd dheefshiidka.
6:Waxaa kaloo ay ku iman kartaa in qofka caloosha looga sameeya qaliin ama in la isku talaallo xubnaha caloosha qofka loo sameeyay.
7:Waxaa kaloo keeni kara xanuunka macaanka oo aan la xakameyn. Macaanka waxa uu sababayaa in ay bakteeriyada koritaan ku sameyso xiidmaha. Qofka waxa cillad ku imaaneysaa dareen wadka isku fillan( autonomic neuropathy), taasina waxay keeneysaa in ay taransameyso bakteeriyada guddaha xiidmaha. Kacsanaanta sokorta oo raagta, waxay dardar-galineysaa in xiimaha dhaqaaqisa uu hoos u dhac ku yimaado.
Calaamadaha.
1: calool xanuun, shubban, aariyo, saxaradda oo lagu arko dufan, lallabo, miisaanka hoos u dhaca, daal, dhiig yari( anemia).
2: Nafaqo darro, xanuunka waxa uu yareynayaa faytamiinka B12, birta, kuwa ku milma dufanka, taasoo ugu wacan nuugis xummada.
Baadhitaanka.
1:Breath Tests: hubbintan waxa la baarayaa maadada haydarojiinta iyo methane waana midda ugu caansan ee markaasi go'aan looga gaari karro. Qofka marka la siiyo kaarbohaydareed sida sokor waxa sarre noqonaya hayrdogen iyo methane taasoo caddeyneysa inuu jirro xaddi badan oo bakteeriyo.
2:Small Bowel Aspirate and Culture: waa hubbin muhiim ah iyadana go'aan lagu gaari karro. Bukaanka waxa laga qaadayaa dareere, dareerahaasi ayaa la baarayaa si markaasi loo cadeeyo in ay jirto bakteeriyada.
3:Blood Tests: hubbinta dhiigga waxa laga baarayaa haddii ay jirto dhiig yaraan.
Daaweynta
1:Antibiotics: bukaanka waxa la siinayaa Rifaximin waa midda ugu caansan loo isticmaalo. Waxa jirro kuwa kale markaasi la siiyo Sida metronidazole, Ciprofloxacin.
2:Nutritional Support: waxa la siinayaa faytamiinno, iyo macdanno, gaar ahaan faytamiin B12, birta(iron).
3: Underlying Causes: In la xalliyo waxyaabihii keenay xaaladan.
Tixraaca
Books: "Sleisenger and Fordtran's Gastrointestinal and Liver Disease" is an excellent reference for detailed information on SIBO. Another useful text is "Harrison's Principles of Internal Medicine."
Amboss: Provides an overview of SIBO, including pathophysiology, clinical presentation, and treatment options.
Medscape: Offers up-to-date clinical guidelines and detailed explanations of diagnostic and treatment strategies for SIBO.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment