Casharka 45aad

Habdhiska dheefshiidka (digestive system).


Casharka 45aad


Ischemic colitis


Ischemic colitis (IC) waa xaalad olol ah( Inflammatory condition) oo soo wajahda xiidmaha waa wayn(colon). Waxa keenna dhiig yari soo wajahda ama waraabka dhiigga soo gaadhaya oo oo yaraada  taasoo keeneysa in ay dhacdo ogsijiin la'aan, iyo inuu dhaawac soo gaaro nudaha xiidmaha wayn. Meesha ugu badan uu saameeyo waa qeybta bidix ee xiidmaha waa wayn. Sidee ayuu ku yimadaa?


1:Socodka dhiigga oo yaraada:  xiidmaha waxa waraabiya laama ka yimaada halbowlaha caloosha(  superior and inferior mesenteric artery), goorta uu dhiigga yaraado, waxa ugu wacan dhiigga oo hoos u dhaca, xirranka xiddidada,  ama xinjirowga xiddidada, markaas ayay dhacdaa yaraanshaha ogsijiinta.


2: Ischemic Injury: ogsijiin la'aanta iyo nafaqada waxay keenayaan dhaawac  xuub xaleedka xiidmaha waa wayn. Dhaawacanu waxa uu ka dhallan karaa olol( inflammation) dilaac, iyo inuu nuddaha dhinto( necrosis).


3: Dhiigga oo hoos u dhaca: waa xaalad muujineysa cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaca, kaasoo yaraada soo socodka dhiigga, haddii socodka dhiigga xumaado waxa yaraanaya dhiigga ay heli lahaa xiidmaha. Goorta uu hoos u dhaco dhiigga, waxa xumaanaya xiidmaha waa wayn dhiigga soo gaari lahaa,  gaar ahaan meelaha u nugul waxa ku yaala tafaalyada u dhexeeya xiddida dhiigga.


4:Fashillanka wadnaha( heart failure)  waa marka uu wadnaha awooddi waayo inuu buufiyo dhiig ku fillan.  Waxa ka dhallanaya inuu wadnaha dhiig yar tuuro, wareega dhiigga jirka waxa uu noqonayaa mid xumaada, meelaha uu saameynayo waxa ka mid ah habdhiska dheefshiidka.  Waxa dhaawaca ama ogsijiin la'aan noqonaya cadka xiidmaha,  haddii dhiigga socodkiisa yaraado, waxa yaraanaya xiidmaha dhiigga soo gaari lahaa, nuddaha waxa uu noqonayaa bilaa ogsijiin.   Xuub xaleedka xiidmaha waa wayn waa uu dhimanayaa.  Haddii uu waqti dheer ahaado mid bilaa ogsijiin cadka waxa ku imanaya inuu dhinto.


5:Awdanka xiddidka( Atherosclerosis),  ciriirsanka xiddidka waxa uu saameyaa xiddidada,  gaar ahaan kuwa quudiya xiidmaha (superior mesenteric artery and inferior mesenteric artery). Xirrankaasi waxa uu yareynayaa dhexroorka xiddidka,  taasina waxay hoos u dhigeysaa socodka dhiigga. Xiidmaha sida caadiga waxa uu leeyahay meelo markaasi dhiigga uu ku yar yahay ( splenic flexure, rectosigmoid junction), waana halka markaasi u nugul dhiig yaraansha, marka xirranka hablowha uu darnaado waxa aad u xumaanaya dhiigga soo gaari lahaa meesha u nugul xiidmaha. Waxa ay noqonaysaa mid bilaa ogsijiin iyo nafaqo darro ah.


6:Thrombus Formation:  sameysanka xinjirta, waxa ay ku sameysmeysaa guddaha xiddidada quudiyada xiidmaha waa wayn( superior mesenteric artery,  inferior mesenteric artery) ama laamaha ka baxa. Xinjirtan waxay xidhaysaa qeyb, ama  dhammaan guddaha xiddidka,  taasoo yareyneysa socodka dhiigga.  Dhiigga oo xumamada waxa ugu wacan xinjirta, taaso ah inuu xumaado ogsijiinta uu heli lahaa xiidmahaa waa wayn. Taasina waxay keeneysaa ogsijiin yari taasoo sababeyso in ay unugyada dhintaan.


7:Surgical Procedures:  waxaa kaloo keenna in qofka qaaliin looga sameeya caloosha, gaar ahaan halbowlaha caloosha( aorta) taasoo saameyn ku yeelaneysa socodka dhiigga ee xiidmaha. 


8:Medications:  dawoyinka qaar kuwa xiddidka ururiya( vasoconstriction)  ama kuwa keenna fuuq baxa(  diuretics) waxa ay ka qeyb qaadanayaan ogsijiin la'aanta iyo nafaqo xumida xiidmaha waa wayn.


Calaamadaha. 

1: Calool xanuun, qeybta hoose ee bidix. 

2: Saxarro dhiig.  Ogsijiin la'aanta iyo nafaqada xumada waxa lagu arkaa qofka saxaradiisa dhiig.

3: Qofka oo u dagdag suuliga, aanu awooddin inuu saxarada ceshado.

4: Lallabo iyo matag, waa dhif balse waxa la arkaa marka uu xanuunka saa’id yahay.

5: Qandho, waxa ay soo muqaneysaa marka uu jirro caabuq ama darnaashaha xanuunka.


Baadhitaanka. 


1:Colonoscopy: waxa si toos loogu arkayaa xiidmaha waa wayn. Kaasoo inna tusinaya haddii ay jirran,  dilaac ama nabar, olol.


2: CT Scan: waxa lagu qiimeynayaa, darbiyada xiidmaha haddii ay adag yiihin ama ay jirto calaamad muujineysa ogsijiin xummo.


3:Stool Studies: waxa laga baadhayaa haddii uu jirro caabuq.

 

4: Blood Tests:  waxa lagu ogaanayaa kansanaanta unugyada cad cad( WBC).


Daaweynta. 


1:Qofka waxa lagu xidhayaa fuuq celin si markaasi iskugu dheellitirmo cadaadiska dhiigga.


2:Waxa la nasinayaa xiidmaha  ilaa uu ka reysanayo, waxaa laga fogeynayaa cunnada.


3:Waxa la siinayaa kaar jabiyayaal( pain killers).


4:Antibiotics:  waxa loo isticmaalayaa haddii uu jirro caabuq darran.


5:Surgery:  waxa loo baahanayaa haddii ay dhintaan qeyb ka mid ah xiidmaha,  iyadoo laga soo saarayo inta xumaatay.


6:Underlying Causes:  In la daweeyo waxyaabah keenay, sida dhiigga hoos u dhacay, wadnaha oo fashilma, dawooyinka keenaya in la joojiyo, xinjirowga la daaweeyo.


Tixraaca. 


Books:"Sleisenger and Fordtran's Gastrointestinal and Liver Disease": Comprehensive coverage on gastrointestinal disorders, including ischemic colitis."


Current Medical Diagnosis and Treatment": Provides up-to-date clinical guidelines and management.


"Harrison's Principles of Internal Medicine": A detailed resource on pathophysiology and management of ischemic colitis.


Websites:UpToDate: Offers the latest evidence-based information on ischemic colitis.**[Amb


W/Q:Indha_caad

Comments

Popular posts from this blog

Casharka 53aad

Casharka 52aad