Casharka 44aad
Habdhiska dheefshiidka (digestive system)
Casharka 44aad
Mesenteric Syndrome
The mesenteric arteries waa uu quudiyaa ama waribayaa xiidmaha. Laamaha uu leeyahay halbowlahan waxa uu ka yimaadaa halbowlaha caloosha iyo xiidmaha yaryar, qeybta ugu horreysa xiidmaha waa wayn, qeybta horsan ee xiidmaha waa wayn (ascending colon), qeybta gudban ee xiidmaha waa wayn ( transverse colon),iyo gacana. Waxa uu ku dhagan yahay xiidmaha qeybta dambe darbiga caloosha, isagoo siinaya taageerid,waxaana ku jirra xiddido dhiig, dareensida, marrinnada qashinka qaada.
Mesenteric Syndrome waa xaalad dhif ah in la arko, haddii ay dhacdo waa xaalad qatar keeni karta, waxa uu dhacaa marka qeybta seddexaad ee laba iyo toban laha(duodenum) ayaa waxa uu cadaadis fuulayaa hablowha sare xiidmaha waraabiya iyo halbowlaha quudiya caloosha. Cadaadiskan waxa uu horseedayaa qeyb ama gabi ahaanba inuu xidho labo iyo toban laha( duodenum). Xaaladan waxay timadaadaa marka la waayo duxda difaacda xiddidka, duxda difaacda waa lakab nud duxeedka(adipose tissue) ku hareereysan xubnaha kala duwan ee qaabdhiska guddaha jirka. Duxdaan waxay difaac u tahay inta u dhexeysa halbowlaha quudsha xiidmaha iyo qeybta seddexaad laba iyo tobalaha, duxdan waxay qabataa, in ay difaacdo halbowlaha, in ay ka hor tagto cadaadiska tooska ku imanaya halbowlaha ( superior mesenteric artery). Halbowlaha waxa uu siiyaa qaab-dhis, waana keydiyaha tamarta, duxda keyd tamareedka taaso door fiican ka ciyaarta nidaaminta burburinta.
Haddii uu qofka si dagdag miisaankiisa hoos ugu dhaco ama xanuunnada raaga haddii uu qofka leeyahay, ama xanuunnada lagu dhasho taasi waxay keeneysaa inuu ciriirsamo xagasha Halbowlaha markaasi ka soo baxayay. Halbowlaha quudsha xiidmaha waa taanu nidhi waa laan ka mid ah Halbowlaha wayn ee caloosha. Haddii xagaashi hoos u dhac ku yimaado waxa cadaadiska ka dhallan doonna xirran ku yimaada laba iyo toban laha.
Waxyaabaha kale oo keeni kara waxa ka mid ah, qofka jug gaadha, qofka oo waqti dheer sariir saarnaada, haddii uu qofka gubto waa keeni kartaa xaalladan ku timaada quudiyaha xiidmaha.
Calaamadaha.
1: lallabo, matag, calool xanuun, qofka waxa uu xanuunka dareemayaa dhacdiid dhanka bidix marka uu u seexdo. Qofka oo dareema durbaba dharag, laab olol, aariyo. Caloosha kala baxda.
2:Miisaanka oo hoos u dhaca, taasoo ugu wacan qofka oo wax cuni waaya, iyo nafaqo darro.
Baadhitaanka.
1:CT or MRI Angiography: waxa la eegayaa fogaanta u dhexeysa xagasha halbowlaha iyo faraca ka baxa inta u dhexeysa, si markaasi loo xaqiijiyo xanuunka.
2:Duodenal Manometry: waxa la cabirayaa isbeddelka cadaadiska, waxa innaga caawinayaa waxyaabo kale jiraan.
3:Abdominal X-ray. Raajada ubuxda waa muhiim, si markaasi loo helo waxyaabo kale haddii ay jirraa,ama caloosha kala baxsan tahay.
Daaweynta.
1:Nutritional Support: waxa la siinayaa nafaqeyn, si markaasi miisaanka jirkiisa sare logu soo qaado, si markaasi u helo dux fiican. Waxa loo xidhayaa tuubbada caloosha, si markaasi cadaadiska loo yareeyo(NG TUBE). Waxa la saxayaa haddii qalqal ku yimid macdannada jirka, waxa la siinayaa fuuq celin.
2:Duodenojejunostomy: waxa la isku xidhayaa qeybta kore xiidmaha yar, iyo qeybta labaad xiidmaha yar.
Tixraaca.
Snell's Clinical Anatomy by Regions for a detailed anatomical overview.
Current Medical Diagnosis & Treatment for clinical guidance.
Websites:Medscape and Amboss for up-to-date clinical information.
W/Q:Indha_caad
Comments
Post a Comment